Sign in to follow this  
Rokko

Update: latest news from Kismayo

Recommended Posts

Rokko   

Interesting but sad na'mean. The poor defenseless people will suffer. That is all na'mean.

 

 

Just when we thought thangs were calming down, new clouds of worry and war are hanging over the innocent people of REER WAAMO na'mean. Morgans wants to go back to the peace process ... Hiiraale is on his way to Afmadow town to attack Morgan even though Morgan is not going to Kismayo. When will this personal rivalry between the warlords end na'mean. They say this personal hate of each other goes back to early 90's when Morgan deafeated Hiiraale's militia which tried unsuccessfuly to take the city from him 3 times. They finally defeated Morgan in 1999. The coalition (USC/SNF) building against Morgan goes back to Caydiid days when Caydiid was defeated and kicked out of the city by Morgan n'mean. It will never end na'mean.

 

If Hiiraale goes to Afmadow and attacks Morgan, the peace process will collapse na'mean. I think they should let Morgan go back to the peace process and stop this rivalry bull na'mean. It is not worth the lives of innocent people like others said na'mean. According to most news websites, Morgan is well armed and can't be defeated without a great loss na'mean.

 

Cabsi laga qabo Barre Hiiraale inuu dagaal ku qaado fadhiisamada Jenaraal Morgan

Faarax Cumar

September 10, 2004

 

Muqdisho (HIMILO) - Maleeshiyooyin ka kooban Isbahaysiga Dooxada Jubba uuna horkacaayo Gudoomiyaha Dooxadaasi Barre Aadan Hiirale ayaa waxay u talabeen deegaanada la sheegey in Jeneral Morgan fadhiisimo cusub uu ka samaystey.

 

 

Barre Hiiraale oo dhowaan safar dhinaca dhulka ah kaga yimi dalka Kenya ayaa waxaa uu magaalada Baardheere oo uu abaabul dagaal ka soo galey uu hore uga soo kaxaystey Maleeshooyin ay isku hayb yihiin kuwaas oo wata baabuurta dagaalka.

 

 

Hiiraale oo la sheegey in maanta uu gaarey magaalada Kismaayo halkaasna ay kaga biireen Maleeshiyooyin kale oo Muqdisho ka tagey waxaa uu isla maanta halkaa uga talaabey dhinaca galbeedka magalada oo ay doonayan iney ka weeraraan Maleeshiyada Jeneral Morgan.

 

 

Weerarkii colaadeed ee todobaadkan lagu tilmaamayay Jeneraal Morgan inuu ku soo qaadayo Magaalada Kismaayo ayaa haatan waxaa uu isu bedeley in Barre Hiiraale uu haatan asagu doonayo inuu dagaal ku qaado goobaha ay saldhigyada ka dhigteen Maleeshiyada Morgan.

 

 

Barre Hiiraale oo Xidhibaan ka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhowaan Kenya lagu sameeyay ayaan naf ahaantiisa la filayaa iney guddiga dawladaha Igad ee shirka Soomaalida ay ka soo saaraan qaraar ku eedeynaya inuu jebiyay heshiiskii colaada iyo inuusan ka fasax qaadan Gudidaas.

 

 

Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi ( Morgan ) aya saga ogolaadey inuu ku noqdo shirka Soomalida ee Kenya ayadoo tasna ay cadeeyen gudiga fududaynta dawladaha Igad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

8 gaari oo nooca dagaalka oo ay soo direen Ganacsato reer Muqdisho ah.

By RM Posted to the web 10-09-2004, 21:46:36

 

Kismaayo:-Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay gaareen 8 gaari oo nooca dagaalka ee loo yaqaan Tiknikada oo ay soo direen ganacsato reer Muqdisho ah ee lagu kala magacaabo Ini Deelaaf iyo Yuusuf Indha Cadde.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidanka saran gawaaridaas ay riradoodu dhan tahay 40 nin, waxaa sidoo kale magaalada Kismaayo tegay Xildhibaan Barre Hiiraale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horayna u ahaan jiray Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba, waxaana weheliyey Saddex Gawaarida Tiknikada ah oo uu kala yimid dhinaca degmada Baardheere.

 

Ciidamadan soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa taageerayaasha Isbahaysigu si weyn ugu farxeen una soo dhoweeyeen, waxayna u gudbeen dhinaca Koonfureed ee magaalada, Barre Hiiraale Shire iyo Isbahaysigiisa ayaa sheegay in ay aadayaan Helusingo oo ah meesha ay joogaan ciidamada Gen. Maxamed Siciid (Morgan).

