Sign in to follow this  
Jacaylbaro

British Warships Arrive Berbera

Recommended Posts

Waaheen(Hargeysa) Maraakiib waaweyn oo ay diyaarado ka duulayaan oo ah kuwa dagaalka ee Dalka Ingiriiska ayaa goor dhaweyd soo gaadhay Dekeda Berbera

 

Sida ay dad goob joog ahi Waaheen u xaqiijiyeen waxa ay maraakiibtaasi joogaan meel u dhaw marsadaay ku xidhaan maraakiibtu, waxaana ka dul haadaya diyaarado Helicapter ah oo fadhiistay Madaarka Berbera iyo gudaha Dekedda, sidoo kale waxa iyana ka soo degay maraakiibtaasi laashash kale oo iyana ku soo xidhay dekedda

 

Ilaa hada ciddamadaasi kama ay hadal xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku toona, lamina garanayo ujeedada dhabta ah ee ay u yimaadeen, balse waxa ay u egtahay sida ay dadka goob jooga u ah dhacdadaasi sheegayaan inay yihiin Ciidamo badan oo wada hawlgalo baadhis iyo sahamin ah isugu jira

 

Ilaa hada wararka na soo gaadhayaana waxay intaa ku darayaan inay ciidamadda Ingirriska ee halkaas joogaa kulamo la yeesheen saraakiisha Ciidanka Badda, balse si rasmi ah looma oga waxay kawada hadleen.

 

Arrintani waxay ku soo begantay goor ay Hargeysa ku sugan yihiin wafti culus oo ka socda Dalka Denmark kuwaas oo uu hogaaminayo wasiirka Horumarinta iyo xidhiidhka Caalamiga ah Mr Sorn Pind iyo saraakiil kale oo katirsan Dawladda iyo Hay’adaha Dalkaasi

 

Waftiga Denmark oo saaka ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa wali ku sugan Caasimadda Somaliland waxaanay kulan la leeyihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyagoo intii ay joogeena indho-indheeyay meelo kala duwan oo ay degan yihiin dadka Qaxootiga ah ee Dalka Gudihiisa ku barakacay.

 

Tan iyo saaka intii ay waftigaasi soo degeena waxa si xoog ah loo adkeeyay Amaanka Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba markab oo kuwa dagaalka ah lagana leeyahay wadanka UK ayaa maanta barqadii amintii 10 subaxnimo ayaa yimi xeebta magaalada Berbera labadan markab ayaa waxa ka soo degay laba laash oo ay wateen saraakisha labada markab waxayna yimaadeen xarunta ama taliska ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland.

 

Saraakiisha Ingiriiska ah ee watay labada markab ee kuwa xanbaara diyaaradaha ee dagaalka ayaa waxa kula kulmay Taliska Ciidanka ilaalada xeebha Somaliland markii ay yimaadeen taliyaha Guud ee ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan taliye ku xigeena Ciidanka Booliska Somaliland C/raxmaan Fooxle Gudoomiyah Gobolka Saaxil Ramaax Cali Hayste iyo duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Carab .

 

Ilaa iyo hadda war faahfaahsan lagama soo saarin dhinaca Xukuumada Somaliland oo ku saabsan Labada Markab ee kuwa dagaalka ah ee ku soo xidhay magaalada Berbera .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this