Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland announced its members for Africa Parliamentary intergroup

Recommended Posts

November 09,2009

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda ‏

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

Guddoomiyeyaasha Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Magacaabay Guddiyo Ka Mid Noqon Doona Ururka Baarlamaanada Afrika “Parliamentary Inter-Group

“Labada Guddoomiye Ayaa Si Wada Jir Ah U Wada Saxeexay, Safarka Guddoomiyuhuna Waa Mid Gaar Ah” Ku Simaha Guddoomiyaha Wakiilada, Md.C/Casiis Samaale

Hargeysa, November 9, 2009(Haatuf)-Guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Somaliland, Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Wakiilada, C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”, ayaa magacaabay guddi ka kooban toban xubnood oo ka mid noqon doona ururka baarlamaanada Afrika “Parliamentary inter-group”, kuwaas oo la filayo in bisha soo socota ee December horaanteeda ay u amba baxaan dalalka qaarada Afrika oo ay kaga qayb geli doonaan shir baarlamaanada dalalka Afrika ay iskugu iman doonaan.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay shir guddoonada labada gole Baarlamaan hase yeeshee ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow labada aqal ee Baarlamaanka ayaa wargeyska Haatuf in guddoomiyaha golaha guurtida, Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, badhtamihii bishii hore ee October 2009 ka hor intii aanu u socdaalin dalka Ingiriiska uu si rasmi ah u magacaabay xubnaha ururka baarlamaanada Afrika uga mid noqon doona golaha Guurtida kuwaas oo kala ah, Axmed Dirir Cali, Siciid C/laahi Yasir, Sheekh C/raxmaan Sh.Yuusuf Sh.Madar, Axmed Xasan Saalax iyo C/raxmaan Axmed Aareeye, isla markaana magacaabista xildhibaanadoodaasi uu u gudbiyay shir guddoonka Wakiilada.

Iyadoo dhinaca kalena guddoomiyaha golaha Wakiilada,Md.C/raxmaan Cirro,isagana la sheegay intii aanu safarka ugu bixin dalka Finland toddobaadkii hore uu soo magacaabay shanta xildhibaan ee ururka baarlamaanada dalalka Afrika uga meteli doona, hase yeeshee nooma ay suurto gelin in aanu helno magacyada shanta xildhibaan ee Wakiilada ee ka qayb geli doona shirka baarlamaanada Afrika oo dhowaan qabsoomi doona.

Guddoomiye ku xigeenka ee golaha Wakiilada isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha, Md.C/casiis Maxamed Samaale, oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka Tilifoonka waxna kaga weydiinay inay iyaguna gole ahaan xubnahoodii uga mid noqonayay ururka baarlamaanada Afrika ay soo magacaabeen iyo in kale ayaa isaguna noo xaqiijiyay in guddoomiyaha golahoodu magacaabay xubnaha ururkaa uga qayb geli doona balse guddoomiye ku xigeenku ma cadeyn magacyada xubnahaasi golahooda ka metelaya, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “magacaabista xubnahaa labada gole labada guddoomiye ayaa si wada jir ah u wada saxeexay guddoomiyahaga ayaana magacaabay xubnihii golahayaga balse hadda gacanta kuma hayo liiska magacyadaasi”.

Mar aanu weydiinay u jeedada safarka uu guddoomiyaha baarlamaanka, C/raxmaan Cirro, uu ku tagay dalka Finland, waxa uu sheegay inuu safarkaasi yahay mid Private ah oo isaga u gaar ah isla markaana uu si dhakhso ah dalka ugu soo guryo noqon doona,isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ guddoomiyuhu socdaalkiisaa uu u baxay waa mid gaar ah oo private ah, Insha Allah, waxan filayaa in muddo laba toddobaad aan ka badnayn uu qaadan doono”.

Share this post

Link to post
Share on other sites

xaaji x bal halkaa noo faah-faahi

Share this post

Link to post
Share on other sites

Xubno S/Land Ah Oo Kamid Noqonya Ururka Baarlamaanada Afrika.

