Sign in to follow this  
Maaddeey

Heavy fighting in Mogadishu:Km4 area

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO

Dagaal qasaare badan geystay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dhexmaray Ururka xisbul Islaam iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

 

 

 

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ururka Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen Fariisinka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku kala leeyihiin Isgoyska Dabka,Wadada Shaqaalaha iyo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho waxaana xiligaasi kadib halkaasi ka bilowday dagaal fool ka fool ah.

 

 

 

Dhawaqa rasaasti ay is weydarsanayeen labada dhinac ayaa waxaa laga maqlayay deegaano badan oo ku dhow dhow goobaha uu dagaalku ka socday waxaana jiray Madafiic fara badan oo ka mid ahaayd kuwa dagaalka la isku weydaarsanayay oo inta badan ku dhaceysay Xaafado dad rayid ah ay deganyihiin.

 

 

 

Inta la ogyahay Dagaalka oo soo gaaray Maqribkii Caawa ayaa waxaa ku dhintay 15 qof iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 ruux kuwaasi oo qaarkood uu madfac ku haleelay Inta u dhaxeysa Isgoysyada Howlwadaag iyo Baar ubax iyo kuwa kale oo ku dhintay Madfac ku haleelay agagaarka Xaafadda K.p.p ee degmada Hodon.

 

Labo ka mid ah dadka dhintay ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho iyaodo halkaasina ay ku dhaawacmeen sedax kale kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

 

Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg oo Shabelle ay xariir la samaysay ayaa sheegay in ay jiraan dhaawacyo badan islamarkaana ay ku howlanyihiin sidii dadkaasi ay u geyn lahaayeen isbitaalada Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka dhanka howlgalada Ururka Xisbul islaam Max'ed Cusmaan Caruus oo Shabelle la soo xariiray xili uu ku sugnaa furunta hore ee dagaalka islamarkaana agtiisa laga maqlayay shanqarta rasaasta dagaalka ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Xisbul islaam ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin wadada dheer ee Makka Al Mukarama.

 

 

Waxaa uu sheegay isagoo sii wata hadalkiisa in ay halkaasi qasaare ugu geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxaana uu carabka ku dhiftay in meydadka ilaa sedax askari oo ka tirsan Midowga Africa uu indhihiisa saaray sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhanka kale Afhayeenka ciidamada AMISOM Bariijiya Bahuuko oo Shabelle ay la hadshay ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka Ururka Xisbul islaam waxaana uu sheegay in ciidamada AMISOM ay xag u leeyihiin in ay isdifaacaan,waxaana uu xusay in dhinacyada ka soo horjeeda dowladda ay weerar hoobiyaal ah galabta ku qaadeen Xarunta Mdaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

 

"Kkkkk Hadii ay jirto in ay weerar soo qaadeen oo dhaawacyo iyo meydad ay geysteen u sheeg in ay iyaga goobta ka soo doontaan oo meydadkaasi ay qaataan,waxaan kuu sheegayaa hadii inaga nala soo weeraro xaq ayaan u leenahay in aan is difaacno waataa mid aan kuu sheegayo"ayuu yiri Bahuuku.

 

"Waan ogahay in aad xaqiiqada ka hadli karin oo aad sheegi kartaan oo kaliyah waxa ay iyaga idiin sheegaan hadii kale ay madaxa idinka tooganayaan sidaas darteed iska sheeg waxaad doonto waxa ay iyagu kuu sheegeen xitaa sheeg" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka AMISOM

 

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir C/salaan Daahir oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa uu sheegay in fariisin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmada Hodon ay weerar ku soo qaadeen dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda isagoo sheegay in uusan aheyn qasaare ka dhashay dagaalkaasi.

 

Dagaalka oo marba marka ka dambeysi sii qaboobayay ayaa qeybo ka mid ah madaaficdii la isku weydaarsanayay waxaa ay ku dhacayeen agagaarka Xaafadaha lagu dagaalamayo inkastoo aan la ogeyn qasaaraha uu u geysteen dadka shacabka ah iyadoo dhowr madfacna ay ku soo hoobteen Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this