Sign in to follow this  
Member-sol-

The end of Sh. Sharif's journey, ICU leaders reject Djbouti agreement

Recommended Posts

GMMIS, hogaankooda gudaha oo Muqdisho Warsaxaafadeed iyo Baaq ku aadan heshiiska Jabuti ka soo saarey.

By Somalimirror on 27 Oct, 2008 3:22 PM in Main, Wararka

 

 

Warsaxaafadeedkan ay maanta soo sareen GMMIS hogaankooda gudaha oo ka koobnaa 6qodob ayaa si weyn waxa ay uga soo horjeesteen heshiiska Jabuti, waxa ay sidoo kale ku sheegeen in la jabiyey wixii ka soo baxey shirar horey loo qabtey oo ay ka mid yihiin kiin Sanca iyo Jalalaqsi, waxa uuna u qornaa Warsaxaafadeedku sidan:-(Daawo Sawirada)

 

 

 

GOLAHA MAXKAMADAHA ISLAAMKA SOOMAALIYEED

 

 

 

UJ:WARSAXAAFADEED 27/10/2008

 

 

 

Kadib markii uu arkay maamulka gudahu ee golaha maxaakimta islaamiga ah soomaaliyeed, go’aanadii kasoo baxay shirkii Sanca oo ay isugu yimaadeen dhinacyadii GMIS ee ka kala socday gudaha dalka iyo labadii garab ee jooga Jibuuti iyo Asmara, go’aankaas oo ay wada saxiixdeen kuna raali noqdeen dhinacyadii shirkaas isugu yimid.

 

 

 

Sidoo kale Markii uu arkay go’aanadii ka soo baxay shirkii maamulka maxaakimta ee guduhu isugu yimaadeen degmada Jalaalqsi 14/08/2008 - 17/08/2008 ayna ku qaateen go’aano uu saldhig u ahaa hishiiskii Sanca iyo in loo sameeyo camalka culumo marjic u noqota islamarkaana dib leysugu baadi goobo GMIS shirweynana loo qabto muddo seddex bil gudahood ah, taas oo dhaqan galkeedii socdo, culumadii marjica aheydne ay fadhiso, shir weynihiina loo qabtay inuu dhaco bisha 11aad bartamaheeda, Ayadoo lagu casuumay dhamaan xubnaha GMIS lagu wargiliyey meel kasta oo ay joogaan iney kasoo qayb galaan shir weynahaas,. Ujedooyinka shirkaas oo ah in lagu xaliyo khilaafaadka laguna dajiyo siyasad cad oo laysku wafaqsan yahay iyo istiraatiijiyad lagu mideysan yahay, dibna loogu habeeyo maamulkii GMIS.

 

 

 

Sidaa awgeed ayaa waxaa shir isugu yimid masuuliyiinta mamulka gudaha ee GMIS, waxeyna kawada hadleen qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ka dhacay 25/10/2008-26/10/2008, Dood iyo falan qeyn dheer kadib wuxuu maamulka guduhu kasoo saaray go’anada hoos ku xusan:

 

 

 

1. In uusan khuseynin hishiiskaas lagu saxiixay shirka Jabuuti maamulka gudaha ee GMIS,

 

 

 

2. Ineysan u hogaansami doonin fulinta go’aanada lagu gaaray shirkaas iyo wixii lamid ahba,

 

 

 

3. maxaa yeelay wuxuusan waafaqsaneyn hishiiskii Sanca iyo kii Jalalaqsiba.

 

 

 

4. in uusan xal u noqon Karin una cuntamin ummadda soomaliyeed.

 

 

 

5. go’aankaas oo ah cadaw cadaw kale ku bedelo.