 

Dhinaca kalena, saldhiga ugu weyn ayuu Gen. Moorgan ciidamadiisa uga sameeyey

deegaanka Helosingu, waxaana jira warar xaqiijinaya in ciidamada Generaal Moorgan ay soo gaareen meel lagu magacaabo Kanjiroon oo 70 Km u jirta magaalada Kismaayo.

 

Warku wuxuu intaas ku daryaa in cududa Milateri ee Gen. Morgan ay tahay mid aad uga sareysa tan ay ciidamada Isbahaysigu doonayaan in ay kala hortagaan, mudadii ay joogeen deegaanka Holisingu ayaa Gen. Moorgan waxaa u suurta gashay in ay ku soo biraan ciidamo iyo gaadiid tira badan oo dadka deegaanka Af-madow iyo deegaamada ku hareeraysani ay ku biiriyeen xoogga ciidamada Gen. Moorgan.

 

Arrintu siday doonto ha ahaatee, ma jiraan ilaa iyo iminka wax dagaal fool ka fool ah oo Labada dhinac ay isku herdiyeen, laakiin waxaa jirta cabsi laga qabo in ugu danbeyn ilaa beri waaberiga uu dhici karo dagaal kharaar oo Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo xooggaga Gen. Moorgan fooda isku daraan.

 

Isha Wararka:Radiyo Midnimo

Xuquuqda Daabacaada:Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Col.Barre Hiraale oo wato Ciidan Xoog Leh Oo Lagu Soo Dhaweeyay Kismaanyo Una Baqoolay Xagga Dhanka Dhoobleey

 

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaarayo magaalada Kismaanyo ayaa sheegayo in Col Barre Adan shire oo wata ciidan lixaad leh oo saakay soo gaaray magaalada Kismaanyo uu kulan deg deg ah kula qaatay sarakiisha sar sare ee Isbahaysiga Dooxada Jubba garoonka diyaaradaha oo ku yaalo duleedka magaalada kana mid ah fariisimaha Isbahaysiga Dooxada Jubba.

 

Col.Barre Hiraale oo si aad ah loogu soo dhaweeyayay magaalada Kismaanyo islamarkaana wata dhaaman ciidammo kasoo jeedo jubooyinka ayaa dadweynhihii soo dhaweeyay u sheegay inaysan wax cabsi ah ka qabin ciidamada la buubuuninayo oo la sheegayo inuu wato shaqsi nabad diid ah isagoo sheegay inay soo qaban doonaan una dhiibi donaan Beesha Caalamka.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xildhibaan Col barre Adan Shire oo wato ciidan lixaad ah oo kuhubaysan hubka noocyadiisa kala duwan uu markiiba u ambabaxay dhinaca Dhoobleey oo la sheegayo inay ku suganyihiin ciidammo aan badnayn oo uu wato Gen.Max`ed Siciid Xirsi Morgan.

 

Dhanka kale Gen.Mooragan oo ay guddiga Fududaynta IGAD ku soo rogeen cunqabatayn xagga socdaalka ah islamarkaan beesha caalamka ka codsaday in cunqabataynta laga qaado ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ku suganyahay tuulada Hoosunguu.

 

Sikastaba ha ahatee maraan la xiriirnay abaanduulaha Isbahaysiga dooxada Jubba Col.Cabdullahi Sheekh Ismaciil ayaa sheegay in xaalada magaalad ay caadi tahay isla markaana goobihii ganacsiga ay caadi u shaqaynaya isagoo uga digay diyaaradaha rayidka ah inaysan ku dagin goobaha uu ku suganyahay Gen.Morgan.

 

Xafiiska Gedonet

Kismaanyo-soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

IGAD oo Qorshaynaysa inay Xayiraad dhinaca Socdaalka ah ku soo rogto Barre Hiiraale oo uga soo baxday Madasha uu Shirka Soomaalidu ka socdo inuu abaabul Dagaal ka dhan ah Moorgan.

 

Nayroobi - 10 September 2004 – [Mudugonline] Urur Gobaleedka IGAD ayaa qorshaynaya sidii ay Tallaabo uga qaadi lahaayeen Xildhibaan Barre Hiiraale oo iyadoo aysan IGAD ka warqabin Safar ugu ambabaxay Gudaha Somalia. Isla markaana wada Abaabul Dagaal oo uu ku doonayo inuu ka weeraro ciidamada Gen Moorgan oo uu horey uga qabsaday magaalada Kismaayo.

