Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Minerals ministry update

Recommended Posts

6682.jpg

 

Wasaarada macdanta PL oo ka wabixisay halka shidaal baaristu marayaso

 

Baaritaanka dhidaal barista ka socota deegaanka dharoor valleyayaa lagu soo waramayaa in ay meel fiican ay marayso taas oo ay wado shirkada African Oil Company heshiis la gashay DGPL waxaana fadhi u ah oo ay degan degan tahay barxada weynee labo ruggoodlle oo ku taal meel aan sidaas uga fogayn degmada Ufayn ee Gobolka bari.

 

baraaritaankan ayaa waxaa iska kaashanaya wasaarada macdanta iyo tamarta Dgpl iyo hayada African Oil Company haatan ayaa lagu soo waramayaa in saan saan helitaan shidaal ay ka muuqato deegaankaas sida.

 

uu SBC u sheegay wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Dgpl mudane xasan cismaan alloore oo xallay u waramayey barnaamijka Caweyska SBC ee ka baxa idaacada SBC waxuu xusay in hada si wanaagsan ay wax u socdaan isla markaana rajada la qabo ay tahay mid yada diilo leh.

 

Wasiirku waxuu kaloo sheegay in rajada shidaal la soo saaro ay tahay wax qarka saaran maadaama Riigii uu howl galayo.

 

waxaana shallay soo gaaray madaqadaan puntland masuulka ugu sareeya riiga Qodaya oo lagu magacaabo Baul taasina waxay sii taaba gelinaysaa rajada la qabo ee helitaanka shidaalka.

 

howsha baaritaanka shidaalka ayaa ah mid ay dad badani ka shaqeeyaan goobta baaritaanku ka socdo iyadoo la fili karo hadii la soo saaro shidaalkana ay shaki laaan ay tahay in dad badani shaqo ka heli ka helli doonaan .

 

waxaa kaloo hubaal ah hadii shidaalka laga soo saaro deegaanada puntland ay noqon doonto mid ay kaga bixi karto faqriga sicir bararka iyo shaqo laaan ragaadisay dadka reer puntland.

 

inkastoo rajadaas weyn ee wax ku oolka ah la qabo hadanawaxaa la isweydiin karaa soo celinta laas caanood waxa hortaagan doorashadii Dgpl xili kooban ayaa inaka xiga ma dowlada hada jirta ayaa la dooran .

 

doonaa oo waa ay sii ambqaadaysaa howshaan shidaal barista ay wado mise mid kale aydhalandonta oo waxay la imaan doonto aragti cusub iyadoo aan og nahay in kalfadhigii ugu danbeeyey barlamanka puntland la xiray si loogu googol xaaro barlaamaan cusub .

 

Axmed Shaam

SBCInternational- Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland: Puntland oo rajo wanaagsan ka muujisay Soo saarida Shidaal laga soo saaro deegaanada Puntland.

12. september 2008

 

Puntland(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in la gaaray waqtigii banaanka la keeni lahaa Shidaalka ku jira ceelal badan oo kuyaala deegaanada Puntland.

 

Xukuumada Puntland ayaa sheegtay in ay qabaan rajo wanaagsan oo ku aadan helida Shidaalkaasi, waxaana warkan sheegay Wasiirka Wasaarada Macdanta & Shidaalka ee Puntland oo ku sugan deegaanada Puntland.

 

Xasan Cismaan Alloore wuxuu sheegay in looga baahan yahay dadka Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada & Horumarka ayna ilaaliyaan qorshayaasha lugu hormarinayo deegaanada Puntland.

 

Alloore wuxuu qabaa rajo ah 100% in la heli doono Shidaal, wuxuuna tibaaxay in laga bixi doono Shaqaale la'aanta baahsan iyo Sicir bararka saameynta ba'an ku reebay dadka oo Reer Puntland ah.

 

Sababaha imika hadalkan ka soo yeersiiyey Puntland ayaa ah, markii ay bilaabatay qodida dhulka oo ay bilaabeen qalabka loogu talagalay qodida Ceelasha Shidaalka.

 

Warkan ka soo baxay dawladda Puntland ayaa ku soo beegmayah xili ay dad badan dhowrayaan hirgalinta Doorsahada Puntland, taasoo ay dad badan utaagan yihiin Madaxweyne-nimada Puntland, dad badan ayaa doonaya in uu dhaco Isbadal mug weyn oo ka dhaca Hogaanka Maamulka Puntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo sheegtay in uu dhaw yahay waqtigii la soo saari lahaa Shidaalka Puntland

 

Wasiirka Macdanta iyo Bartoolka Puntland- Xasan Cismaan Alloore

Jimco, September 12, 2008(HOL): Maamulka Puntland ayaa rajo ka muujiyay la soo bixidda kheyraadka ku jira meelo faro badan oo ka mid ah deegaannada Puntland, xilli Maamulka uu sheegay in la gaaray waqtigii shidaalka Puntland banaanka la keeni lahaa.

 

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka DGPL Xasan Cismaan Alloore ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhamaan shaqaalihii bilaabi lahaa hawsha soo saarista shidaalka Puntland.

 

Waxaa iminka baarista Shidaalka ay si toos ah uga socotaa meelo ka mid ah Dooxooyinka Dharoor iyo Nugaal, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan shirkadda Qodaysa shidaalka Puntland oo lagu Magacaabo African Oil.

 

Wasiir Xasan Cismaan Allore ayaa ka codsaday shacabweynaha Puntland in laga shaqeeyo amniga, si loo helo buu yiri horumar dhab ah oo ay gaaran shacabka Puntland.

 

Waqtiyadii la soo dhaafay waxaa soo if baxayay hanjabaado loo jeedinayo Shirkadda qodeysa Shidaalka Puntland , waxaana Maamulka uu tilmaamay in arimahaasi uu duudka u ridan doono.

 

Ugu danbayntii Arimahaan ayaa waxa ay ku soo aadayaan xilli la rajeynayo isbadal ku dhaca Xukuumada Puntland, iyadoo ay soo dhawdahay doorashadii guud ee Puntland, waxaa doorashooyinka dhici doona isu soo taagay Musharixiin doonaya isbadal dhan walba ah oo ay ku sameeyaan Puntland

 

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online

cabaade@gmail.com

Garowe,Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this