Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar airport expanded.... opened today

Recommended Posts

Jawhar oo garoon caalami ah laga furay

Jawhar - 01.October.2005 Madaxweynaha

 

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta xarigga ka jaray garoon caalami ah oo laga hir geliyey magaalada Jawhar oo xarun u ah dawladda federaalka Soomaaliyeed iyo gobolka Shabeellaha Dhexe labadaba.

 

Xafladdii uu xarigga kaga jaray madaxweynuhu garoonkan oo ah mid baaxaddiisu ay dhan tahay 3km ayaa waxaa uu amaan u jeediyey Injineerradii ka soo shaqeeyey ee hir geliyey iyo mawaadiniintii kale ee waddey mashruucan.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu garoonka diyaaradaha ee ka hir galay magaalada Jawhar ku tilmaamay “Guul u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanâ€.

 

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka markhaanti kacay sida ay ugu faraxsan yihiin hirgelinta garoonkan.

 

Xafladdii xarigga lagaga jaray garoonkan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay qaar kamid ah dadweynaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar

 

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dib u furay Garoonka

Diyaaradaha Jowhar kadib markii

 

Sawirada xaflada [on "]www.midnimo.com]

 

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee ku yaala duleedka xarunta Gobolka Sh/dhexe una jira ilaa iyo 15-KM ayaa dib loo furay maanta markii lagu sameeyay dib u habeyn lagu balaariyay oo lagu kordhiyay awoodda uu isaga xajin karo diyaaradaha waaweyn,iyadoo Ganacsato Soomaaliyed howshaasi kaalin wanaagsan ka qaateen

 

In muddo ah Garoonka waxaa ka socday howl dayactir iyo balaarin ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana xafladda dib loogu furayay ka qeyb galay madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal wasaare Geedi, Maxamed Dheere iyo xubnaha dowladda ee halkaas ku sugan.

 

Ra’iisal wasaare Geedi ayaa sheegay in howsha laga qabtay garoonka Jowhar ay tahay mid horumar ah oo ka mida mashaariicda dalka horumarintiisa bilow u ah, wuxuuna u mahad celiyay intii gacanta ka geysatay dhismaha Garoonka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu furay garoonka Jowhar ee dib loo dayactiray ayaa sheegay in ay bilaabtay dib u dhiska dalka markii muddo burburin lagu jiray, wuxuuna sii raaciyay in garoonka ay hadda ku soo degi karaan diyaaradaha iyaga iyo xamuulkoodu gaari karaan 180 tan, howsha laga qabtayna ay tahay mid horumar ah. wuxuuna mahadcelin weyn u jeediyay Maxamed Dheere iyo maamulkiisa.

 

Baabuurta ka qeyb qaadatay Dib u dhiska Garoonka Jowhar ayaa waxaa iska lahaa qaarkood Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Cusmaan Caato,waxaana Garoonka qandaraas ku qaatay Nin Ganacsada ah oo lagu Magacabo Imaan.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Midnimo googooye16@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’iisal Wasaare Geedi oo gudoomey Heshiiskii ay Wada Galeen Puntland iyo qar ka mid ah shirkadaha Shidaalka baara oo qoran

 

October 1, 2005

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Qoraal ku saabsan wasiirkii uu maamul Goboleedka Puntland la galay shirkado baara shidaalka ayaa gacanta loo geliyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi.

 

Qoraalkan oo ay wadeen guddi ka kooban lix xubnood oo uu hoggaaminayey wasiirka Maaliyadda Puntland Max’ed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa qoraalkaas gacanta u geliyey C/laahi Yuusuf iyo Mr. Geeddi, waxaana arrintan shidaal baarista loo saaray guddi wasiiro ah oo uu ka mid yahay Cabdalla Deerow kana arrintaas.

 

Xubnahan qoraalka gudoonsiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Jowhar oo ah Xarunta dowlada federaalka kmg-ka Soomalaiyeed, iyada oo madaxweyne C/laahi Yuusuf uu kala dhex jiray labada dhinac.

 

 

 

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey Marka

xafiiskamuqdisho@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this