Gudoomiyeyaasha Goleyaasha Wakiilada Iyo Guurtida Ee Somaliland Oo Magacaabay Guddiyo Ka Mid Noqon Doona Ururka Baarlamaanada Afrika Ku Bahoobayaan

Hargeysa (TVSlE)- Guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Somaliland, Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiilada, C/raxmaan Maxamed C/laahi [Cirro], ayaa magacaabay guddi ka kooban toban xubnood oo ka mid noqon doona ururka ay ku midoobayaan baarlamaanada Afrika oo lagy magacaabo “Parliamentary inter-group”, kuwaas oo la filayo in bisha fooda inagy soo haysa December horaanteeda ay u amba baxaan dalalka qaarada Afrika oo ay kaga qayb geli doonaan shir baarlamaanada dalalka Afrika ay iskugu iman doonaan.

Sida ay sheegayaan warar aan weli la shaacin oo ka soo baxay shirguddoonada labada gole Baarlamaan, ayaa tibaaxaya in guddoomiyaha golaha guurtida Md.Saleebaan Maxamuud Aadan, badhtamihii bishii hore ee October 2009 ka hor intii aanu u socdaalin dalka Ingiriiska uu si rasmi ah u magacaabay xubnaha ururka baarlamaanada Afrika uga mid noqon doona golaha Guurtida kuwaas oo kala ah, Axmed Dirir Cali, Siciid C/laahi Yasir, Sheekh C/raxmaan Sh.Yuusuf Sh.Madar, Axmed Xasan Saalax iyo C/raxmaan Axmed Aareeye, isla markaana magacaabista xildhibaanadoodaasi uu u gudbiyay shir guddoonka Wakiilada.

Iyadoo dhinaca kalena guddoomiyaha golaha Wakiilada,Md.C/raxmaan Cirro,isagana la sheegay intii aanu safarka ugu bixin dalka Finland toddobaadkii hore uu soo magacaabay shanta xildhibaan ee ururka baarlamaanada dalalka Afrika uga meteli doona, hase yeeshee nooma ay suurto gelin in aanu helno magacyada shanta xildhibaan ee Wakiilada ee ka qayb geli doona shirka baarlamaanada Afrika oo dhowaan qabsoomi doona.

Guddoomiye ku xigeenka ee golaha Wakiilada isla markaana ah ku simaha guddoomiyaha, Md.C/casiis Maxamed Samaale, oo aanu xalay kula xidhiidhnay khadka Tilifoonka waxna kaga weydiinay inay iyaguna gole ahaan xubnahoodii uga mid noqonayay ururka baarlamaanada Afrika ay soo magacaabeen iyo in kale ayaa isaguna noo xaqiijiyay in guddoomiyaha golahoodu magacaabay xubnaha ururkaa uga qayb geli doona balse guddoomiye ku xigeenku ma cadeyn magacyada xubnahaasi golahooda ka metelaya, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “magacaabista xubnahaa labada gole labada guddoomiye ayaa si wada jir ah u wada saxeexay guddoomiyahaga ayaana magacaabay xubnihii golahayaga balse hadda gacanta kuma hayo liiska magacyadaasi”.

Mar aanu weydiinay u jeedada safarka uu guddoomiyaha baarlamaanka, C/raxmaan Cirro, uu ku tagay dalka Finland, waxa uu sheegay inuu safarkaasi yahay mid Private ah oo isaga u gaar ah isla markaana uu si dhakhso ah dalka ugu soo guryo noqon doona,isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ guddoomiyuhu socdaalkiisaa uu u baxay waa mid gaar ah oo private ah, Insha Allah, waxan filayaa in muddo laba toddobaad aan ka badnayn uu qaadan doono”.

Agaasimaha Dallada Dhalinyarta Somaliland Ee SONYO Oo Ka Qayb Galay Shir Caalami Ah

Hargaysa (TVSE)- Agaasimaha dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) ayaa ka qayb galay shir muddo saddex maalmood ah xafiiska midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa uga socday dalalka bariga iyo badweynta hindiya ee Afrika, xafiiskan oo qayb ka ah ka guud ee midawga dhallinyarada qaaradda Afrika ee Panafrican Youth Union (PYU).

Shirkan caalamiga ah waxa maal galinayay golaha bariga, badhtamaha iyo koonfurta qaaradda Yurub. waxa shirkan isugu yimid 11 wadan oo kala ah Comoros, Djibouti, Ethiopia, Madagascar, Mauritius, Kenya, Somaliland, Sudan Tanzania, Rwanda, iyo Uganda waxaana shirka ka baaqday labada wadan ee Seychelles iyo Eritrea.

