Sign in to follow this  
Paragon

Culumaa’udiinka Gobolka Sanaag oo ku Baaqay in la taageero Kacdoon diinmeedka

Recommended Posts

Paragon   

Culumaa’udiinka Gobolka Sanaag oo ku Baaqay in la taageero Kacdoon diinmeedka koofurta Soomaaliya.

 

Mudo dhowr todobaad ah ayaa waxaa soo if-baxay Deegaano badan oo ka tirsan gobolada Puntland iyo taageeradooda ku iilan dhanka Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka amriya haatan koonfurta Soomaaliya.

 

xinga.gifxingalool.jpg

Gobolada lagu taageerey maxkamadaha iyo howlaha ay ka qabteen koofurta Soomaaliya ayaa waxaa balki u ah Mudug, Sool, Cayn, Nuugaal, iyo shacbiga gobolka Sanaag oo u arkey soobixitaanka maamulka maxkamada, mid u ah nasri umada Soomaaliyeed oo goolaaftameysay mudo lix iyo tobon sanadood ah.

 

Ugu yaraan afar degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag “Dhahar, Badhan, Laasqorey, Ceerigaabo, iyo Xingalool” ayaa culumaa’udiinkooda kulmay dhowr jeer bishii aynu soo dhaafney ee Octoobar, kulankaas oo kasoo baxay in la taageero culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

 

Maanta salaada duhur kadib ayaa culumaa’udiinka degmada Dhahar waxay ugu baaqeen umada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Sanaag in ay taageeraan dhalashada Maxkamada diiniga ah.

 

Bilihii lasoo dhaafay mar lagu xirey sheekh Maxamed Ismaaciil magaalada Hargeysa ayaa waxay culumaa'udiinka Gobolka Sanaag ku muujiyeen dareenkooda mudaaraadyo isdaba joog ah oo ka dhacay dhamaan daafaha gobolka, mudaaharaadyadaas oo ay ku soo sheegeen in ay taageersanyihiin maxkamadaha diiniga ah.

 

Mar aanu wax ka weydiiney ganacsade u dhashay gobolka Sanaag oo lagu magacaabo Maxamed Tafare Coof iyo sida uu arko Hadalka Culumada gobolka Sanaag, ayaa wuxuu noogu jawaabay “Dadka Soomaaliyeed way kala tafaraaruqeen, waxayna u baahanyihiin hogaan ka duwan kuwii hore loo soo dhisay ama u jirey, waxaana u arkaa in Culumaa’udiinku ay wax ka badali doonaan umada Soomaaliyeed oo colaad iyo burbur ku habsaday”.

 

Axmed Salaad Cumar

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi u dhashay Deegaanka Caabudwaaq oo awal ku maqnaa safar gaaban oo ay ku soo marayen magaalooyinka dhuusamareeb & Cadaado ayaa Maanta dib ugu soo laabtay magaalda Caabudwaaq.

 

 

Wafdi ka kooban ilaa 25 xubnood oo isugu jira Nabadoono, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Culumaa"odiin iyo siyaasiyiinba oo uu ka mid yahay Nabadoon Caamir Faarax Axmed, ayaa dib ugu soo laabtay maanta D/Caabudwaaq.

 

Wafdigaan ayaa waxaa uu wada hadal la soo yeesho madaxda midawga maxaakiimta ee fadhigoodu yahay magaalooyinka dhuusamareeb & cadaado waxyaabihii ay ka wada hadleena waxaa ugu muhiimsanaa in ay yeeshaan midnimo ayna ku midoobaan sidii ay mid uga wada noqon lahaayeen waxyaaba qalqalka galinkara xaga amniga dhibna u keeni kara isla'dagananshaha beelaha wada daga G/gaduud sidoo kale madaxda midawga maxaakiimta G/lada dhexe iyo wafdiga R/caabudwaaq ba waxaa ay meel is lawada dhigeen in gudaha magaalda Caabudwaaq maalmaha soo socda looga dhawaaqo maxkamad islaami ah taasoo kamid noqonaysa midawga maxaakiimta islaamiga ah

