Sign in to follow this  
General Duke

TFG meets with Mogadishu media to discuss new regulations

Recommended Posts

Kulan Lagu Ansixiyay Maanta Shuruucda Saxaafadda

Muqdisho(Calanka.com) 02-Juun-2007

 

--

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA DOWLADDA FEDERALKA KMG WASAARADDA WARFAAFINTA

 

Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshada, waxtar weyna u leh. Warbaahintu run sheega ku dhisan waa midda u adeegeysa kobcinta dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka, horumarinta dalka iyo yagleelidda caddaaladda.

 

Saxaafadda iyo warbaahintu maadaama ay yihiin wax u adeegaya waa inay aahaadaan qaar leh xeer iyo xeer nidaam, oo aysan ku xadgubin xuquuqda, muwadiniinta, hay’adaha iyo dowladda toona.

 

Beenta iyo dicaayadda aan sal laheyn iyo majara habaatinta xaqiiqadu waxay dhaliyaan fidno, isku dhac, bur-bur iyo is naceeb, waxaan waqtigan iyo mustaqbalkaba u baahanahay ay yihiin nabad gelyo, kala dambeyn, is qaddarin, cadaalad, waxdhis iyo nabad ku wada noolaansho.

 

Xorriyadda qawlka oo ay ka mid tahya cabbirka fikirka iyo run sheegiddu waa mid ay aqoonsan yihiin falsafadda xeerka, heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo baaqyada heer qarad iyo gobol.

 

Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya waxay damaanad qaaday oo ay oggoshahay heshiisyada la soo sheegay, waxayna dhiira gelineysaa xorriyaddaas, iyadoo lagu shaqeynayo qodobka 20aad faqraddiisa 1aad iyo 2aad ee Axdiga KMG ah.

 

Hawlaha saxaafadda iyo warbaahinta waxaa nidaamiya oo soohdimeynaya xeerkan iyo xeerarka kale ee dalka.

 

Saxaafadda iyo warbaahinta gar ahaaneed waa inay u kala soocnaato xilligii bur-burka ee la soo maray (1991-2004) iyo xilligan oo ay waddanka ka jrito dowlad sharci ah oo qaranku leeyahay.

 

Dadku markay helaan awood ay ku heli karan warar sugan ayay yeelan karaan ka qeyb gal wacan ee faltanka Dimoqraadiyadda iyo nidaamka dowliga ah, waxayna is hortaagi karaan talaabooyinka waxyeelaya sharafta Qaranka sida: Laaluusha, eexda iyo isku xadgudubka.

 

Ugu dambeyn, warbaahinta wanaagsan waa tan shacbiga ugu yeerta horumarinta iyo aslubuta wanaagsan, kana waanisa wixii waxyeelaya madax banaanida, nabad gelyada iyo Midnimada Qaranka.

 

Xeerka Saxaafadda ama warbaahinta

 

 

Qodobka 1aad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbaahinta madaxa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo kulmay

Click here to find this article in English

 

Mogadishu 01, June.07 ( Sh.M.Network) Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho golaha wasiirada dowladda KMG ah ee Somalia iyo warbaahinta madaxa banaan ayay ku ayideen warbaahinta xorta ah sharci ay dhowaan ansixiyeen golaha wasiirada dowladda KMG ah, sharcigaasi oo uu soo gudbiyay wasiirka warfaafinta Somalia.

 

Kulankaan oo ka dhacay Hotel Nasahablood ayaa Saxaafadda madaxa banaan waxa ay ku ayiday sharci dhowaan ay ansixiyeen golaha wasiirada, kaas oo ah nidaam kala hagaya saxaafadda madaxa banaan iyo kuwa dowladda KMG ah.

 

Wasiiradii kulankaan soo xaadiray ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah, Madoobe Nuunoow, wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacmodheere iyo wasiirka Bey'ada, amniga iyo cadaaladda.

 

Wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo ayiditaanka saxaadda ay ayideen warbaahinta xorta ah.

 

Waxa uu sheegay in sharcigaan uu soo maray la tashiyo aad u badan sida wasaaradda warfaafinta, lowyero caalami ah iyo xeerarka saxaafadda caalamka.

 

Wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacmo-dheere oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii dowladda ee ka qeybgashay kulankaasi ayaa waxa uu tilmaamay in saxaafadda xorta ah laga doonayo in ay tabiyaan wararka dhabta ah isla markaana ay iska ilaaliyaan kuwa been abuurka ah.

 

Kulankaan maanta ku dhex maray magaalada Muqdisho xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo saxaafadda madaxa banaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudi dhowaan warbaahinta madaxa banaan ay iska dhex magacowday oo la yiraahdo guddiga horumarinta sharciga saxaafadda

 

Click here to find this article in English

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA DOWLADDA FEDERALKA KMG

WASAARADDA WARFAAFINTA

 

Xeerka Qabyada ee Saxaafadda

 

HORUDHAC

 

Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshada, waxtar weyna u leh. Warbaahintu run sheega ku dhisan waa midda u adeegeysa kobcinta dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka, horumarinta dalka iyo yagleelidda caddaaladda.

 

 

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

How will the media refer to the occupation of the 561,658 Tigranyan boys? Occupiers and rightly so Or do u think they r gonna capitulate and call the 654,235 Tigraynan boys in the country the National Army with the Tigraynan twist...

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no occupation, just support the same kind India gave to Bangladesh, the US/West gave to Saudi Arabia, , Syria to Lebanon Tanzania gave to Uganda and which has happened in many countries in the world.

 

However the media will no longer be insighting hatred and praising ****** like Xasan Dahir and Sharif Ahmed. Now it will be President said this, PM said that, Police Chief did that and so on.

 

See every day the air is being sucked out of the anti0governemnt groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

How did i miss that? the mercy mission to put Somalia back on the map by killing the excess kids and mothers....that's hardly occupation.... it is rather an EXTERMINATION.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If one had love for the kids and women they would not have paraded them with weapons. Sent them on their way and then left them in the lurch.

 

The women and children were duped by clan fascists and terror lackeys.

 

The TFG is cleaning the streets, giving admins to the locals every where take Lower Shabbele and trying to get the kids schooling and jobs and a future. They are not making fake promises of war, heaven and such nonsence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this