Sign in to follow this  
BiLaaL

Qudbad qiimo badan oo uu soo jeediyay Sh Shariif

Recommended Posts

BiLaaL   

Qudbad qiimo badan oo uu soo jeediyay Sh Shariif

 

 

Muq, 26, 07, 07 (M-Shacabka)

 

Qudbad aad u qiira badan ayuu Qadka Taleefanka uga jeediyey Shacabkii ku dhageysanayey Magaalada Stokhlom e Dalka Swedan Shiiq Shariif tasoo ay hawadana kala socdeen Kuman yaala Dad ah oo aad ugu hamoon qabay Hadalka Amiirka Islaamka Shiiq Shariif Shiiq Axmed oo isagu hadalkiisa ku fur furtay Duca uu u duceeyey Shuhadadii Dagaalka Galada ku Shahiiday iyo intii ku Dhaawacantay iyo Agoonta ay Shuhadada ka tageen isagoo alle uga baryey Naxariistiisa.

 

Qudbada Shiiqa oo aan qaar idiinkaga soo diyaarinay ayaa sidan ah

 

Shiq Shariif mar uu ka hadlayey cida Umadda Somaliyeed la dagaalantay iyo Xilka saaran Maanta Sahacabka wuxuu yiri

 

"
Qola la arkaa Maalin ayuu Xilku saaran yahay Gumeysigii hore Waqtigiisii Dadkii joogey xilkii saarnaa Maanta anaguu na saaran yahay
, Gumeysiga kii shalay waa ka qatarsan yahay Xaqiiqa ahaan waadna ogtihiin Dagaalka mesha ka dhacay in aysan aheyn Nimankaas dowladnimada sheeganayo dagaal ay wadaan ama dagaal ay kaligoo ku jiraan ee dagaalkooda waadla socotiin Ilaahaa mahad lahee dhinacooda markaan ka qiimeyno waxaan joognaa Guul.

 

Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxaakiimta oo ay aad ugu dhag raaricinayeen Shacabkii ka dhageysanayey hawada ayaa ka hadlay sida Alle uga bad baadiyey Dabinkii Gumeystaha rabay oo aysna usuuragalin Sii uu udoonaayey isagoo yiri

 

"Runtii gacan ku heynteenii ay ka baxday Magalooyin badan waa arin jirta lakiin waxaa meesha ku jirta in Cadowgu sow rabay in Ilaahey nooga bad badiyey waa arin mesha ku jirta".

 

Maruu Amiirka Islamka amaanyey Umada Somaliyeed isku duubnidooda waxa uu Shiiqu yiri

 

"sidaa soo kale sida Umada somaliyeed sidey u nooshahay Maanta xayiga u tahay qatartana uwada dayeeysa arintaas waa martaba weyn, sidaan ka hor Somali isku meel umawada jeedin isku Fikir ma eheen lakiin Maanta Somali %95 waxaa la dhihi karaa somali isku meleey ujeedaa waa Nimco waana in aan Ilaahey ku Shukrinaa Nabi Muxamed SCW waxaa uu Ilaahey ku yiri Dadka Quluubtooda iskuma duwi kartid Ilaahey ayaa isku duwi kara.

 

Qudbadan oo ah mid tariiqa ayaa Shiiqu kaga hadlay sida Gumeystaha uusan ugu kala rooneyn kuwa Dabadhilifka u ah iyo kuwa ay rabana in ay Gumeystaan wuxuuna taa ka yiri

 

"Gumeysiga cidna Dan uma ahan kuwa Maanta la socdaa Xaqiiqa ahaan Dan uma ahan Maanta"

 

Shiiq Shariifa Alaha Dhowree maruu ka hadlaayey ujeedooyinka ay higsanayaan wuxuu yiri

 

"Maanta anaga waxaa Sharaf noo ah Umada Soomaaliyeed oo Xor ah umada somaliyeed oo aayaheeda ka tashaneysa Umada Soomaaliyeed oo Nabada oo xaga iyo xagaa isku dhex mareysa oo Gacmaha is heysata Hadalka ugu horeya o aan anaga hadaf ka dhiganeyna aa kaas ah iyo hadafalka ugu weyn oo ah Ridaha Ilaahey oo aan helno.