 

 

6. go’aankas oo xinbaarsan in la xumeeyo sumcada mujaahidiinta iyo hadafkoodaba maadaama la go’aanshay in leysku daro mujaahiinta, cadawga ummadda soomaliyed iyo daba ******yadooda,

 

 

 

Ugu danbeynti

 

 

 

Waxaan ummada soomaliyed ugu baqeynaa iyo Dhammaan mujaahidiinta meel kasto oo ay joogaan iney midoobaan laba laabaana jihaadkooda kana digtoonaadaan shirqoolada cadawga iyo dibandaabyadiisa,

 

 

Gu/k/xigeenka 2aad ee GMIS. Sheekh c/qaadir cali cumar

--

 

 

Illaahay haka abaal mariyo sida raganimada ah eey maamulka maxkamadaha ooga soo horjeesteen iskana fogeeyay shekadii Djbouti.

 

This was the last faction whose decision was unknown towards the shady deals that were being made in Djbouti, today they have made clear their stance.

 

Know that the agents that caused the split have no direct control, soon the islamic forces will unite under one control.

 

This declaration followed a similar one by the council of somali culamma that read as follows---

 

 

 

 

Golaha Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan 7 Qodob ka kooban soo saarey Maanta

By Somalimirror on 27 Oct, 2008 4:43 PM in Main, Wararka

 

Sh Nuur Baarud Gurxan, afhayeenka Golaha Raabidada Culimada Soomaaliyeed oo Maanta Saxaafada shir Jaraa’id khadka telephone-ka u qabtey ayaa akhriyey bayaan ay soo saareen oo ku aadan xaalada Soomaaliya iyo khilaafka GMMIS soo kala dhex galey ee u kala qeysamey labada garab ee Jabuti iyo Asmara.

 

Bayaanka ayaa ka koobnaa 7 qodob oo ku aadanaa arimaha khilaafaadka, baaqyo iyo labo qodob oo sidoo kale uga hadlayeen fataawo sharci oo ku aadan cidda ay tahey in lagu xukumo in diinta ka baxdey oo dhiigoodu banaantahey.

 

 

 

Sh Nuur Baaruud oo akhriyey Bayaanka, ayaa waxaa ka mid ah ahaa qodobadii bayaanka:-

 

 

 

1. waajibnimada sii socoshada dagaalka jidaahka ah, inta wadanka ay ku jiraan Ciidamada cadowga ee soo duuley.

 

 

 

 

2. in shir dibu heshiisiineyd loo qabto labada dhinac ee khilaafku ka dhaxeeyo, waa isbaheysiga dibu xoreynta oo u kala jabey garabta Jabuti iyo Asmara ee sidoo kale ka wada tirsanaa GMMIS.

 

 

 

3. in labada dhinac ee shirka loo qabanayo ay ka soo qeyb galaan shirka, cidii diida kuna imaanweysa wakhtigii loogu talo galey talaabo ku haboon laga qaadaya sidoo kalena waa laga tashanayaa oo waa laga maarmayaa.

 

 

 

4. in la joojiyo hadalada is dhaleeceynta ah ee saxaafada la isku weydaarsanayo kuwaas oo keeni kara sii kala fogaansho iyo xasadar abuurid inta lagu guda jiro wakhtiga shirka.

 

 

 

 

5. sidoo kale in la joojiyo saxiixyada heshiisyo, inta lagu jiro mudada shirka dibu heshiisiinta ee bisha ah.

 

 

 

6. waxa ay sidoo kale sheegay in ay ka digayaan falalka lagu kacayo ee aan waxba cadowga yeelayn dhibaatada xooganna ay ka soo gaareyso shacabka aan waxba galabsan.

 

 

 

7. ugu danbeyn waxa bayaanka sidoo kale lagu sheegay in culimadu hogaanka dagaalka jihaadka ay la wareegayaan mudada bisha ah ee shirku socdo iyaga oo kale kaashanaya hogaanka meydaaniga ah ee gudaha jooga.

 

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay Sh Nuur Baaruud, in culimado soo saareen fatwo sharci ah oo ku aadan dadka la iska gaaleysiinayo ee aan sharciga loo eegin, waxa ayna ku sheegeen bayaankii maanta in qofku diinya uga bixi karo hadii uu cadowga ilaahey wali ka yeesho sidoo kalena taageeri maal iyo gacanba uu siiyo, waxa uuna intaa raaciyey in arintaa ay leeyihiin oo keliya culimada basle aanu qof walba isaga dhaqaaqi Karin, xukun iy fatwo kasta.

