Sign in to follow this  
Kelya_Xariif

Shirkii SSC OO Guul ku dhamaaday: Kanaxow nafta waa

Recommended Posts

Shirkii Tolka SSC Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeeyey Magaalada Nairobi, Isla Markaana Lagu Dhaariyey Hoggaanka Badbaadada Iyo Mideynta Sool, Sanaag iyo Cayn Ee Soomaaliya.

Written by Jidbaale.com

Thursday, 15 October 2009 14:46

 

 

 

Nairobi(Jidbaale.com):-Waxaa Maanta Xarunta dalka Kenya la gu soo gaba-gabeeyey shirkii muddooyinkan uga socday tolka SSC, kaas oo ay ka soo qayb galeen wufuuud ka kala timi dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxaana xafladdan oo si heersare ah loo agaasimay isugu yimi dadweyne aad u tiro badan, iyadoo halkaasna lagu dhaarinayey Hoggaanka Badbaadada iyo Midaynta SSC Ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

Waxaana Muxaadaro kooban ka dib lagu soo dhaweeyey Mikrafoonka isaga oo shirka furayey Garaad Abshir Saalax, oo sheegay in shirkii Tolka SSC isugu yimi magaalada Nairobi guul laga gaadhay, ayna ahayd midaynta beesha, horena loosii anba qaadi doono hawlaha haatan la isku afgartay, Midnimada Soomaaliyana lagu dadaali doono lagana shaqyn doono.

 

 

 

 

 

Waxaa isaguna ku xigay oo Madasha ka hadlay Garaad Cali Buraale, oo Gabay guubaabo ah halkaas ka soo jeediyey, wuxuuna aad ula dardaarmay Hoggaanka Badbaadada iyo Midaynta SSC ee Soomaaliya, waxaan hadalka Garaadka aad ugu bogay dadweynihii ka soo qayb galay shirkan.

 

 

 

 

Waxaa isaguna goobta warbixin dheer ka soo jeediyey Shir guddoonka shirka SSC Md C/qaadir Axmed Aw Cali, wuxuuna halkaas ka akhriyey go'aamadii ka soo baxay shirka, wuxuuna sheegay in laysku afgartay in la sameeyo Hoggaan loogu magac daray Hoggaanka Badbaadada Iyo Midaynta Sool, Sanaag Iyo Cayn ee Somaliya, wuxuuna sheegay Md C/qaadir in hoggaankani qaban doono dhammaan hawlaha beesha ka qabyada ah insha alaahu. Waxa kale oo uu aad mahad balaadhan ugu soo jeediyey uguna ammaanay kaalinta ay shirka ka qaateen Ururka NSUM, wuxuuna sheegay in ay qayb libaax ka qaateen sidii shirkani u hirgali lahaa, taariikhduna xusi doonto, lana ilaawi doonin.

 

 

 

 

 

Waxaa iyaguna shirkan ka hadlay mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Gen. Maxmed Siciid Xirsi (Morgan), wuxuuna aad ugu dheeraaday Midnimada Soomaaliya, wuxuuna dhiirri galin u soo jeediyey Hoggaanka Badbaadada iyo Midnimada SSC, wuxuuna Morgan macneeyey xarfaha SSC, isaga oo ku sheegay (Soomaali-weyn, Sinnaan iyo Caddaalad), wuxuuna sheegay in ay intaasba Soomaali u baahan tahay, oo ayna meel gaar ah ku koobnayn.

 

 

 

 

 

 

Ergayga Ururka NSUM uga joogay xafladda Maxmed Xasan Buraale ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya Afka Ururka NSUM in ururku isla qaatay in la taageero Hoggaanka lagu sameeyey shirka ka socday Nairobi, wuxuuna sheegay in ay si daacadnimo ku jirto ula shaqyan doonaan Hoggaankan.

