Sign in to follow this  
Hunguri

Tears on my Face ( Sonkoreey Mohammad poor Somali woman )

Recommended Posts

Hunguri   

Waxaan mararka qaarkood aad ula yaabaa. Dadka Dawlad diidka ah. Waxaa jira Axaadiis Nabigu SCW inooka tagay. Oo madhax dhal ah. Waxayna xusayaan Axaadiistaasi. Xikmado meelo badan taabanaya. Waxaa ka mid ah. Inuu nabigu SCW yidhi. "intaasoo sannadood oo nin jaaír ah ama dictator ah idin xukkumayo ayaa waxay ka wanaagsantahay maalin Dawladnimo laáan ah". Sheekh Sucuudiga iyo dunida Islaam-ka aad looga yaqqaano ayaa cisho dhawayto, wuxuu Iqra TV channel kala hadlayay dadka Sucuudiyaanka ah. Wuxuuna u sheegay. Inaanay dawlada iyo barwaaqada ay haystaan ku ciyaarin. Sababtoo ah wuxu yidhi waxaad ku tusaala qaadataan Somalida. Wuxuuna yidhi waxaa haysta. Dhibaato ah, inaanay.

 

(1) Koodii xanuusanayay dawayn karin. Waayo dawlad maleh. Hadii qof xanuusadana dayyac iyo darxumo ayuu u dhintaa. Ama waba la toogtaa

 

(2) Reer ama Caaílad kala qaybsan. Oo haddii Aabahood ama Hooyadood Somalia ku geeriyooto. Midba meel looga yeedhayo. Waa hebel N-Zealand ayuu joogaaye halala hadlo. Hebla Denmark ayay joogtaaye taleefan haloo diro. Hebel-na Canada. Ku kalena Meel daran iyo reera Muskood. Cidiba isuma timaadee Odaygii dhalay ama islaantii dhashay Xabaal ayaa lagu awdaa.

 

Almuhim, waxaan kusoo gunaanadayaa. Bal Dawlad diidoow dawlad diidaye. Wax walba ha ahaatee. Adigu waakaase Somali meel usaar. Akhriso sheekkadan.

 

 

SOKOREEY MAXAMED: “Intii aan sidan ku noolaan lahaa waxaa la ii qaatay aniga oo is-dhinta”

Arbaco, November 21, 2007(HOL): Sokorey Maxamed waxay ka mid tahay Dadka ka barkacay dhibaatooyinka ka jira caasimadad Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna haatan ku nooshahay Deegaanka Carbiska oo u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

15-kii Oktoobar ee aynu ka soo gudubtay ayay qaxday gurigeeda oo ku yaala Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxayna ahayd markaasi xaamilo bilaheedii Uurka dhameysatay oo ay kaliya u harsan tahay in ay umusho.

 

Sokorey Maxamed oo ahayd Ugub waxay dhashay iyadoo aaney la joogin Umuliso, marka laga reebo gacan ay ka heshay qaar ka mid ah Dadkii ay Qaxootiga isla ahaayeen.

 

“Dadka aan isla joognay Deegaanka Carbiska kuma jirin Qof Umuliso ah oo igu caawiyay in aan si caadi ah u dhalo, hayeeshee sidii aan muddo dheer u foolanayay markii dambe waan dhalay, aad ayaana u xanuunsaday”ayay tiri Sokorey Maxamed oo u warameysay Wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay ee IRIN.

 

Sokorey oo sii hadleysay waxay sheegtay in markii ay dhashay canugeedi ugu horeeyay ay aad u faraxday, laakin kadib lagu wargeliyay in ay aad u dhiig-baxeyso, isla makraana uusan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn canuga ay dhashay, taasi oo naxdin ku abuurtay, “ Mid ka mid ah Haweenkii ila joogay ayaa ii sheegtay in aanan wel welin, dhiiggana uu iga joogsan doono, laakin waxaan aad u naxay markii la ii sheegay in uusan canugeygii badbaadin oo uu geeriyooday”ayay mar kale tiri Sokorey Maxamed.

 

Sokorey Maxamed waxay sheegtay in uusan weli ka istaagin dhiiggii ka socday tan iyo markii ay Umushay, waxayna sheegtay in ay xaaladdaas adag ugu sii darsantay iyadoo ay ka xanuunsaneyso Kaadi-heysta, isla markaana aysan koontarooli karin kaadida, Waxaan ogaa in ay kaadi I soo dhaaftay marka aan qoyaan isku arko”ayay tiri Sokorey Maxamed oo ka mid ah Dadka ka barakacay magaalada Muqudisho.

 

“Ninkeygii wuu iga tegay, isagoo ii sheegay in aanan soo carfeynin, isla markaana uusan ila joogi karin, sidoo kalena dadka aan wada nool nahay ayaan iyaguna rabin in ay ii soo dhawaadaan”ayay tiri dhibane Sokorey oo sheegtay in ay nolosha quus ka taagan tahay.

 

Sokorey waxay ka cabaneysay xanuun dhinaca kaadi-heysta ka haya iyo weliba mid kale oo ka gaaray marinka ay ilmaha soo maraan marka ay dhalanayaan, waxayna sheegtay in aysan heysan dhaqaale ay isku daweys, “Aniga iyo Ninkeyga aad ayaan u faraxsaneyn, waxaana sugeynay canugeena ugu horeeya, hadda waxba ma heysto, ninkeygi waa uu iga tegay, waxaana ku noolahay cunto aan mar mar ka helno hay’adaha gargaarka iyo mid kale oo ay Dad i siiyaan, ma aqaano wax aan sameeyo, qofna igama caawinayo dhibaatada i heysata, lacag ma heysto aan isku daweeyo, mararka qaarkood waxaan is-iraahdaa nolosha aad nooshahay waxaa kuu dhaanta in aad iska dhimato”ayay tiri Sokorey Maxamed oo ah Gabar 20 jir ah oo ay dhibaato ka soo gaartay canugeedii ugu horeeyay oo ay ku dhashay meel aan dhaqtar iyo umuliso lahayn oo u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

It seems that you are shooting yourself on your foot. Ma dowlad diid baa sonkorey iyo dadka lamid ka ah kasoo qixiyay guryahoodii oo madaafiic ku garraacayo hadh iyo habeen mise dowlad ku sheeggan tigreega u shaqeeso ee aad taageerto?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this