Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale iyo Yuusuf Seeraar oo IGAD ay u ogolaatay inay is difaac ugu laabtaan

Recommended Posts

Gabbal   

Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Yuusuf Mire (Seeraar) oo ka mida xildhibaanada hubeysan ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta imaanaya Gobolada Jubbooyinka si ay isaga difaacaan weerar ka soo fool leh Jen. Moorgan oo ku soo jeeda sida la sheegay Gobolada Jubbooyinka.

 

Labadan xildhibaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay qoraalo iyo dacwado is daba joog ah u gudbinayay IGAD iyo beesha caalamka iyagoo ku doodaya inuu abaabul colaadeen ku soo wado, waxayna wararku sheegayaan inay ugu dambeyntii IGAD u ogolaatay inay dib ugu noqdaan degaanadooda.

 

Barre Hiiraale ayaa laga filayay maanta magaalada Baardheere, iyadoo Yuusuf Seeraar isna tegayay magaalada Kismaayo, iyagoo hogaamin doona maleeshiyooyinkooda ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee difaac ay kala hartagaan Jen. Moorgan iyo maleeshiyadiisa.

 

Dib u soo laabashada labadan xildhibaan iyo xaalada ka aloosan Koonfurta Soomaaliya ayaa durba noqotay caqabad weyn oo ku hor gudban nabaddii la filayay inay Soomaaliya dib ugu soo laabato iyo dowladii loo dhammaa ee Umadda Soomaaliyeed uga fadhiday shirka Kenya .

 

 

Waxaa soo diyaariyay

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan

 

Cabdishakuur48@hotmail.com

 

Qaranimo.com

 

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this