Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Wasiirka arimaha gudaha oo beeniyay qoraal uu faafiyay wargayska Haatuf

Recommended Posts

“Dawlada Somaliland Qoraal Iyo Aftoona Siyaasiyiinta Xidhan Kuma Ay Sheegin Hadhaagii Maxkamadaha Iyo Al-Qaacida”Wasiirka Arrimaha Gudaha S/Land

Hargeysa(Qaran)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali[Cirro] ayaa beeniyay oo meesha ka saaray warar sheegayay in Xukuumadu ay siyaasiyiinta xidhan ee Urur Siyaasadeedka Qaran ku shaambadaysay hadhaagii Maxkamadihii Muqdhisho ee lagu jabiyay dagaaladii ka dhacay Soomaaliyada qasan Bilihii la soo dhaafay.

 

Wasiirka Daakhiligu waxa uu War-saxaafadeed uu galabta soo saaray ku sheegay in aanay dawladu qoraal iyo aftoona Gudoomiyaha Qaran Dr.Maxamed Cabdi Gaboose Iyo Ku-xigeenkiisa kowaad Maxamed Xaashi Cilmi ku sheegin hadhaagii Maxkamadihii Muqdhisho.

 

Mudane Cabdilaahi Ismaaciil Cali[Cirro] waxa kale oo uu ka hadlay nooca dacwada loo haysto Hoggaamiyeyaasha Ururka Qaran ee sharciyadiisa la isku maandhaafay oo uu ku xusay inay tahay Dastuur-Jabin iyo wax uu ku micneeyay khal-khal gelinta Nabadgelyada Gudaha Wadanka,Warsaxaafadeedka Wasiirkuna waxa uu uqornaa sedan:-

 

 

“Tixraac maqaal ku soo baxay Wargeyska Haatuf Cadadkiisii 1483 ee 1/08/07,kaasi oo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ku qoray Maqaalka Ciwaankiisu ahaa(waxa aanu haynaa warbixino laga bixiyay xadhiga siyaasiyiinta Qaran oo odhanaya Maxamed Xaashi Iyo Gaboose waa hadhaagii Maxkamadaha).

 

Hadaba waxaanu beeninaynaa oo ummada reer Somali-land iyo Caalamkaba u sheegaynaa inayna Dawlada Somaliland marnaba odhan ,sheegin Qoraal iyo af-toona in nimankaasi siyaasiyiinta ah ee la xidhay aanaan ku sheegin inay yihii9n hadhaagii Maxkamadaha iyo Al-Qaaciida-toona.

 

Waxa wax lala yaabo ama laga yaqyaqsoodo ah in nin weyn oo masuul ahi uu ummada u sheego waxaan jirin,waxaana looga fadhiyaa cadaynteeda,haddii uu isagu wax ka ogyahay inay yihiin Hadhaagii Maxkamadaha ama Al-Qaacida anagu[Xukuumada] ma ogin ee waa wax isaga[Maxamed Kaahin] iyo iyaga[Gaboose Iyo Maxamed Xaash] u taala mana haboona in qof wax aanu ahayn lagu sheego.

 

Dawlada Somaliland waxay ku cadaysay Maxkamadana ugu gudbisay,waaranka lagu xidhayna ku qeexan in nimankaasi jabiyeen Qodobadii Dastuurka Qaranka,isla markaana khalkhal-geliyeen nabadgelyada gudaha ee Qaranka iyadoo sifo sharci ah loo soo maray qabqabashadooda,waxana ay ku eedeysan yihiin Qodobada 231 iyo 505 ee Xeerka Ciqaabta Guud,qodobadaas ninkii ku sheegay hadhaagii Maxkamadaha iyo Al-Qaacida waxa laga sugayaa inuu ummada u bayaamiyo ee aanu jahwareerin”.

 

Dhinaca kale qoraalka wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa ku soo beegmay,Todobada Cisho ka dib xadhiga sadexdaas siyaasi oo manta maxkamada Gobolku ogolaatay in shan cisho oo kale lagu sii hayo jeelka Madheera.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this