 

 

Danjiraha Dawladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa xaqiijiyay inay ka arrinsanayaan sidii ay uga qaadi lahaayeen Tallaabo Col Barre Hiiraale. Wuxuuna sheegay in Tallaabadda la qaadayo Barre Hiiraale ay la mid noqon karto tii laga qaaday Gen Moorgan.

 

 

Afeey waxa uu sheegay in Barre Hiiraale ay isaga shaqsiyan isku arkeen Nairobi uuna ka codsaday inuusan xilligan u ambabaxin Gudaha Somalia. Isla markaana ay Moorgan Beesha Caalamka tallaabo adag ka qaadi doonto. Wuxuuna ii ballanqaaday inuu sii joogi doono Madasha uu ka socda Shirka Soomaalida. Laakiin waxa uu sheegay inuusan garanayn waxa iska badalay Ballantii ay wada galeen Kornaylka.

 

 

Afeey oo hadaladiisu ay isugu jireen Digniino iyo Baaqyo ayaa ka codsaday Barre Hiiraale inuusan qaadin wax dagaal ah. Isla markaana iska illaaliyo inuu Weerar ku qaado Moorgan oo aan soo gaarin goobaha ay ciidamadiisu joogaan. Wuxuu si gaar ah u waydiistay Barre Hiiraale iyo Moorgan inay Abaabulkooda Dagaal u badashaan Wada Hadal.

 

 

Barre Hiiraale ayaa haddii laga qaado Tallaabo la mid ah tii Moorgan waxa uu noqonayaa Hogaamiyihii Labaad ee Soomaali ah ee lagu soo roggo Xayiraad dhinaca Socdaalka ah. Waxaana ay u noqon doontaa Tallaabada laga qaado Hogaamiyahan Tusaale Qabqablayaasha kale ee Soomaalida ah. Isla markaana ku lugta leh Abaabuladda Dagaal Doonka ah ee ka socda Somalia.

 

Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrikaâ€

Mogadishu, Somalia

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Mobb Deep stop praying for a war that will destroy thousands of innocent people :rolleyes:

 

Barre Hiiraale has strict orders from his sub-clan not to attack, but to defend himself if Morgan attacks.

 

There won't be a war, or I hope so, and if you must know neither Morgan nor Hiiraale will suffer any consequence from IGAD as the regional body wants the talks to succeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

HornAfrique, you now I want something to come out of Nairobi and if there is a war, there will probably be nothing na'mean.

 

I hope ya feel the same.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo iyo wararkii ugu danbeeyey

 

Friday, September 10, 2004 - 11:22 AM

 

Dagaal galabta ka dhacay Duleedka magaalada Kismaayo iyo dhaawac la keenay Isbitaalka Kismaayo (Wararkii ugu danbeeyey)

Muqdisho:- Warar deg deg ah oo naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal culus uu galabta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, dagaalkan oo ay isaga horyimaadeen Gen. Morgan iyo Col. Bare Hiiraale.

 

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Jidka u dhaxeeya Buulo Xaaji iyo Kismaayo goobtaasi oo la sheegay in dagaalkan uu khasaaro dhimasho iyo dhaawacba ah ka yimaadeen.

 

Mar aan khadka Isgaarsiinta Satelite Phoneka kula xariirnay saraakiil kamid ah ciidamda Gen. Morgan ayaa ka gaabsaday in ay wax faah faahin ah bixiyaan.

 

Hasayeeshee wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay labada ciidan si kadis ah isaga horyimaadeen Jidka u dhaxeeya Buulo Xaaji iyo Kismaayo.

 

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu qaaday Col. Bare Hiiraale oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.

 

Col. Bare Hiiraale oo wata ciidamo lagu qiyaasay 500 ayaa galabta uga baxay Magaalada Kismaayo dhanka Airporka oo la sheegay in lagu arkay sahanka ciidamada Gen. Morgan.

 

Wararka ugu danbeeyey oo kasoo baxaya Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Col. Bare Hiiraale ay dib ugu soo noqdeen magaalada.

 

Ciidamadan ayaa keenay dhaawac la sheegay in uu ka yimid goobta dagaalka, waxaana sidoo kale ay ciidamadan wateen labo gaari oo tikniko ah oo burbur kasoo gaaray dagaalada.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada Gen. Morgan ay gacanta ku dhigeen 3 gaari oo ah nooca tiknikada ah oo ay lahaayeen ciidamada Dooxada Jubba.

