Sign in to follow this  
Kamaavi

Banaan bax lagu gubay Calanka Jabuuti iyo sawirka Madaxweyne Shariif

Recommended Posts

Kamaavi   

Banaan bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta salaadii jimcaha kadib ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo looga soo horjeeday Dowladda Jabuuti.

 

Banaan baxan oo ay ka qeyb galaan Hogaanka sare ee Ururka Xisbul Islaam ayaa ka dhacay deegaanka Calamada oo ka mid ah deegaanada loo barakacay, waxaana halkaas khudbad dheere ka jeediyay Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys.

 

Sheekh Xasan Dahir ayaa khudbad ku baxeysay luqadaha Carabiga iyo Soomaaliga ayaa waxaa uu ku eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Jabuuti iyo ciidamada ay soo wado, isagoo sheegay in Jabuuti ay kaalmeyneyso Cadawga Ilaahey sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu sheegay in Jabuuti hadii ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya ay si gaar ah uga lug yeelaneyso dabka ka holcaya Soomaaliya, waxaana uu si kulul u weeraray Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif, isagoo ku sifeeyay in ay tahay Dowlad gaalada la jirta, isla markaana ay tahay Riddo.

 

Dadkii banaan baxayay oo u muuqday kuwo Xisbul Islaam ay xoog ku soo qasbeen ayaa ku hadaaqayay erayo ka dhan ah Ciidamada AMISOM, duqeymaha ay ka geysteen, waxaana halkaas lagu soo bandhigay hal ku dhigyo kala duwan.

 

Banaan baxayaasha oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Xisbul Islaam ayaa waxay ugu dambeyn ku gubeen Calanka Dowladaha Jabuuti, Brundi iyo Uganda, waxaana madasha banaan baxa sidoo kale dab lagu qabadsiiyay Sawirka Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, the Fake Islamist are doing a fine job, Sharif Ahmed forgot he was a "shiekh" and Fuad Shangoole forgot he was a human being.

 

Poor people indeed, though it's clear the fake groups are losing power, when you start with war and end up demonstrating there is something strange going on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Calanka Jabuuti oo kii sidii xabashida loogu gubey Ceelasha Biyaha

Published: 12 February 2010

 

ou2s20.gif

 

KN: Banaanbax uu soo qabanqaabiyey Xisbul islaam ayaa si foolxun oo bahdil ah loogu gubey calanka jamhuuriyada Jabuuti, banaanbaxa oo uu qudbad ka jeediyey Xassan Daahir Aweys ayaa lagu cambaareeyey farogalinta ay balanqaaday Jabuuti.

 

Waxay noqoneysaa markii koowaad oo dad Soomaali ah ay gubaan calanka Jabuuti oo ah astaan garab weyn siisey dadka Soomaaliyeed xilli ay dhibaateysnaayeen.

 

Dadka calanka gubey ayaa ahaa ciidamo hubka iska soo dhibey oo isku dhexdaray shacabka barokacay oo intooda badan lagu soo qasbay banaanbaxa sida aan ku heeyno warar xaqiiqo ah.

 

Mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay banaanbaxa oo ay KismaayoNews la hadashay ayaa yiri “ma xuma in laga banaanboxo imaanshaha ciidamada Jabuuti iyo garabka ay siinayaan AMISOM, laakiin in calanka Jabuuti la gubo waxay la mid tahay in aan gubney kii Soomaaliya, mana ahan wax fiican” ayuu yiri isagoo diidey in magaciisa la xuso.

 

 

Saraakiil Xisbiga ka tirsan oo aan arrinkan wax ka weeydiiyey dhegxumada ay ku tahay shacabka Jabuuti ee walaalaha ah ayuu midkood oo lagu magacaabo Sh. Xusseen noo sheegey in aysanba aqoonsanayn calankaasi, wuxuuna yiri “kii Soomaaliya ayaanan aqoonsanayn, ma kan Jabuuti ayaan dan ka galaynaa”.

 

 

Xassan Daahir Aweys aya aku celiyey in dowlada Shariifka ay tahay dowlad riddo ah oo ay waajib tahay in laga taqaluso, wuxuu khudbada ki jeedinayay af Soomaali iyo Af carabi labaduba.

 

 

Arrintan ayaa imanaysa markii dhawaan Jabuuti ay balanqaaday in ay Xamar keeneyso 450 ciidamo ah oo saacida mashruuca ciidamada AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this