Waa markii ugu horraysay ee ay shirkan dhallinyarada Afrika ka soo qayb gasho jamhuuriyadda Somaliland oo si rasmi ah xubin uga noqon doonta 13-kan wadan ee ku bahoobay urur goboleedka bariga iyo badweynta hindiya, shirkan waxa Somaliland u matalayay agaasimaha SONYO mudane Maxamed Barwaani, waxaanu shirkani qayb ka yahay shirar hore loogu qabtay qaar ka mid ah wadamada Afrika iyada oo qayb qayb iyo sida ay ood-wadaag u yihiin dalalku la isku raaciyay. Waxaanay urur goboleedyadaasi ku midaysan yihiin ururka dhallinyarada qaaradda Afrika ee lagu dhisay Axdiga midawga Afrika (African Union Charter).

Ujeedooyinka shirkan ayaa ah sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka iskaashi ee dhallinyarada qaaradda Afrika oo dhinac ah iyo guud ahaan sidii dhallinyarada qaaradda Afrika ay wada shaqayn ula yeelan lahaayeen dhallinyarada adduunka. waxa kale oo shirka ujeedadiisu ahayd sidii loo dejin lahaa qorshe hawleedka saddexda sano ee soo socda lagu maamuli doono xafiiska xidhiidhinta ee wadamada shirkan isugu yimid. Sida uu noo sheegay agaasimaha SONYO Maxamed Axmed Maxamuud, qorshayaasha shirkan la isula qaatay ayaa ah sidii loo dhisi lahaa guddi fulineed ah oo ka kooban wadamada gobolka oo la shaqayn doona ururka guud ee dhallinyarada qaaradda Afrika (Pan African Youth Union), waxa kale oo shirkan la isula qaatay dhismaha istaraatiijiyadda wada shaqayneed ee xubanaha ururkan iyo sidii la isu waydaarsan lahaa macluumaadka iyo xogta dhallinyarada qaaradda Afrika heer gobol ilaa heer qaaradeed. Waxa kale oo agaasimuhu nooga waramay in ujeedada guud ee shirarkani tahay sidii loo diyaarin lahaa qorsheyaall lagu abuurayo mashaariic wax loogu qabanayo dhallinyarada qaaradda Afrika iyo waliba sidii wax looga qaban lahaa ee la isaga kaashan lahaa dhibaatooyinka dhallinyarada qaarada haysta ee ay ka midka yihiin shaqo la’aanta, tahriibta, cudurada faafa iwm.

Mudadii shirkani socday waxa kaalin firfircoon ka qaatay oo si weyn uga dhex muuqday agaasimaha SONYO ee shirka u matalayay dhallinyarada reer Somaliland waxaanu agaasimuhu ku guulaystay in ay Somaliland ka mid noqoto shanta wadan ee wadi doona hawlaha ururka dalalka bariga iyo badweynta Hindiya.

Mudadii shirkani socday waxa kale oo si weyn loogu lafa guray baahida loo qabo sidii la isugu xidhi lahaa dhallinyarada 13-ka wadan ee urur goboleedkan si ay isu dhaafsadaan macluumaadka, waayo aragnimada iyo ka wada shaqaynta danta guud ee dalalkan ood wadaagta ah. Isku xidhaha guud ee ururkan ayaa ah nin dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Ethiopia halka uu xoghaye u yahay nin u dhashay dalka Djibouti. Shirarka noocan oo kale ah ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhiya Somaliland waxaana daladda Somaliland iyo agaasimaheeda sharaf weyn u ah in ay qadiyada dhallinyarada Somaliland ku soo bandhigaan shirarkan caalamiga ah ee heer qaaradeed ilaa heer caalami. Guud ahaan hawlaha ururka dhallinyarada qaaradda Afrika ee Pan African Youth Union (PYU) waxa uu hoos yimaadaa xafiiska guud ee midawga Afrika. Shirka labaad ee kan xiga waxa lagu qaban doonaa dalka Sudan halka wadanka Kenya lagu qaban doono shirka kaasi ku xiga.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this