Sign in to follow this  
Sharmakee

Qeybdiid puntland militia attac courts

Recommended Posts

Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ku dhex maray saakay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha iyo kuwa Puntland oo ay wehliyaan xoogag taabacsan Cabdi Qeybdiid agagaarka deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

 

 

Cali cabdi Awaare iyo Sheekh Yuusuf Indho Cadde

 

Madaxa waaxda amaanka ee Maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland in ay duulaan ku soo qaadeen fariisin ciidamada maxkamadaha islaamka ay ku lahaayeen agagaarka Galinsoor, isagoo sheegay in ay iska caabiyeen.

 

Sheekh Yuusauf Indho cadde oo shir jraa'id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uusan jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi oo uu ku eedeeyayin Puntland ay ku soo qaaday agagaarka Gelinsoor.

 

Sheekh Yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in Puntland ay weerarkaasi kaga gol leedahay in shacabka ku dhaqan Puntland ay tustay in maxkamadaha ay yihiin qabiil doonaya in ay qabsadaan si la isaga horkeeno maxkamadaha iyo shacabkaasi, isagoo ku celiyay in maxkamadaha islaamka aanu weerar ku aheyn Puntland.

 

Waxa uu sheegay in labada ciidan ay isku jiraan meel isku muuqata, ayna ku amreen ciidamadooda in aaneey wax jawaab ah ka bixin weerarka uu sheegay in saabay lagu soo qaaday hadii aan mar kale lagu soo duulin.

 

Sheekh yuusuf Indho cadde ayaa sheegay in maxkamadaha islaamka ay taageersan yihiin maxkamaddii dhowaan laga furey Puntland, isagoo sheegay in ay bilow u tahay maxkamado islaami ah oo dhowaan looga dhawaaqay Puntland.

 

Shacabka Puntland ayuu ku amaanay in ay yihiin dad nabadda jecel, isagoo boqorada iyo salaadiinta reer Puntland kula taliyay in ay ka hortagaan dhibaato uu sheegay in uu wado madaxweynaha MG Puntland Cadde Muuse, isagoo xusay in maxkamadaha hadii ay duulaan ku yihiin Puntland aysan joogi laheyn 4 bilood gobolada dhexe.

 

Qorshaha Puntland ee maxkamadaha damacsan yihiin waxa uu ku sheegay in uu yahay sidii dadka ay uga dhaadhicin lahaayeen ku dhaqanka shareecada islaamka.

 

Laakiin Maamul goboleedka Puntland ayaa dhinac isaga riixay wararka ka soo eedeymaha ka soo yeeray Maxkamadaha ee sheegaya in ciidamo Puntland ay ay weerar ku qaadeen fariisin ay dagan yihiin xoogagga maxkamadaha islaamka.

 

Wasiirka horumarinta iyo reer Miyiga MG Puntland Cali Cabdi Awaare ayaa beeniyay wararkaasi, ka dib hadalo uu siiyay saxaafadda.

 

Awaare waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeymahaasi, isagoo yiri" Puntland weerar ma ahan balse waa difaac".

 

Cali Cabdi Awaare ayaa ku tilmaamay shirka Jaraa'id ee Indho cadde uu qabtey uu mid macnihiisu yahay in maxkamadaha islaamka ay weerar ku yihiin gobolada Puntland.

 

Deeganka Galinsoor ayaa waxa uu 90 km u jiraa magaalada galkacyo, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada Puntland iyo kuwa Cabdi Qeybdiid ay abaabulo dagaal ka wadeen deegaanka Bandiiradleey oo wax yar u jira deegaanka Gelinsoor.

 

Iska horimaadkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli gobolada Puntland laga cabsi qabo in ay ka dhacaan kacdoono ka dhan ah maamulka Puntland, iyadoo Maxkamad islaami ah oo ay leeyihiin dad ka soo jeeda Puntland lagaga dhowaaqay magaalada Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maxaakiima iyo kuwa taabacsan Col Cabdi Qeybtiid iyo Puntlnad oo ka dhacay deegaano u dhow Galinsoor

 

November -05 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia .

 

Dagaalkan oo 7:00 subaxnimo dhexmaray laba ilaalo oo ka kala tirsan ciidamda maxaakiimta islaamka ee ku sugan gobolada dhaxe gaar ahaan deegaanka Farcaano iyo ciidamo isku dhaf ah oo kala taageersan Col. Cabdi Qeybdiid iyo maamulka Puntland ayaa ka dhacay tuulada Farcaano oo 13km u jirta deegaanka Bandiiradley.

 

Labada ciidan ayaa isku adeegsaday qoryaha fudud iyo kuwa waaweyn waxa uuna dagaalkaas socday muddo nus saac ah sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maxaakiimta oo joogay goobta uu dagaalka ka dhacay.

 

Taliye ka tirsan taliyaasha ciidamada maxkamadaha oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in Saddax ka mid ah ciidankii ka soo horjeeday ay ka geeriyodeen iyadoo dhinaca maxkamadahana uu sheegay in aaney waxba soo gaarin.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dad reer guuraa ah oo deganaa aaga ay colaada ka dhacday ay ka qaxeen deegaanadaas.

 

Inkasta oo aaney jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadan iyo cidda lagu soo qaaday weerarka iyadoo labada ciidan ay isku jiraan masaafo aan kala fogeyn taas oo sababi karta in si fudud uu mar kale dagaal uga qarxo.

 

Deegaanada ay colaada ka dhacday ayaa ah kuwa ku teedsan laamiga iyadoo suuragal tahay inay hakad galiyaan isu socodka gaadiidka iyo dadka wadadaas isticmaala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this