 

Ciidamada Morgan ayaa lagu soo waramayaa in ay kusoo durkeen magaalada ayna ku sugan yihiin meel u dhow Airporka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

 

Wixii war ah oo soo kordha gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaan Haduu Alle Idmo

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Gen. Morgan oo beeniyey in ay dhaceen wax dagaalo ah iyo Sarkaal kamid ah Dooxada Juuba oo sheegay in ciidamada...

 

September 10, 2004 - 02:38 PM

 

Muqdisho:- Waxaa noo suurto gashay inaan khadka taleefonka kula hadalno Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan kana wareysano wararka sheegaya in uu dagaal maanta dhacay.

 

Gen. Morgan oo daqiiqado kooban Wariyaha HorseedNet ee Muqdisho kula hadlay khadka sateliteka ayaa sheegay in aysan maanta dhicin wax dagaal ah oo weyn.

 

Jenanka ayaa sheegay in ay ku sugan yihiin goobahoodii isla markaana ay iska difaaci doonaan wixii ku soo xadguba.

 

Jenanka ayaa intaa ku daray in ay la socdaal dagaal kusoo wajahan oo uga imaanaya dhanka Kismaayo, asagoo ka gaabsaday inuu sheego goorta uu dagaalkaasi dhici doono.

 

Dhanka kale sarkaal kamid ah Ciidamada Dooxada Jubba oo aan khadka fooniyaha magaalada Kismaayo kala xariirnay ayaa sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo maanta dhacay balse ay jiraan shilal ka dhacay jidka Kismaayo ka baxa ee dhanka Muqdisho balse aysan wax lug ah ku laheyn dagaal.

 

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa saadaaliyey in dagaal dhexmara Gen. Morgan iyo Garabkooda ay tahay mid hubaal ah asagoo markaa carabka ku dhuftay in ay ciidamadooda u dhaqaaqeen dhanka magaalada Buulo Xaaji.

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay labada ciidan caawa isku horfadhiyaan Buulo Xaaji oo 74km dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo.

 

Dhanka kale warar madax banaan oo aanu ka helnay qaar kamid ah ganacsatada Kismaayo ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka muuqato fawdo ayadoo ay jiraan dhac ka socda magaalada iyo amaan xumo.

 

Wararkan ayaa intaa ku daraya in la filayo in wakhti dhow uu dagaal ka dhaco goobta loo yaqaan Buulo Xaaji isla markaana, ayagoo intaa ku daray in Col. Bare Hiiraale iyo saraakiisha Dooxada Jubba ay caawa ku maqan yihiin deegaankaasi.

 

Xubnahan ayaa sheegay in ay jiraan iska horimaadyo ka dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada kuwaas oo dhex maray tikniko kasoo baxday magaalada Muqdisho iyo maleeshiyooyinka deegaanka Jilib oo halkaa iska horimaad yar uu ku dhexmaray, iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay 6 dhaawac ah oo labo kamid ah dhaawacooda culus yahay.

 

Isku soo duuboo waxaa la saadaalinayaa in dagaal dhex mara labada ciidan ee kala hogaaminayaan Gen. Morgan iyo Col. Bare Hiiraale uu soo dhawaaday ayadoo ay labada ciidan caawa is hor fadhiyaan.

 

Wixii war ah oo soo kordha gadaal ayaan idiinka Soo gudbin doonaa haduu Alle Idmo

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

These are the classic actions of occupiers. They will only succeed in turning the native inhabitants of every town and village against them.

 

Ilaahi ha u naxaaristo.

 

 

Maleeshiyada Xildhibaan Bare Hiiraale oo labo nin oo reer Miyi ah ku dilay Buulo Xaaji

 

Muqdisho:-

 

Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in deegaankaasi weli ka socdaan xiisadaha colaadeed, ayadoo hada la soo xaqiijiyey in ciidamo uu wato Col. Bare Hiiraale ay dileen labo nin oo rayid ah.

 

Labadan nin oo u dhashay [Reer Nugaal] dega gobalka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in ay toogteen maleeshiyada Xildhibaan Bare Hiiraale oo shalay gaaray deegaanka Buulo Xaaji oo 74km u jira magaalada Kismaayo dhankeeda Koonfureed.

 

http://www.horseednet.com/modules.php?op=modload&name=News&file=article&sid=2291&POSTNUKESID=45afe91f6f0ad3e9be085ab37bac4c7d

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this