Sign in to follow this  
MoonLight1

Madaafiicdii ugu badnayd oo lagu garaacay MUQDISHO.

Recommended Posts

Madaafiic caawa ku habsatay Degmada Kaaraan, xilli Hoyga Muuse Suudi kulan uga socdo xildhibaano beesha *****.

 

 

Tiro Madaafiic ah ayaa caawa ku habsaday qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan, xilli halkaas kulan xasaasi uu Hoyga Muuse Suudi uga socdo Xildhibaano ka soo jeeda Beesha *****.

 

Madaafiicda ayaa ku dhacay Xaafada Mirinaayo oo ku dhow Hoyga Muuse Suudi iyo xaafado u dhow, waxaana la soo sheegayaa in qasaaro xoog leh uu ka dhashay.

 

In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Madaafiicdaas oo caawa fiidkii ku habsaday Xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan.

 

Madfac ku dhacay Guri ayaa sababay geerida ilaa labo ruux, sidoo kale madfac kale ayaa isna ku habsaday Masaajid ku yaala wadada mirinaayada, taasoo dad ka mid ahaa jameecadii masaajidka ee soo dukaday salaadii cishaha ay ku dhinteen, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay ilaa 2 ruux.

 

Sidoo kale gawaari xamuul ah oo sida raashin mucaawino oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Kaaraan ayaa waxaa iyana ku habsaday madfac,waxaana ka dhashay dhimashada ilaa saddex ruux oo ahaa darawaladii iyo kirishbooyadii gaadiid.

 

Madaafiicdan oo xilliga ay soo dhacayeen kulan xasaasi uga socday Hoyga Xildhibaan Muuse Suudi xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ee ka soo jeeda beesha *****,kaasoo loogaga arinsanayay xaaladaha dagaal ee ku soo kordhay aagaga waqooyiga muqdisho.

 

Inkastoo kulankaas aan faah faahin laga heyn, ayaa hadana waxaa uu ahaa kulan abaabul dagaal lagu dajinayay,kaasoo ka dhan ah xoogaga mucaaradka ee kaabiga ku haaya Degmada Kaaraan.

 

Jowhar.com

 

[ June 17, 2009, 11:29 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qasaaraha dagaaladii galabta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir oo sii kordhay

 

Posted: 6/17/2009 12:15:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Waxaa sii kordhay qasaaraha uu geystay dagaal xoogan oo galabta ka dhacay degmda Kaaraan ee gobolka Banaadir kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

 

 

 

Inta la ogyahay 15-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay dagaaladii ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kuwaasi oo madaafiici ay xaafadahooda ugu tagtay.

 

 

 

Ilaa 12-ka mid ah dadka dhintay ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen Gudaha Masjid ku yaala Degmada Kaaraan halkaasi oo ay ku dhiceen labo madfac oo isku xig xiga,waxaana dadka halkaasi ku geeriyooday ka mid ahaa Aabe iyo Labo caruur ah oo uu dhalay.

 

 

 

Halka ay maqshadaasi ka dhacday ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 5-ruux sida uu Shabelle caawa u sheegay mid ka mid ah dadkii gurmad u fidiyay dadkaasi geeriyooday.

 

 

 

Sidoo kale 3-qofood ayaa waxaa ay ku dhimatay Xaafadda Jabuuti ee isla degmadaasi Kaaraan kadib markii iyana uu ku dulhabsaday Madaafiic ka mid aheyd kuwii la is weydarsanayay sida uu isna dhankiisa Shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

 

 

 

Guud ahaan markii la isku geeyo dadkii ku geeriyooday dagaaladii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gaarayaan in ka badan 45-qofood oo rayid ah iyadoo dhaawacuna uu soo caga cageynayo in ka badan 100-ruux.

 

Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tirada Dhimashada Muqdisho oo Korortay iyo Sarkaal Lagu Dilay

 

By VOA News

Washington

17-June-2009

 

Taliyihii Ciidamada Bilayska Gobolka Banaadir ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaal maanta Muqisho ka dhacay, kaasoo ay sidoo kale ku dhinteen ugu yaraan 35 qof, halka 120 kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Taliyaha ciidamdaa Bilayska Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa VOA-da u xaqiijiyay dhimashada Gaashaanlle sare Cali-Siciid Xasan Cawaale, oo Isbitaalka Madiina ugu dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaal maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho ku dhex-maray ciidamada dawladda iyo mucaaradka Islaamiyiinta ah ee dagaalka ku haya.

 

Xoogga dagaalladan ayaa ka dhacay xaafadaha Hodan iyo Kaaraan.Waxa jira warar sheegaya in ciidamada dawladdu ay degaano ka qabsadeen Islaamiyiinta, haseyeeshee afhayeenka kooxda Al-Shabab Sheekh Xasan Mahdi ayaa arintaas beeniyay.Waxa uu sheegay in kaliya subixii hore ee maanta laga qabsaday degaanka Tiribuunka, haseyeeshee waxa uu raaciyay in ay markii dambena dib u soo ceshadeen.

