Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Another Huge explosion in galkacyo

Recommended Posts

Galkacyo: Qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

15. november 2009

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- 07:23 Saacada magaalada Gaalkacyo qarax weyn ayaa ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo, kaas oo dhawaaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaalkacyo, waxaan la ogaan Karin halka uu ka dhacay, ayadoo ay sheegayaan in uu ka dhacay mid ka mid ah xarumaha laamaha amaanka ee magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana inta udhaxaysa Saldhiga iyo Qeybta Booliska ee magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay adag tahay xaqiiqada in la ogado meesha ay wax ka dhaceen.

 

Rasaas xoog leh ayay ciidamada dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo cirka urideen markii uu dhacay Qaraxan, waxaana dhawaaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaalkacyo.

 

Faahfaahin lagama hayo laamaha amaanka, waxaana ilaa hada aan wax hadal ah laga heyn Masuuliyiinta dawladda, APL oo isku dayday xiriir ay la samayso Saraakiisha amaanka ayay suuragalin, Hawada oo aad xun awgeed, markii ay ka bateen dadka oo dhan oo is-wacaya isna weydiinaya wixii dhacay.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Horseed Media

 

News Desk.

 

Inta la ogyahay 4-Askari ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray Qarax nooca gacanta laga hago kaasi oo lala beegsaday goob Isbaaro ah oo ay Ciidan ilaalo ah ay ka hayeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug Muuse Axmed Xasaasi oo goor dhowayd u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in qaraxaasi ay u soo qabteen hal qof oo ay ku tuhunsanyihin kaasi oo ay ka soo qabteen goobta u ka dhacay qaraxaasi.

 

Wuxuuna intaasi ku daray Taliyaha in xaalada goobta u ka dhacay qaraxu in ay tahay mid degan.

 

Mar uka jawaabayay Su’aal ay ahayd sababta ay ugu soo noq noqdaan qaraxyada magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in arimahaasi ay la wadaagan magaalooyinka Soomaaliya.

 

Waa qaraxi Saddexaad oo asbuucaan gudihiisa ka dhaca magaalada Gaalkacyo,iyadoo hore qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen magaalada oo ay ugu dambeysay mid lala beegsaday Xarunta Dowlada Hoose iyo weliba xarun ay Wasaarada Maaliyada Puntland ku leedahay Magaalada.

 

Si kastaba magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa marti u noqday dilal iyo qaraxyo isdaba joog ah.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahino dheere ayaa ka soo baxaya qarax qasaare geystay oo xalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax xalay fiidkii ka dhacay inta u dhaxeysa isbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo iyo saldhiga qeybta boliiska ee gobolka Mudug halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

 

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay lix qofood oo 4 ka mid ah ay ahaayeen ciidamadii goobta ku sugnaa iyo labo kale oo rayid ah kuwaasi oo halkaasi ku sugnaa.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa laga tuuray gaari yar oo nuuca raaxada kaasoo la sheegay in uu ka cararay wadada u dhaxeysa taliska qeybta booliska iyo isbitalka guud ee Magaalada Gaalkacyo.

 

Taliyaha qeybta booliska Maamulka Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo Muuse C/raxmaan oo la hadlay Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen ciidamada Puntland a ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan ruux la sheegay in uu ka dambeeyay bam gacmeedkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this