 

Amiirku mar uu ka hadlayey sida ay ufiican tahay in Alle dartii wax badan loo qabtaa si loo guuleysto Janadiisana loo helaa si looga fogaado Bur bur ayuu ku yiri Umada Soomaaliyeed ee dhageysaneysay

 

"Waxaad la socotiin Nabi Muxamed Saxabadiisa Beycooyinka uu la galaayo dhamaantood waxa loo yaboohi jiray waxa ay ahaayeen Janno Nabiyow hadaan Nafteena bixino hadaan Maalkeena bixino maxaan leenahay? Janaad leedihiin, Janna wax ka weyn malahan marka Halganadii hore waxaa baa`biyey waxa ay ahayeen in Qof la arkaba is leeyahay Mansabaad heleysa qof la arkaba is leeyahay Lacagaad heleysaa Halgankaan oo kale hadii Madaxtinamo Jaceyl iyo Xoola jaceyl soogalaan waa Baa`ba`aa sida Nabigu noo tilmaamay SCW"

 

Shiiqa oo ka faaloonaya Qayaanooyinka uu Gumeystaha isticmaalo iyo is badal badalkiisa isagoo ka digaaya Umadana u tilmaa`maya waxa looga baahan yahay ayuu yiri Rabi hadhowree Shiirq Shariif

 

 

"Cadowga wuxuu isku dayaa si walba Dariiq walbuu kasoo galayaa, mar uu ku yiraah waa kula hadlaa mar uu Xoog isku dayo inuu kugu dar daro,marb Dariiqo ow is leeyahay waa marikartaa uu kusoo maraa, aduunyadaana Imtixaankeeda waa iska badan yahay, muhiimkeeda waxow yahay in ay cadahay taayada ama mesha loo socdo ama hadafla ujeedada la leeyahay iney cad yihiin tasaa u muhiimsan iney haatan midowdo iney nabad ku wada noolaato hormarkooda ka wada shaqeyso tasaa hadaf noo ah oon rabnaa inaan gaarno ilaahey idinkiisa, ma anagaa arinkaa Xaqiijineyna mase kuwa naga danbeeya arinkaa xaqiijinaaya? arinkaa arin aan ognahay ma ahan, anaga waa in Hadafkeena cad yahay kuna Da`daalnaa in aan Xaqiijino laakain waxaa adiga ku saaran da`daal waxaad bixin kartid inaad bixiso.

 

Markale ayuu Amiirka u tilmaamay in waxa na heystaa yihiin Imtixaan nalookaga baahan yahay in aan Dhabaha Alle qabsanaa isagoo markaa tusaya Jidka guusha iyo waxa uu yahay Hadafka Shacabka Soomaaliyeed ee uu Gumeystaha Qabsaday ayuu yiri Shiiq Shariif

 

"Dhamaanteen waa in Hadafkeenu noqdaa in aan Umadaas Xorowdo iney Nabad ku noolaato iney Ilaaheeda raali galiso awoodkasta uu Biniaadamku sheegtaa Ilaahey ayaa ka awood badan subxaanahuu watacalaa, Aduunkana waxa Dowlada soomaray ee wax is biday ee Ilaahey haligay Xisaab malahan, Ilaahey agtiisana waxba kuma ahan in Cadowgana haligo lakiin anagaa nala Imtixanayaa Xariga maku dhaganaaneynaa mase waa siideyneynaa, Xarigaan Ilaahey aan qabsano Midnimadaa Guul lagu gaarikaraa kasaa Umad Sharafnimo lagu soo celinkara karaa".

 

Gudoomiyaha Golaha Fulintta Shiiq Shariif markale ayuu tusayaa Shacabka in ay Guushu dhowdahay wuxuuna leeyahay Amiirku

 

"Qadiyada Maanta hadii ay cuslaato Bari wey Fududaaneysaa Laba Maalin Dabeesha i isku mid ma ahan, maalinkaan Xamar kasoo baxnay iyo Maanta isku mid ma ahan wax badan ayaa is badalay hadii aan Da`daalana waa isa sii badalayaan marka Ducadana iyo da`daalkaba aan badino tasaa lagama maarmaan ah".

