Sign in to follow this  
kyz

Dagaal loogu magac daray Badar oo Muqdisho maanta ka qarxay

Recommended Posts

kyz   

Dagaal loogu magac daray "Dagaalkii Badar" ayaa saakay ka qarxay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeya ciidamada Dowladda KMG oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda ee mucaaradka.

Dagaalkan oo ay iclaamiyeen Kooxaha sheegta magac diineedka ayaa waxay ku soo aadiyeen 17-ka bisha Ramadaan oo ah maalintii Dagaalkii Badar ay Maslumiinta kaga guuleysteen Gaaladii, waxaana kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho ay ku macneeyeen dagaalka maanta Muqdisho ka socdo mid ay ku xoreynayaan magaalada Muqdisho.

Waqooyiga magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdicasiis iyo Shibis oo saakay uu ka bilowday dagaalkan labada dhinac u dhaxeeya ayaa ka yara qaboobay halkaasi, waxaana xooggiisa uu ka socdaa wadada Maka Al-Mukarama ilaa Isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa AMISOM oo taageera Dowladda.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalka saakay ka bilowday Muqdisho, hase ahaatee waxaa jira khasaaroyin aan muuqan ilaa iyo weli.

Dagaalkan oo la sugayey in uu dhaco maanta ayaa waxaa inta badan dagaalada noocaan oo kale ah dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ay ka soo gaaraan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan kuwaasi oo aan wax shaqo ah ku laheyn siyaasadda dalka.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Dagaaladii ugu Madaafiicda cuslaa ee lagu soo beegay dagaalkii Badar oo ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Dagaaladii ugu Madaafiicda badnaa maalin kadib markii Ciidamada AMISOM loo fasaxay inay xeryahooda ka bixi karaan ayaa galabta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka lagu soo beegay Dagaalkii Badar ee 17-kii Ramadaan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalada oo ka dhacay dhowr jiho ay ruxeen qeybo ka mid ah magaalada, kaasoo ahaa kii ugu madaafiicda cuslaa ee ay adeegsadaan Ciidamada AMISOM.

In ka badan 10 ruux ayaa dagaalada ku dhintay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, waxayna dagaalada ahaayen kuwo si xowli ku socday, markii Xoogaga Mucaaradka weerar saf ku soo qaadeen goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dagaalka ayaa ahaa mid ka dambeeyay weeraro kulul oo ay soo qaadeen Xoogaga Mucaaradka, kaasoo ay si saf ballaaran uga dhacay Wadada Maka Al-mukarama ilaa Isgoyska KM4 oo fariisin u ah Ciidamada AMISOM.

Xoogaga Mucaaradka ayaa ku barakeynayay dagaalka maanta ay ku qaadeen Xarumaha AMISOM Dagaalkii weynaa ee Badar ee Muslimiinta ku adkaadeen,dagaalkaas oo uu hogaaminayay Nabigeena Muxumad (CSW), isla markaana Gaaladii uu hogaaminayay Abuu Jahal (Naclatulahi Caleyhi) ay ka soo gaareen Jab aad u xoogan.

Xigasho :Saxafada.com

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Waxa goor dhoweyd ka bilowday magaalada Muqdisho dagaal aad u culus kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Amisom iyo kooxaha ka soo horjeeda

Dagaalkan ayaa ka bilowday Wadada Makka Almukarama ilaa nawaaxiga KM-4 waxana la wada is ticmaalayay hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo dadku magaaladu aay ku afurayaan Dhawaaqa rasaasta Iyo madaafiic is daba socota.

Dagaalka ayaa la sheegay inu bilowday kadib markii kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay weerar ku soo qadeen Saldhigyada Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay ku leeyihiin Xafada Hodan iyo jidka dheer ee aada Dabka,, qadar kadibna wuxuu isu badalay mid aad u culus oo wata Madaaficda Altaleeriga.

Dagaalkii galabta biloowday ayaa soo gaaray ilaa iyo cawa xiligii Salaada Cishaha, wkhtigaaso ay dadka saa'iminta ah aadi jireen Saalada Taraawixda, dhamaan xaafadihii ka agdhawaa goobahii la isku fara saaray ayaysan caawa u suuroobin in dadweyne badni ka cibaado tagaan, ayagoona ka baqanayay in jidka dagaalo ku qabsadan amabse ay xabad wiifta ahi leefto, maadama ay kooxhi is hardiyaya galabatay isu muuqdeen oo ay dhufeyesyo isgu jireen, tasoo suurta gal ka dhigi karta in marlabaad la isu qalab qaato, halka xaafadaha qaarna ayba dadkii xayireen Madaaficda loo yaqaan Altaleeriga oo si ba'an ugusoo dhacayay goobaha dadka rayidka ah dagan yihiin, waxyan ku beertay dadweynihii cabsi xoog leh. kadib marki qoys gurigooda ku sugnaa u madfac haleelay kuna geeriyooden goobti.

tairda saxda ah ee ku waxyeeloowday Dagaalak galabtay ilaa iyo caawa socday lama hayo, balse goobaha caafimadka ayaa lagasoo sheegayaa in la geeyay tiro dad ah oo u soo gaaray dhawaacyo kala duwan, kuwasoo lagu sheegay ilaa iyo 19-ruux, halka dhimashada rayidkana lagu sheegay 7-qofood, dhinacyada is haya lama hayo khasaarahooda sida caadada ah.

Allidamaale.com

Your Reliable Sources

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this