Sign in to follow this  
Ameer

Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay Ciidamo la wareega gacan ku heynta Magaalada

Recommended Posts

Ameer   

Warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka heleyno ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay diyaarisay Ciidamo la wareega gacan ku heynta Magaalada Kismaayo.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan dhowaan ay u baqooli doonaan Magaalada Kismaayo, kuwaasoo la tilmaamay in haatan lagu uruurinayo Duleedka Magaalada Muqdisho.

 

Ku dhowaad 40 baabuurta Dagaalka oo qaarkood dayactiro ku socda ayaa la sheegay in ay galbinayaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigaya Magaala Xeebeedka Kismaayo oo ay Dowladdu sheegtay in ay la wareegeen Kooxo Dowladda ka soo horjeeda.

 

Magaalada Kismaayo oo ay dhowaan Dagaal qaraar ka dhaceen ayaa la sheegay in ay ka socdaan qas iyo fowdo, iyadoo aanu halkaas ka jirin Maamulo iyo kala dambeyn.

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo codsaday inaan Magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Dowladda ku guda jirto sidii Ciidamo gaaraya 1000 askari ay ugu diri laheyd Kismaayo, si ay usoo af jaraan Xiisadaha dagaal iyo mid amni daro ee ka jira halkaas.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa todobaadkii hore sheegay in Magaalada Kismaayo ay gacanta u gashay Kooxo Dowlad-diid, oo ay Dowladana dooneyso in ay si nabadeed wax kaga qabato arrinta Kismaayo, hadii ay fursan weydana ay tallaabo kale adeegsan doonaan.

Source: Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this