 

sikastaba ha ahaatee gudaha magaalada Caabudwaaq ayaa hada waa ka dhex muuqta ififaalo ay dadku kudoonayaan in ay helaan amni cidwalba oo u keenaysa ay taageersan yihiin iyadoo dadweeynaha R/caabudwaaqna ay 100/75 Gurbaanka u tumayaan in ay healaan kaladanbayn taasoo sababaysa shalay markii subxiga latukanayay ayaa waxaa dad musaafur ah lagu baartay meel aan saas uga sii dheerayn magaalada dadkaas oo laga qaatay waxii ay wateen hadii ay tahay lacag hadii ay tahay dhar ilaa & hadana majirto cid is ku hawshay tacadigaas loogaystay dadka musaafariinta ah sidaas awgeed ayaa waxaa cad in baahi weeyn looqabo kaladanbaynta loonabaahanyahay in lawaafajiyo dadkaas geeysanaya jariimada sharciga islaamka waxa uu kaqabo

 

isku soo wada duub duuboo waxaa hubaal ah in maalmaha nagu soo fooda leh gudaha magaalda Caabudwaaq looga dhawaaqi doono maxkamad islaami ha oo ku xiran midawga maxaakiimta waa sida ay ii sheegeen qaar kamid ah hawlwadeena hada gacanta ku haya dhisida maxkamadaas

 

Zaynudiin Siciid

G/lada dhexe Caabudwaaq.

 

Allwadan@Allwadani.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Xubno ka soo jeeda gobolada Bari oo ugu baaqay shacabka iyo culumaa'udiinka Puntland inay qaataan Kitaabka ALLE.

 

War saxaafadeed ay soo saareen Suldaan Siciid Cartan oo ka mid ah isimada ka soo jeeda gobolada Bari iyo siyaasiga Axmed Siciid Colaad ayay kaga hadleen xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya gaar ahaana xaaladaha gobolada Putnland.

 

Warsaxaafeedkan ayay xubnahani baaq ugu jeediyeen shacabka, culimada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Puntland iyagoo ugu baaqay inay qaataan Kitaabka ALLE, isla markaana ay ku dhaqmaan shareecada islaamka.

 

“Waaga baryay iyo habeenka dumay Puntland waxay aheyd qabiilo isu tegay oo isku darsaday maamul oo loogu magacdaray (Puntland) dhismaheeduna wuxuu jiraa 9-sano sidaasna waa loogu liibaanay, iyadoo la helay maamul, nabadgelyo illaa xad ah, inkastoo ay jirtay dulmi badan iyo xaq daro iyo xaqiraad iyo qabiileysi ay u gaartahay mas'uuliyiinta sare, tusaale ahaan gobolka Karkaar waxaa wada dega 6 qabiil maamulkeeda iyo golaheeda deegaanka waxaa qaatay hal qabiil, inta kalena waa la qadiyay, degmada Beylana waxaa dega 8 qabiil waxaa maamulkeedii iyo goleheedii deegaanka wada qaatay hal qabiil oo ah kii qaatay gobolka Karkaar, haddii ay dacwoodeena qabiiladii la qadiyay una dacwoodeen maamulkii sare waxaa loogu jawaabay “Waxaad ku buro sidaan inaad deganaatiin oo xooluhu idiin daaqaan, wax mansab ah la idinma siin karo”, dadka jooga Puntalnd waxay u qeybsan yihiin qaar la canshuuro iyo qaar kale oo lagu quudiyo, dulligaasi waxaa looga bixi karaa in la qaato Kitaabka ALLE, iyo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo sunnada nebiga (CSW) si loo helo nolol iyo naxariista eebe kitaabuna waa Dastuurkii ILLAAHEY u soo dejiyay muslinka waana in la isku xakumaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo sidoo kale lagu xusay.

 

“WAMAN LAM YAXKUM BIMAA ANZALALAAHU FA'ULAA'IKA HUMU DAALIMUUN, ALLAAHU AKBAR, waxaa loogu baaqayaa culimaa'udiinka Puntland wixii ALLE baray inay dadka u sheegaan una sheegaan shareecada islaamka ku dhaqankeeda, EEBE waa idin su'aali doonaa wixii uu idin baray oo aydnaan ku dhaqmin kuna dhaqin dadka.

 

“YACLAMUUNA MAALAA YAFCALUUN, ALLAAHU AKBAR”

 

wabillaahi Towfiiq.

