Sign in to follow this  
Gabbal

Xildhi.ka soo jeedo Gedo oo sheegay in qaab qabiil lagu qabsaday Kismayo

Recommended Posts

Gabbal   

Xildhi.ka soo jeedo Gedo oo sheegay in qaab qabiil lagu qabsaday Kismayo

 

 

Baydhabo 26, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Xildhibaano ka soo jeeeda gobolka Gedo ayaa sheegay in Barre Hiiraale ay kula taliyeen in si nabadgalyo ah uu uga baxo magaalada Kismaayo.

 

Xildhibaan C/raxmaan Indho Buur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka ee ka soo jeeda gobolka Gedo, isagoo jooga magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in qabsashada magaalada Kismaayo ay dadka xusuusineyso colaadihii 1991 dii, iyadoo uu sheegay in Kismaayo lagu qabsaday qaab qabiil.

 

Xildhibaanka waxa uu sheegay in ka bixitaanka Barre Hiiraale ee magaalada Kismaayo in ay kula taliyeen in si nabdoon uu isaga baxo, oo halkaasi aanu dhiig ku daadan si dadka ay u arkaan waxyaabaha ay ku soo kordhiyaan Maxkamadaha islaamka magaalada Kismaayo.

 

C/raxmaan Indho Buur sidoo kale waxa uu sheegay in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ay tahay magaalooyinkii sida weyn looga taageeri jirey dowladda Somalia.

 

Ka bixitaanka wasiirka G/dhigga dowladda Somalia ee magaaladaasi ay ku timid la talin iyo waano ay waaniyeen xubnaha Baarlamanka ee isku heybta ay yihiin si dadka looga badbaadiyo in dirir ay ka dhacdo halkaasi.

 

Indho Buur mar shabelle ay wax ka weydiisay ciidamo Ethiopian ah oo soo galay gobolka Gedo waxa uu sheegay in cid kasta ay soo kaxeysaneyso cidii ay is leedahay waa ay ku badbaadeysaa, isagoo ku eedeeyay Maxkamadaha islaamka in dad ajnabi ah ay ka soo dajiyeen xeebaha Koonfurta Somalia, inkastoo Maxkamadaha islaamka ay arinkaasi dhowr jeer beeniyeen.

 

Shabelle Media Network Baay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xildhibaan Xasan Deer oo sheegay in qabsashada Maxaakiimta ee magaalada Kismaayo ay hurin doonto colaad hor leh.

 

September 25- 2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay in qabsashada maxaakiimta ee magaalada Kismaayo ay hurin doonto colaad hor leh.

 

Xildhibaan Xasan Cabdi Xiirey “Xasan Deer†oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa wareysi uu siiyey HornAfrik ku tilmaamay tagitaanka maxaakiimta magaalada Kismaayo duulaan qaldan oo gardaro ah ayna doonayaan inay ku abuuraan colaad hor leh iyo iska horimaad cusub oo Soomaaliya ka dhaca kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku guuldareysteen wax ka qabashada Sh/hoose.

 

Xildhibaan Xasan Deer ayaa xusay in magaalada Kismaayo ay qabsadeen ciidamo isku baheystay qabiil oo ay wehliyaan kuwa isugu jira Oroma iyo Afgaanistaan kuwaas oo uu caddeeyey in magaalada ay ka taageen calan ay wateen kaddib markii ay gubeen sida uu yiri calanka Soomaaliya.

 

Xasn Deer ayaa intaas ku daray in maxaakiimta ay magaalada ka abuureen jah wareer islamarkaana loogu xaqiijiyey qadka telfoonka sida uu sheegay in magaalada ay ku dhinteen ilaa saddax qof dad kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Xildhibaan Xasan Deer ayaa sheegay in ka bixitaanka wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale iyo ciidamadiisa ay kula taliyeen inay isaga baxaano magaalada si loo badbaadiyo shacabka balse uusan imminka ka fogeyn magaalada inkasta oo aanu carabka ku dhufan goobta rasmiga ee uu ku sugan yahay Barre Hiiraale.

 

Xildhibaan Xasan Deer ayaa ku hanjabay inay u yeeran doonaan ciidan walba si ay gacan ku heynta magaalada Kismaayo kala wareegaan ciidamo uu ku tilmaamay in aysan u dhalan haddii ay ka bixi waayana ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan sida uu yiri.

 

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay gacan ku heynta magaalada Kismaayo la wareegeen ciidamo taabacsan maxaakiimta Islaamka iyadoo wasiirka gaashaandhiga Barre Hiiraale oo ahaa guddoomiyihii isbaheysiga dooxadda jubba uu isaga baxay isaga iyo ciidamadiisa.

 

Xildhibaan Xasan Deer ayaa hore u sheegay in magaalada Muqdisho uu ka soconaya abaabul la doonayo in magaalada Kismaayo lagu weeraro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this