Sign in to follow this  
me

Ethiopia Oo Damacsan Inay Isku Dhafto Ciidanka P/land iyo S/land Siloga Hortago

Recommended Posts

me   

Ethiopia Oo Damacsan Inay Isku Dhafto Ciidanka P/land iyo S/land Siloga Hortago

 

News(Laascaanood}18.11-06

wararka laga helayo ilo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maamulka uu madaxweynaha ka yahay Daahir Rayaale Kaahin uu ka meermeeray codsi uga yimid dowladda Itoobiya oo sheegaya in maleeshiyaadka Somaliland iyo maamulka Puntland oo colaad ba’ani dhex taalo ciidamadooda mideeyaan, iskana kaashaadaan ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee isku ballaadhinaya Soomaaliya.

 

Sida warku sheegayo maamulka labaxay Somaliland ayay u cuntami weysay in ciidamadeeda iyo kuwa maamulka Puntland ay isku biiraan, iyadoo maamulka labaxay Somaliland ay sheeganayso inay gebi ahaanba ka go’day Soomaaliya inteeda kale oo aysan waxba la wadaageynin, Puntlandna ay ka mid tahay Soomaaliya,

 

Sidoo kale waxay sheegeen masuuliyiinta maamulka hargeisa in maamul goboleedka puntland ay si'awood ah ku haystaan gobolada sool iyo sanaag suura galna aysan ahayn inta goboladaasi puntland ay kamid yihiin aysan wax heshiis ah lagalayn puntland .

 

Waxaa jira warar kale oo aan la xaqiijin oo sheegaya in ay ka fiirsanayso arrintaas, inkastoo ay danaynayso in ay arrimaha Soomaaliya faraha la gelin oo haddii la soo weeraro gaarkeed ay isu difaacdo, haddii qorshahan ay ka aqbasho Itoobiyana ay ka dhigeyso mid qeyb ka ah khilaafaadka Soomaaliya.

 

Widhwidh Online

 

--------------------------------------------------

 

With every step they take, they get themselves in deeper %%%%. They are falling and they are falling hard. I am going to enjoy teh show and get myself some popcorn, I hope they are around when I come back from the kitchen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this