 

 

 

Ugu danbeyn waxa uu sheegay in bayaankan ay soo saareen kalsooni uga heystaan culimada Soomaaliyeed kuwa uga waa weyn iyo dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad, waxaana ka mid ah culimadii uu sheegay magacyadooda Sh Shariif C/Nuur, Sh Cumar Faaruuq iyo Sh Nuur Qawi.

 

 

 

Bayaankan uu akhriyey afhayeenka golaha raabidada culimada Soomaaliyeed Sh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku soo aadaya iyada oo isla maanta GMMIS, hogaankooda gudaha ay iyana soo saareen Warsaxaafadeed 6 qodob ka kooban oo ay isaga fogeynayaan shirka Jabuti iyo xabad joojinta lagu dhawaaqey.

 

 

 

Waxaa sidoo kale la filan karaa in qeybaha kale ee hogaanka Muqaawamada dhankooda ka hadlaan shirka Jabuti iyo aragtidooda waxaana horey loo ogsoon yahey in xoogaga Al-shababa iyo JABISO uga hadleen oo qaadaceen.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not quite yaa Hamza! This is NOT the end of Sharif. It's the BEGINING of new era, insha Allah!

 

Abu Mansur waa raggeedii. Lakin at this point of Somali history his IDEAS of killing the enemy despite the cost in blood and in treasure and closing the eyes to any alternative that might achieve the very same goals are SMALL! It's that smallness in the face of today's clausal challenges that renders his otherwise heroic efforts ineffective!

 

What would the likes of Abu Mansur do if indeed Ethiopia withdraws and adheres to the terms of Jabbuuti agreement? Seeing what we have seen before, one wonders if these brothers would find reasons to continue the war even in the absence of Ethiopian occupation!

 

The real question would then be what type of war would that be? It would hardly be a Jihaad!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Illaahay khayr ha siiyo culimadii mawqifka cad ka qaadatay fitnadii uu waday sharif ahmed. Mar hadii la isku aragti noqdo, in la midoobo un baa xigta.

 

It's only fitting for you to admit you were wrong, wrong about the shady deals, and the resistance accepting them.

 

Hadii eey dhab kaa ahayd nabad u helida ummada soomaaliyeed, hadii eey dhab kaa tahay in aad rabto in wadanka lagu xukumo shareecada islaamka, Maanta wadankii in la wada xoreeyo ayuu u dhawyahay, ee tageer go'aanada eey gaareen Culimada soomaaliyeed, iyo ka hor imaantinka ay ka hor imaadeen shirkii djbouti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Kuwuu uu ku qanacsanyahay ra'yogooda waa kuwa aan u aqaanoh, "The fake cimaamad wearing deviants"...And God willing, they will be neutralised, sooner or later.

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

REJECTION REJECTION REJECTION ! ! !

 

How long will they continue rejecting bal ?? ,, No solutions rather than a bloodshed ???

 

Now i can see those Islamists are falling apart and continue fractionating .........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saartay Heshiiska Djibouti

By Somalimirror on 28 Oct, 2008 1:50 PM in Main, Wararka

 

Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxa ay idiin soo gudbinaysaa Nuqul ka mid ah Bayaan maanta ka soo baxay Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed{JABISO} oo ku saabsan Heshiiskii 26-10-2008 ka dhacay Dalka Djibouti kaas oo dhex maray DKMG ah iyo Isbahaysiga garabka Jibouti.