 

 

 

 

 

 

Madaxweynihii Hore ee Dawlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isaguna halkaas ka soo jeediyey weedho gaaban, isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay natiijada ka so baxday shirka, uuna taageersan yahay xubnaha loo doortay hoggaanka, wuxuuna aad ugu dheeraaday Midnimada Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in la taageero dawladda Soomaaliya. Wuxuuna dhalliil u soo jeediyey walaalkiis Axmed Cabdi Xaashi (Xashara), oo aad uga soo horjeeda dawladda kumeel gaadhka ah.

 

 

 

 

 

Waxaa iyaguna madasha ka hadlay xildhibaano ka tirsan dawlada federaalka, oo uu ka mid yahay Jinni Boqor, oo sheegay in ay soo dhaweynayaan hogaanka SSC.

 

 

 

Maxamed C/laahi, oo isagu xilli ahaan jiray madax Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa hadal uu ugu boogaadinayo hoggaanka ka soo jeediyey goobtaasi, wuxuuna sheegay in la ilaaliyo Midnimada Soomaaliya, iyada oo aad looga digtoonaanayo kuwa iyagu ka shaqeeya kala faquuqida bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in maanta adduunkii aad isugu soo dhawaanayo, oo mel kasta midnimadeeda ka shaqaynayso..

 

 

 

 

Intaasi ka dib waxaa la dhaariyey labada xubnood ee loo dortay Hoggaanka Badbaadada iyo Midaynta Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), iyo Col. Cali Sabaray, oo Kitaabka Qu'aanka Kariimka ah gacanta loo saaray, iyada oo lagu dhaariyey in ay daacad u noqdaan wixii ka soo baxay shirka sidii ay uga midho dhalin lahaayeen.

 

 

 

Hoggaamiyaha Badbaadada iyo Midaynta SSC Soomaaliya Dr. Saleebaan Xaglatoosiye, oo hadalka u baxay dhaarta ka dib ayaa waxa uu sheegay "In ay ka soo bixi doonaan ballanka ay qaadeen, dhaartana aysan baal mari doonin, ballanta iyo goobta halkan ku xigta ee uu rajeynayo idinka Ilaahay in laysku arkaa ay tahay gudaha magaalada Laascaanood, wuxuuna sheegay in ay sida ugu dhakhsiiyaha badan gudaha u gali doonaan.

 

 

 

Ku xigeenka Hoggaanka Badbaadada iyo Midaynta SSC Col. Cali Sabaray, ayaa isagu waxa uu ka hadlay sidoo kale in yoolkoodu yahay Laascaanood sidii gacanta loogu soo celin lahaa, wuxuuna intaasi ku daray "In kuwa Hargeysa joogaa tolkood ku soo noqdaan, Saamaxaadna weydiistaan si meel loogu wada jeesto".

 

 

 

 

Garaadka Guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, oo soo gaba-gabeeyey shirka ayaa sheegay in maanta xilka halkan logu dhiibay xubnaha yahay mid ay beesha SSC iyadu u dhiibatay, wuxuuna shacabka ku boorriyey in ay is garabtaagaan, oo taageero weyn u muujiyaan hoggaanka la doortay. Wuxuuna intaas ku daray in shacabka loo horseedo waddo ay kaga baxaan kala firiqsanaanta, ugu danabytii wuxuu Ilaahay uga baryey in uu la garab galo xilkan loo dhiibaty.

 

 

 

 

 

Suleiman Mohamud Hashi dheere. iyo

 

Cabdiwahaab Mohamed Cabdiweyne

 

Xaashidheere1@yahoo.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Jidbaale.com

 

Daawo Sawirrada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Last Updated on Thursday, 15 October 2009 22:02

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

SHIRKII BOOCAME 1

SHIRKII BOOCAM 2

SHIRKII BOOCAME 3

 

same old regurtitated hoohaa thats will end where all others did, in failure.

 

las anod ragii lahaa ayaa haysta, those who are agents of puntland and wnat to do their bidding will not succeed no matter how many noises they make

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kelya shirka waxay ahayd inad tirahdan dagaal baanu soo qaadayna, garaadka ba yara saadaaliyee.. Laakin hogaamiye iyo hogaamiye kuxigeen waxba soo kordhin meysso. wa inad dagaal so gashan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this