Sign in to follow this  
Gabbal

MSF lured back to Kismaayo by the interm administration.

Recommended Posts

Gabbal   

Hayada MSF ee Holand oo maanta Kismayo ka duushey sheegteyna in ay dib ugu soo laabaneyso magaalada Kismayo si ay uga howlgasho cisbitaalka degmada Kismayo

 

Kismayo, Somalia - Garoonka magaalada Kismayo manta waxaa ka dhoofey xubnihii ka socdey Hayada MSF Holand waxeyna sheegeen in ay tagayaan magaalada Nayrobi si ay wada tashiyo ula yeeshaan madaxda sare ee Hayadaani oo fariisiin u ah caasimada dalka Kenya.

 

Madaxa gudiga Somalia ee hayada MSF ee Holand Adam Jilis oo magaalada Kismayo intii aysan ka anba bixin aan kula kulmey Hotel Mariidiyaan ee ay ka daganaayeen ayaa waxaan ka wareystay socdaalkooda iyo waxa uga qorsheysan cisbitaalka magaalada Kismyo.

 

Wuxuu ii sheegey in saddex todobaad kaddib ay ku soo laabanayaan magaalada Kismayo islamarkaana ay keenayaan dhaqaatiirta qalniinka ee cisbitaalka ka howlgaleyso iyo waliba qalabka ay doonayaan in ay isbitaalka uga howlgalaan.

 

Hase yeeshee intii ay joogeen xubnahani magaalada Kismyo waxa ay la kulmeen masuuliyiinta Kismayo, maamulka cisbitaalka iyo odayaasha dhaqanka, waxeyna kala hadleen adkeynta amaanka magaalada Kismayo oo haatan ay ka howlgalaan ciidamo amni iyo in lala shaqeeyo Hay'adda MSF Holand oo dooneyso in cisbitaalka ay ka howl gasho

shanta bilood ee soo socoto.

 

Si kastaba ha ahaatee, horey ayaa Hay'adda MSF Baljin uga howlgali jirtey cisbitaalka 7 sano ka hor haatana shacabka Jubooyinka ayaa soo dhaweynayo in cisbitaalka ay ka howlgasho hayadaani MSF Holand.

 

 

 

Laylo Sh. Aadan - Allgedo/Kismayo.

 

 

Allgedo News Media Network

allgedo@allgedo.com

 

Adam%20Jilis.JPG

Adam%20Jilis%20iyo%20Leyla2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this