 

 

 

Bayaanka Jabiso ayaa u qornaa sida tan:-

 

 

 

BAYAAN

 

 

 

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo loo asaasay una taagan Difaaca Diinta,Dadka, iyo Dalka Soomaaliyeed, marka ay daraaseysay heshiiska ka dhacay Jabuuti 26-10-08 ee ay saxiixeen koox ka tirsan Isbahaysiga Dib-u xoreynta Soomaaliya, lana saxiixdeen kooxda daba******ka u ah gumeysiga, waxay qaadatay Jabhaddu qodoban:

 

 

 

1- Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxay caddeynaysaa in ayna shaqo ku lahayn heshiis-ku sheegaas, islamarkaana uusan khusaynin, jihaadka Alle dardiis ahna ay sii laba-laabayso ilaa uu cadawgu ka baxayo dalka shuruud la’aan.

 

2- Jabhaddu waxay u sheegaysaa dhamaan shacabka soomaaliyeed in dadka saxiixay heshiiskaas ayna matalin guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaar ahaan mujaahidiinta, sidaa darteed waxaan ugu bishaaraynaynaa umadda in uusan waxba u dhimaynin heshiis-ku sheegaas jihaadka barakaysan ee lagu xoraynayo dalka, laguna soo celinayo karaamada Umadda Soomaaliyeed.

 

3- Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxay caddaynaysaa in dhiiga mujaahidiinta uu yahay mid aan lagu gor-gortami Karin, ujeedada dhiigooda ay u hureynna aysan ahayn in lagu helo mansib iyo jago, ee ay tahay kor u-qaadida Kalimada Alle, ilaa hadafkaas laga gaarayana ayna marnaba ka tanaasulaynin Jihaadka.

 

4-Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxay ugu baaqaysaa dhamaan garabyada Mujaahidiinta in ay u midoobaan cadawga Alle, kana qaataan mawqif midaysan wax yaabaha soo kordhay, gaar ahaan heshiis- ku sheega Jabuuti, sidoo kale waxay ugu yeeraysaa,in ay meel iska dhigaan khilaafaatkooda ka farxaniya cadawga, oo ay midoobaan Iyagoo Allaah kaashanaya, arintaas oo ah midda guul dhab ah lagu gaarayo insha’allah. 5- Si gaar ah waxay Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed u cadeynaysaa in ciidamada la magac baxay AMISOM ee ku sugan gudaha dalka ay yihiin kuwo u adeegaya cadawga umadda , islamarkaana ka gaystay gudaha dalka xad-gudubyo waaweyn, oo ayna noqon Karin kuwo ka shaqeeya danaha shacabka Soomaaliyeed, Jabhadduna waxay u aragtaa cadaw ay waajib tahay in lala jihaado lagana saaro wadanka. 6-waxaan uga digaynaa Q.M iya dawladaha xubnaha ka ah in ayna ku kadsoomin mawqifka kooxda saxiixday heshiiska Jabuuti, sidaa darteed ayna ciidamadooda ku soo shubin cadaab, iyada oo ay mujaahidiintu kala hortagi doonaan Jihaad maadaama ay yihiin kuwa kaalmo u ah cadawga Umadda Soomaaliyeed, waxaana u sheegaynaa in ayna nabad u damaanad qaadi Karin kooxdaas 7- Ugu danbeyn Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo uu aragata shacabka Soomaaliyeed inuu yahay mid ku dhagan diintiisa, diyaarna u ah inuu naftiisa u huro difaaca diinta, dadka, iyo dalka soomaaliyeed waxay u soo jeedinaysaa in ay garab istaagaan walaalhooda mujaahidiinta ah sidii ay horaanba ugu garab taagnaayeen, kuna kalsoonaadaan hawsha barakaysan ee ay ugu jiraan soo celinta karaamada Umadda.

 

Wabillaahi Towfiiq

 

 

 

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Guud

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. sharif is such a disappointment .... he started out promising but meeshuu ku danbeeyay waa la wada arkaa !

 

cheap thrills of being treated like a diplomat and sleeping in 2 star hotels ... miyuu ku badashay karaamadii iyo sharaftii loo hayay ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Raacdadu hadday ka dhabtahay dhabi dagaalkeedu

Adoo dhididsan baa loo ridaa dhumuc rasaaseede

 

Inta aad London ragga ka dagaal galineyso, mawqifkaagu waa jabanyahay adeer...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this