Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Cabinet approves and paves the way for foreign troops to enter Somalia!

Recommended Posts

Good step, although Parliament will have the last say, nevertheless this time, I hope they'll approve it, as there is little chance Shariif sabotaging this vote this time around!

 

Ciidammo nabad ilaalineed oo ka socda Sudan iyo Uganda oo la go'aamiyay in Somalia la keeno

Posted to the Web May 21, 19:27

 

 

Baydhabo (PP) - Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaaday maanta in dalka la keeno ciidammo ka socda Dalalka Uganda iyo Sudan si ay uga qaybqaataan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, kaddib 15-sano oo dagaallo sokeeye iyo rabshado ah.

 

 

Kulankii wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo uu shir guddoominayay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed g Geeddi ayaa waxay go'aan ku gaareen in amaanka dalka uu noqdo qodob laga gaaro ansixin, waxaana qodobkaan ka mid ah ajandayaashiisa in dalka la keeno ciidammo nabad ilaalineed oo ka qaybgala ammaan ku soo dabbaalidda Soomaaliya, waxaana ciidammadaan ay ka imaanayaan dalalka IGAD iyo caalanka intiisa kale, mana jirto wax kala soocaya dalalka safka hore iyo kuwo kale intaba.

 

 

Kulankaan ayaan lagu qeexin haba yaraatee goorta ay ciidammada la sheegay imaanayaan Somalia iyo cadadkooda, balse warar ku dhowdhow madaxda dowaldda ayaa sheegaya inay ciidammadaas noqon doonaan kuwo ka badan 2-kun oo askari oo ka socda labadaas dal oo ugu horreyn doona cidiammo nabad ilaalineed oo dalka Soomaaliya la keeno.

 

 

Golaha baarlamaanka ayaa mar kale looga dalbayaa arrintaan ogolaasho kale, waxaana shaki weyn uu ka jiraa sida xubnaha baarlamaanka oo uu u horreeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku aqbali lahaayeen qodobka ah in dalka la keeno ciidammo nabad ilaalineed, iyadoo la og-yahay in horay ay dowladdu ugu kala qaybsan tahay arrintaan.

 

 

Labadan dowladood ee Uganda iyo Sudan ayaa iyagu ahaa dalalkii ugu horreeyay ee ka tirsan IGAD oo go'aansada inay dalka Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin ammaan-darro oo aad u fara badan, waxayna ku deeqeen labadooda marka la isku daro ciidammo gaaraya in ka badan 2-kun oo askari oo ay sheegeen inay yihiin kuwo aad u tababaran.

 

 

Waxa laag warsugayo waa hadba sida uu u ogolaado baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo leh go'aanka ugu dambeeyay ee sharciyada dowladda iyo howlaha la go'aansado in dalka laga qabto ogolaashahooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this