Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Yusuf Garaad Removed from the BBC ???

Recommended Posts

(London-HWN) Madaxii idaacadda BBC-da qaybteeda Somaaliga Yuusuf Garaad Cumar Ayaa gabi ahaanba laga qaaday xilkii iyo masuuliyadii uu ka hayay laanta Somaaliga, waxaana uu hadda yahay Wariye kamid ah wariyaasha ka hawlgala idaacadda isagoon xil iyo tafatir toona ka hayn laantaas, arrintaasi waxay ka dhalatay kadib markii ay dawladda Ingiriisku arbacadii dhaweyd ansixisay misaaniyad cusub, yadoo sidoo kale wax laga badalay markii kobaad tariikhada qaabka ay u shaqeyso idaacadda BBC-du qaybaheeda la hadla dibadda ee loo yaqaan (BBC World Services), haday yihiin Telefeeshinka iyo idaacadahaba. Waxaana misaaniyadii idaacadda BBC-da qaybteeda dibadda la hadasha laga jaray %25, arrintaasi waxay keentay in la dhimo madaxyadii badnaa ee laamaha ka baxa BBC-da. Waxaana lagu soo koobay laba masuul oo kaliya laamaha la hadla Afrika iyo Asiya. Labadan masuul ee loo magacaabay Luuqadaha Afrika iyo Asiya ayaa ah kuwo u dhashay dalka Ingiriiska.

 

Haddaba isbadalkan ballaadhan ee lagu sameeyay idaacadda guunka ah ee BBC ayaa meesha ka saaray maamulkii iyo Madaxtinimadii Yuusuf Garaad, wuxuuna hadda laga bilaabo yahay qof caadiya oo aan wax xil ah ka hayn idaacadda, sidoo kale warar aan ka helnay ilo lagu kal soonyahay ayaa shegaaya inuu ka tagay laanta Somaaliga ee BBC-da Wariyaha caanka ah ee Aadan Nuux Dhuule, yadoo wararkaasi ay shegayaan in sababta uu Aadan Nuux shaqada uga tagay ay tahay isagoo shaqo kale helay, haddii u sidaa kaga safro Mr. Dhuule idaacadda BBC-da wuxuu noqonayaa midkale oo kamid ah rukumadii cuslaa ee ka huleelay Laanta afsomaaliga ku hadasha, hore ayay uga tageen wariyaasha kala ah, Siciid Cali Muuse, Abdisalaan Ibraahim Hereri, Axmed Xasan Cawke, oo dhammaantod ahaa wariyaal aad loo xiseeyo isla markaana rabi ku manaystay cod iyo hibo dabiiciya.

 

Haddaba Yuusuf Garaad oo dad badani aaminsan yihiin inuu albaabada u laabay Laanta Afka Somaaliga ku hadasha oo ahayd idaacadda ugu guunsan ee luuqada Somaaligu ka baxdo, ayaa waxay dad badani arrintaas u sibir sarayaan qaabka maamul ee u Yuusuf Gaarad ku hoggaaminaayay muddadii uu xilka hayay Idaacadda, yadoo la aaminsanyahay inuu ka fogaa cadaaladda, haday noqoto cida lagu casumaayo barnaamijyada, iyo qaabka dheelitirka warka, sidoo kale waxay dadku ku edeeyaan Mr. Yuusuf Garaad inuu si badheedha u dhexgalay siyaasadda Somaalida, maanta oo Yuusuf Garaad uu yahay Wariye iska caadi ah ayaa waxaa la odhankara arrimahaasi waxay raad ku yelan donaan sumcadiisa saxafadeed, madaama uu maanta dib ugu soo noqday dadkii Somaliyeed isagoo ka madhan xilki uu muddo madaxa la tagaayay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warka waxaaba loo qoray qof la laga buriye camal shaqadiisa. Yuusuf Garaad kartadiisa ayuu ku joogay, which unfortunately a lot of Soomaalis ka maseereen. He has done a lot for Beenbeensiida.

 

Hadduu warka runyahayna, Yuusuf Garaad kaliya shaqada lagama qaadine ee shaqaalaha dowladda Ingiriiska shaqooyinkooda laga jaraayo la mid yahay shaqadiisa. Now BBC Soomaali section will have a busy non-Soomaali that whose job will probably include too many different branches. No more middle management editors like Yuusuf Garaad, who dalacsiiye horumarka idaacadaas afka Soomaaliga ku hadasho oo meel heersare gaarsiiye since his coming to the top.

 

I guess now some so-called Soomaalis saas jecel to see. They would be glad to see a non-Soomaali managing the Soomaali section than a Soomaali one because of qabyaalad qurunkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Why is this newsworthy? This is normal, and part of job cutting the British government announced.

 

Some of us my not like on how he excised his powers but the guy was more qualified than the rest of BBC Somali team

 

 

Saciid Cali Muuse goor fiican buu bustihiisa meeshaas ka qaadey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

War ka qaada dheh qashiinka..the BBC will be better off without him. They rather have a fair non-Somali editor than a clanist Somali one who appeases specific people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Yuusuf amay roon tahay inuu BBC-da idinka joogo haddii aad sidaas u neceb tihiin oo ay tani dardar-gelin doontaa halgankiisii ahaa inuu raadiyo madaxtinnimada Soomaaliya? Taas war maka haysaan? lol

In kasta oo uu khaladaad sameeyo haddana waxaan ku raacsanahay in Yuusuf uu horumar laxaad leh gaarsiiyey BBC-da kolleey dadka ka soo horjeeda badankood sheeko qabiil iyo maxaad waraysiyadeenna u soo deyn weysey bay ku haystaan ee runta maa la isku sheego. :D

Wax xun maba aha Yuusuf meeshaan xoogaa buu joogey oo isbeddel waa loo baahan yahay laakiinse bal yaad ku bedeli lahaydeen?

Rag meesha ku qayili jirey oo aan aqaan oo marmarna Yuusuf kaba-qaadyo u ahaa oo xitaa la xayeesiinayana waan arkay oo la leeyahay hebel baa ka tegey iyo hebel baa ka tegey. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^I am not following what you are trying to allude here but Garad is a baffoon who is biased on a lot of things. And for you to suggest that he will take over Somalia's leadership if he is kicked out of his editorial position in the BBC is quite laughable. I doubt he can even visit his hometuulo let a lone be part of any thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^You never know what's in store for most of somalis, rumor has it that the guy has his sight on the next presidential election. Waraa ku moog!!

 

Anyway, Yusuf Garaad is a controversial figure, however, no one can deny that in terms of moderation and the quality of this service is far better off compared to his predecessors approaches.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Loool@waraa ku moog...that dude has no place in the Somali politics, taas ani iga qor.

 

As far as meesha waxbuu ka baddalay oo wuu hormariyay umbaa la gurayaa, people need to understand that the entire BBC programmes have changed during his time and the Somali branch just mirrored those changes. There are no major things that a mere branch editor can change.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this