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini), Muqdisho, Somalia

diinicadde@hotmial.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Bayaan ay soo saareen jaaliyadda beesha --------- ------- ee ku nool Bariga Dhexe

[Visit ALLGEDO to get the full information of the sub-clans mentioned in this article]

 

Waxaan anagoo ku hadlayna jaaliyadda beesha ------- ee ku nool Bariga Dhexe aan halkaan ku cadaynaynaa Bayaankan hoose kaddib markii ay beshu ku yeelatay Magaalada Sanca ee Dalka Yemen kulan aad u balaaran oo ay kasoo Qaybgaleen; Aqoonyahano, Indheergarad, Culumaa'udiin, Dhalinyaro, Haween.

Kulankaas waxaa ay beeshu uga hadlaysay isbadalka baaxada weyn ee ka dhacaya Wadanka Soomaaliya Qaas ahaan, iyo Guud ahaanna Geeska Afrika; Kulankaas waxaa kasoo Baxay Bayaankan soo Socda:

 

1- Jaaliyaddu waxay si aad ah ugu Bogtay Horumarka iyo Waxqabadka dege deg ah ee ay iskood ugu dhaqaaqeen Midowga Maxaakimta Sharciga ah. Taasoo ay ugu horeyso Dacwada ay ugu yeerayaan ku dhaqanka iyo Dabaqida Shareecadda Islaamka.

 

2- Jaaliyaddu waxay sidoo kale aad ugu dheeraatay sida muuqata ee ay maxaakimtu uga go'an tahay inay Ku soo rogaan Ummadda Soomaaliyeed, Nidaam ku dhisan Cadaalad, Sinaan, iyo waxwadaqabsi.

 

3- Jaaliyaddu waxay u aragtay inay Maslaxadda Beeshe ay Matasho ay ku Jirto Nooleeynta iyo U gargaarida Shareecadda Islaamka.

 

4- Jaaliyaadu waxay ugu Baaqaysaa Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Beelweynta ---, Qaas Ahaanna Beesha ------- inay qaataan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka ee Beeshu ---- Hormuudka u ahaan jirtay.

 

5- Jaaliyaeddu waxay Si aad ah uga xun tahay, oo ay u canbaareynaysaa Xasuuuqii loogaystay Dhalinyaradii Maatada ahayd ee lagu laayay Degmadda Bu'aale, waxayna ugu baaqaysaa Maxkamdaha Jubooyinka, qaas ahaan Taliyaha Ciidammada Amniga Jubooyinka in si deg deg ah wax uga qabto, loo horkeeno Danbiilayaashii ka danbeeyay Xasuuqaas arxan darada ahaa Cadaalada Horteeda.

 

6- Jaaliyaddu waxay uga digaysaa wadamada faraha kula jira arimaha Soomaaliya inay faraha kala baxaan oo ay u daayaan shacabka Soomaaliyed, oo ah "ahlu Xal Wal Caqdi" inay arimahooda xaliyaan.

 

7- Waxay jaaliyaddu ugu baaqaysa Beesh ------- ee Ku sugan Gudaha iyo Dibadaba in ay Taageeraan Maxaakimta Islaamiga ah oo ay Jaaliyaddu u aragto inay tahay Muraayadda kaliya ee ay Beeshu ka dhex arki karto Maslaxadeeda iyo Maslaxadda Guud ee Ummadda Soomaliyeed.

 

8- Waxay Jaaliyadu ugu danbeyn ku boorinaysaa Maxaakimta Islaamiga ah inaysan ka leexan dowga lawada Yaqaan ee sharciga ah, ee Cadaalad, Horumar iyo Barwaaqaba u Horseedi kara Shacabka Soomaliyeed ee La ildarnaa Lix iyo Tobankii Sano ee lasoo Dhaafay Aaafooyin, iyo Mixnaddo aan lasoo Koobi Karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

And where are those supposed Suldaan Siciid Cartan and politician Axmed Siciid Colaad supposed to be? In Puntland? No.

 

Where then? Yes, you guessed it right! Mogadishu. Please give us a break every person can see through this!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   
:D , You know Puntland has become a dictatorship these days! It is a shame that Puntlanders have to go to Mogadishu to speak out! That is how bad things are for them smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

It is only the religious pundits of Dhahar district that urged all Somalis to support the phantom revolution. Again, it is all urging, not adopting the system. They are probably motivated by the conflicts of Majihaan.

 

I don't think seeking out political solace from Mogadisho will have a positive effect on your region. It will only create a conflict of leadership, which may have dire consequence on the peace and brotherhood of these regions in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this