Sign in to follow this  
Xudeedi

U.S Marines in Las Qorey

Recommended Posts

Xudeedi   

Qaybo kamid ah ciidamada mariiniska Maraykanka ayaa lagu arkay xeebta Laasqoray

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Laasqoray : - Subaxnimadii Isniinta ayaa la sheegay in qaybo ka mid ah ciidamada Mariiniska Maraykanku ay soo gaadheen xeebta magaalada Laasqoray, taasoo muwaadiniintii halkaas joogtey cabsi ku abuurtay, maadaama aan wax ogaysiis ah loo soo siin.

 

Mar aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay magaalada Laasqoray ayaa nin magaciisa ka gaabsaday in la sheego wuxu noo caddeeyey in Markab weyn oo kuwa diyaaradaha xanbaara ah , iyo labo markab oo yar yar ay Marsada kusoo xidhteen. Qaybo ka mid ah ciidamadii markabkaas saarnaa ayuu sheegay iney Huuri soo kaxaysteen ayna wada hadallo la yeesheen dadkii xeebtaas ku sugnaa.

 

waxa kale oo uu sheegay in odayaal iyo dhallinyaro ay u ogolaadeen in markabka ugu tagaan , si ay u waraysataan , waxayna suaalo ka weydiiyeen wershadaha cidda leh, waxa lagu sameeyo, iyo maamulka magaalada, waxay kale oo intaas raaciyeen iney yihiin ciidamo maraykan ah o shaqadoodu tahay la dagaallanka argagixisada , kootarabaanka iyo maraakiibta badda jirifta , iyadoo nin carab ahi ka turjumayey , maadaama aan wax Soomaali ahi la socon.

 

ugu danbayntiina waxay dadkii u tegey u sheegeen iney ciidamada la shaqeeyaan , qofkii la shaqeeyana abaal marin la siin doono, kadibna waxay siiyeen cinwaanno lagala xidhiidhi karo iyo weliba sawirrada Usama Bin Laden iyo ku xigeenkiisa Ayman Al-dawaahiri, waa sida ninkaas aan la xidhiidhnay uu noo sheegaye. dhacdadan ayaa dadweynaha reer Laasqoray dhiillo ka muujiyeen , waxayna sheegeen in weli maraakiibtii aaney ka fogeyn , diyaarad Helukabtar ahina ay dul heehaabayso magaalada, ilaa iyo haddana sababta hawl galkan lama fasarin.

 

Maxamuud Ciyoon / Badhan

 

Wargeyska Calmadow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this