Sign in to follow this  
Emperor

International flights to land Bosaso, no more old unreliable Russian abondoned plane

Recommended Posts

Shirkada Duulimaadka Al Yemeniya oo Xafiis ka furatay magaalada Boosaaso

Posted to the Web Jun 23, 14:20

 

 

Bosaaso:-Waxaa shalay galab xariga laga jaray Shirka cusub oo loogu magaca daray Horn African Aviation Service Agency xafiiskan oo wakiil ka noqonaya Shirkada Al Yemeniya iyo Shirkado kale oo isku xiri doona Puntland iyo dalal kale oo Caalami ah.

 

Xafiiskan Cusub oo maareyn doona dhinaca duulimaadka Caalamiga ah ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay shirkada Yemen laga leeyahay ka furato dalka Soomaaliya, waxayna suurto gelineysaa in duulimaadkaasi oo ka bilaaban doona Boosaaso ay dadku ayagoo maraya dalka Yemen, caalamka oo dhan u kala gooshi karaan.

 

Xafiiskan ayaa wakiil uga yahay Qaaditaanka Rabaabka Caalamka oo dhan iyo sidoo kale wakiil uga noqon doono Duulimaadka xamuulka (Cargo).

 

Duulimaadkan ayaa noqon doona mid ka baxa Bosaaso – Mukuli oo ah dalka Yemen, iyo kadib caalimka oo dhan.Waxay uga sii gudbi karaan adduunka meesha ay rabaan.

 

 

Shuruudaha lagu xirayo dadka u duulaya caalamka ayaa ah heer caalami ah oo ay ku shaqeynayaan shuruudaha dhoofitaanka ee caalamiga ah.

 

 

Md. Saciid Cabdullahi Deer oo ah Wakiilka shirkadan ee magaalada Boosaaso ayaa ka waramay sababta ay xiriirkan ulla sameeyeen dalka Yemen iyo daarada Al Yemeniya, ayaa yiri [… waxaa loo baahday xiriir caalami ah waxaana hada noogu dhaw dalalka Jaarka nala ah dalka Jabuuti, dalkaasna diyaaradooda aad bay u yartahay, dalka noogu dhaw oo heer caalami diyaaradahooda yihiin isla markaana xiriir wanaagsan naga dhaxeeyo waa Yemen, taasi baa keentay in Al Yemeniya ay noqoto shirkada hada xafiiska ka furata magaalada Bosaaso…]

 

 

Duulimaadka shirkada Al Yemeniya ayaa dad badan u fududeyn doonta dhinaca safarada dalalka Carabta sida dalka Sucuudiga oo xiliga Xajka ay dad badan u dhoofaan, ayadoo sidoo kale Xiriirkan cusub uu kusoo kordhinayo duulimaadyadii isku xiri jiray Magaalada Bosaaso iyo Dubai oo hada loo mari karo dhinaca dalka Yemen, halkii horey laga mari jiray Jabuuti iyo meelo kale.

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Excellent news PA, thanks for posting. Like I said the runway is almost over and the flights will kick start very soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Enough to land an Airbus flights, the rest are coming, a journey of a thousand miles starts from one step.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Of course Puntland is paying the bills with some help from the UAE, the port expansion is planned for but will kick start possibly after this Administration.

 

It's the biggest runway anywhere in Somalia beside that.

Correct, that's why its capable of hosting/landing an Airbus planes, thats huge carrier.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^I didn't actually think they would have enough money since most of it is diverted to Xamer. And I was under the impression they were going to lease the seaport?

 

P.S. I hope the terminal will have the right amenities.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this