 

Afhayeen kale oo u hadlay Alshabab, Ali Maxamuud Raage, ayaa isaguna sheegay in kooxdoodu ay barkontorool oo ku dhow Galgalato kala wareegeen ciidamada xukuumadda, halkaasna ay ku qabsadeen saddex ka mida gawaarida gaashaaman ee ciidamada.Afheen u hadlay xukuumadda ayaa goor dambe beeniyay in laga qabsaday bar kontorool.

 

Dagaalladan ayaa daba-socda mid kale oo shalay ka dhacay Waqooyiga Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof.

 

Alshabab iyo kooxda ay xulafada yihiin ee Xisbul-Islam ayaa dagaal ugu jira sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen dawladda Sheekh Shariif, si markaa ay Soomaaliya uga dhigaan waddan si adag looga dhaqmo shareecada Islaamka.

 

Mowjaddan dagaallada ah oo bilaabatay 7-dii bishii May ayaa wax ku dhintay in ka badan 200 oo qof, waxana ku barakacay dad lagu qiyaasay 117 kun oo ka mida dadkii ku noolaa Muqdisho.

 

VOASOMALI.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaafiic xoogan oo caawa ku dhacday qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan

 

Mogadishu Wednesday 17 June 2009 SMC

 

Tiro Madaafiic ah ayaa caawa ku habsaday qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan, xilli maanta ay halkaas ka dhaceen dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Madaafiicda ayaa ku dhacay Xaafada Mirinaayo agagaarka Xarunta Degmada iyo Jiirada,waxaana xaalada caawa ay tahay mid kacsan.

 

In ka badan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Madaafiicdaas oo caawa fiidkii ku habsaday Xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan.

 

Madfac ku dhacay Guri ayaa sababay geerida ilaa labo ruux, sidoo kale madfac kale ayaa isna ku habsaday Masaajid ku yaala wadada mirinaayada, taasoo dad ka mid ahaa jameecadii masaajidka ee soo dukaday salaadii cishaha ay ku dhinteen, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay ilaa 2 ruux.

 

Sidoo kale gawaari xamuul ah oo sida raashin mucaawino oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Kaaraan ayaa waxaa iyana ku habsaday madfac, waxaana ka dhashay dhimashada ilaa saddex ruux oo ahaa darawaladii iyo kirishbooyadii gaadiid.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa caawa degan xaalada goobihii dagaaladu ka dhaceen maanta magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa bilowday saaka hiirtii waaberi kadib markii hal mar rasaastu is qabsatey meelo badan oo ka mid ah Xaafadda Hodan.

 

Sidoo kale dagaal aan sidaas u cusleyn ayaa isla maanta gelinkii hore ka dhacay Degmadda Kaaraan, dagaalkan oo daba socdey dagaalkii shalay ay Xoogaga Al-shabaab kula wareegeen Deegaanka Galgalato, halkaasna ay ku qabsadeen hub iyo gawaari ay iska lahaayeen Dawladda Soomaaliya.

 

Wararka caawa Horseed Media ka helayso Degmadda Kaaraan ayaaa tibaaxaya in galabta halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan isla markaasna madaafiic xoogleh ku soo hoobatey Kaaraan, waxaana halkaas waxyeelo ka soo gaartey dad shacab u badan, warka ayaa intaas ku daraya in Masjid dad ku jireen Madfac ku habsadey halkaasna dhimasho xoogleh ka dhacdey.

 

Galabta ayaa mar kale dagaal qorsheysan waxa uu ka qarxay inta u dhexaysa Suuqa Bakaaraha iyo Isgoyska Dabka ee wadada Maka Almukaramah, iyada oo wararka qaarsheegayaan in Xoogaga Al-shabaab ay u suurta gashey in ay muddo kooban haystaan Isgoyska Dabka halkaas oo saldhig u ahayd Ciidanka Dawladda isla mrkaasna ah goob istraatiijiyad gaar ah leh, inkasta oo markii danbe dib looga riixay halkaas.

 

Dagaalka galabta ayaa waxaa si xoogleh uga qaybqaatey Ciidanka AMISOM iyaga oo isticmaalaayey Madaafiic.

 

Inta la ogyahay dagaalka maanta waxaa ku dhintey 22 qof, waxaana Isbitaalada la geeyay dad kor u dhaafaya 65 qof kuwaas oo siyaabo kala gedisan u dhaawacmey.

 

Dhanka kale waxaa dagaalkii Saakey ka dhacay degmada Hodan ku dhintey Sarkaalkii hawlgelinta u qaabilsanaa Booliska, isla markaasna ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Cali Siciid Xassan.

 

Afhayeeno u hadley malayshiyaadka dirirtu u dhexayso ayaa guulo kala sheegtay, ma jirto saan saan muujineysa in nabad wax lagu xaliyo, mana muuqato awood lagu kala baxayo, dhibta ugu weyn ee dagaaladda ayaa saameeya dadka maxasta ah sida Caruurta, Haweenka iyo dadka da’da ah, kuwaan oo ay asiibto dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan.

 

Horseedmedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

War xoolahan aan dadkooda u naxayn maxay ahaayeen.inaalilahi wa inaa ileyhi raajicuun.

 

Aakhiro maxay ku jawaabayaan aweys, shariif, roobow, godane, shongole, qaybdiid and co. wallee dad badani xisaab culus way ka danbeysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this