 

Markale ayuu Shiiqa Allaha dhowree uqeexay waxa umada Horyaal ee ujeedkeedu yahay isagoo yiri

 

"Waqtigaan Xaadirka waxaa na Horyaal in aan Dalkeena Gumeysiga ka Xoreysano Umadeena in ay Sharaf iyo Cadaalad ku Noolaato waana in aan taas ka dhignaa ujeedkeena kowaad".

 

Shiiq Shariif oo amuura badan ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in dhawaantn ay bilaabi doonaan Dhaq dhaqaaq kooban oo ah mid Siyaasadeed isagoo umada Soomaaliyeed ku booriyey in ay uguntadaan sidii ay Dalkooda uga xoreyn lahayeen Cadowga Gaamurey, iyadoo intii Qalqi aheyd ee kala socotay Alada Enternetka iyo intii fadhiday Swedan Magalada Stokhlom ay ku wada Qiiroodeen sida uu Alle Subxaanahuu watacalaa usoo xusuusiyey iyo sida uu Shiiqa ugu tilmaamay qatara ku beegan umada iyo Halganka iska caabinta ah ay hada wadaan Shacabka Somaliyeed oo ay hor kacayaan Muqaawamada.

www.m-shacabka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wish he would go back and fight ,,,,,,, not to stay in 5-star hotel and do some distance muxaadarooyin ........... he can do that in the bush whil fighting no ???

 

just like Osama Bin Laden ,,,,,,,,,, that is the man

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^haye, labadiinu ma is aragteen?

 

Isagu hadal fiican oo dardaarana oo diiniyan ah ayuu ka hadlay, laakin idinku bal waxaan dhakh dhakh iyo qosol bilaa macnaa mooyee waxkale mahaysaan ?

 

Shiekh Shariif Axmed, Ilaahay ha daayo waa nin fiican oo sharaf ka leh xaga Ilahay iyo xaga dadka fiican ee Muslimka ah.

 

viva the Shiekh. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

The good sheikh should not have abondaded his team, and seek refuge outside the country, Sheeko waxa ay taala wadanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Originally posted by Muj. Red Sea:

^haye, labadiinu ma is aragteen?

 

Isagu hadal fiican oo dardaarana oo diiniyan ah ayuu ka hadlay, laakin idinku bal waxaan dhakh dhakh iyo qosol bilaa macnaa mooyee waxkale mahaysaan ?

 

Shiekh Shariif Axmed, Ilaahay ha daayo waa nin fiican oo sharaf ka leh xaga Ilahay iyo xaga dadka fiican ee Muslimka ah.

 

viva the Shiekh.
smile.gif

Mujahid, Makaa dhabbaa ducadaasi???? Mida labaad taayada intaad ka baxdid. Gaadhiga dhinac ka qabso. Annagu Hobollada Waaberi ayaanu ka tirsanahaye adigu huuno kooxdee u ciyaartaa ???

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Sheikh is like the former speaker of parliament Sharif Hassan Sheikh Aden (aka Sharif Lugooye). They talk big and boast their plans and predictions but barely deliver since - drumsticks - their powerless refugees.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is better Action with talk ,,,, but i don't like talk without action

 

now call the sheekha and tell him to come to the field and spend some time with his team aka maxkamadaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

You have the understand the politics of these things. Sheikh Shariff was always the poster boy of the I.C.U. Thus he is the only one that commands respect and admiration among sections of the somali public. Therefore it is not wise to leave him on the battlfield. Do you think Dahir Aweys, Ceyrow or Indhacade will convince people to support them from Sweden, England or U.S.A. Just imagine, " today walayal, we have sheikh ceyrow from Somalia". Meesha wa lagu kala cararaya. You see, Shariff is a valuable asset in terms of public relations and propogands wise! He is their link to the rest of the world.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Oo dadka maxaad propaganda iyo been u shegeysiin oo ooga baahantihiin hadii aad ogtihiin in mashruciina cadaalad yahay, mise meesha laf jaban baad ku qarinaysiin?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

I am not a spokeman for the I.C.U, but i do know that propoganda is a part of war, for you can win the heart of a man who was against you. Believe me Sheikh Shariff is better of speaking at Muxadarro and getting people to support than in the jungle with army gear........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this