Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Suicide bomber strikes killing many civilians.

Recommended Posts

Muqdisho: Al-Shabaab oo sheegatay iney ka danbeysay qarax is-miidaamin ah oo shacab fara badan ay ku la’deen

24. Januar 2009

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen gaadiid iyo ciidamo ka tirsan AMISOM.

 

Dadka geeriyooday oo ahaa rayid saarnaa Gaari Bas nooca dadweynaha qaada oo halkaasi marayey, ka hor inta uusan qaraxa sameyn gaariga ayaa waxaa wadada ku joojiyay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda, si loo baaro gaariga, waxaana darawalkii waday uu markiiba qarxiyay gaarigii xili gaariga dadweynaha waday uu marayey dhinaciisa, waxaana ku geeriyooday 13 qof oo haween, rag iyo caruur isugu jirtay halka Askarigii gaariga qarxay iyo darawalkii waday ay iyaguna ku dhinteen,

 

Afhayeen u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qaraxaasi ismiidaamin ah ay ka danbeeyeen isla markaana ay ku guuleysteen hadafkoodii oo ahaa iney waxyeelo gaarsiiyaan ciidamada AMISOM, balse wax khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray oo ilaa iyo hada jira la ogeyn marka laga reebo burbur yar oo soo gaaray gaadiidkii AMISOM ee halkaasi yaalay.

 

Dhinaca kale waxaa beeniyay oo qaraxaasi ka hadlay Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika Capt. Barigya Bahako oo sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid waxashnimo oo lala beegsaday shacab, isla markaana waxaa uu ku eedeeyay kooxihii ka danbeeyay in ay xasuuq u geysteen shacab aan waxba galabsan, isagoo xaqiijiyay in aysan wax khasaare ah soo gaarin ciidamada Midowga Afrika ee qorshuhu ahaa in lala beegsado qaraxaasi.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee qarax noocaan oo kale ah lala beegsado dad rayid ah, iyadoo sidan oo kale bartamihii sanadkii hore lala beegsaday qarax miino Haween fara badan oo ka shaqeynayey nadaafadda wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, qaraxaasi oo sababay geerida in ka badan 20 haween ah iyo dhaawac fara badan.

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inka badan 14 qof oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Saturday, January 24th, 2009 at 2:39 pm

Horseed Media

 

Muqdisho

 

 

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay qarax aad u ballaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

 

 

Qaraxaasi dhacay waxa uu ahaa weerar Ismiidaamin ah oo loola dan lahaa ciidamada Midowga Afrika ee fariisinka ku leh magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska KM4.

 

 

 

Goob jooge ku sugnaa meel ku dhow bartii weerarka uu ka dhacay ayaa Horseed Media u sheegay inuu indhaha saaray gaari laga oo buuxiyay waxyaabah qarxa oo si u xun u gubtay.

 

 

 

Waxaa cirka isku shareeray ayuu goobjooguhu yiri qiiq aad u madow iyo holac ka dib markii uu qarxay baabuurka, iyadoo dad badanna ay dhulka daadsanaayeen kuwaasoo isugu jiray kuwo dhintay iyo kuwo dhaacmay.

 

 

 

Gaarigaasi waxa uu qarxay ka dib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda kmg ah uu joojiyay baabuurka miineysnaa, balse askarigii iyo kuwo kale oo rayid ah waxaa galaaftay qaraxii uu sameeyay baabuurkaasi.

 

 

 

Dadka dhaawaca ahaa ee Isbitaallada loola cararay waxaa ay tiradoodu gaartay inka badan 20.

 

 

 

Ilaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay weerarkaasi oo loola dan lahaa in lala beegsado ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, inkastoo kooxda al-Shabaab ay horey wacad ugu martay in ay weerari doonto Itoobiyaanka ka dib ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

 

 

Ciidamada Midowga Afrika ayaa iyaguna qaraxaasi ka dib la sheegay in ay dhowr jiho u rideen madaafiic culculus.

 

 

 

Waa weerarkii ugu cuslaa ee lagu qaado ciidamada Midowga Afrika tan iyo markii ciidamada Itoobiyaanku ay ka baxeen magaalada Muqdisho horraantii bishan.

 

 

Waxaa goobta uu qaraxu ka dhacay ka dib soo gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa Amisom iyo dadweyn tiro badab oo si mutadawacnimo ah u daabulayay dhaawacii iyo maydadka dadkii ku dhintay qaraxyada.

 

 

 

Goobta ay dadku ku dhinteen waxa ay ahayd goob argagax iyo naxdin leh iyadoo dadka qaarkii maydadkooda ay si xun u googo’een.

 

Dadkan dhintay ayaa qaarkood la soday gaari bas ah oo goobtaasi taagnaa oo u ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha, waxaan qaarkood ay ahaayeen dad ka soo kalahay xaafadohoodii iyagoo u xoogsi tegi lahaa Suuqa Bakaaraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabaabka Fal Is-Qarxin Ah Ka Fuliyay Muqdisho

23 January, 2009 04:35:00 Toronto

Font size:

 

Muqdisho,24-Jan-2009:-Shaqsi ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaabka oo waday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta barqadii kula beegsaday bar kontrool oo ay ku sugnaayeen Ciidamaada Boliiska Dowlada KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM, kuwaasoo taagnaa Isgoyeska Shaqaalaha, fal is-qarxin ah, waxaana la sheegay in xiligaasi uu halkaasi uu taagnaa gaari bas (Caasi ah ) oo rakaab rayid ah saaran yihiin, waxaa la sheegay in khasaare xoogan uu u geystay gaarigaasi Baska ah, iyadoo ilaa hadda la sheegin khasaare soo gaaray AMISOM.

 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in baskaasi qaraxa lagula beegsaday ay ku geeriyoodeen ilaa 14 qof oo rayid ah kuwaasoo aan waxba galabsan, waxaana la sheegay iney xiliygaasi taagnaayeen wadada bartamaheeda oo isbaaro u tiilay qeybo ka soo horeeya Ciidamada AMISOM oo Boliis Soomaali ah, kuwaasoo hakiyay gaarigii uu waday qofka naftii hurka ahaa, wararka ayaa sheegaya in gaarigiisii noociisu ahaa Rooned halkaasi oo qarax weyn uu ka geystay, kaasii burbur xoogan u geystay Gaarigii baska ahaa ee ay saarnaayeen Rakaabka kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac xoogan ka soo gaaray qaraxaasi, Qaar kamid ah dadki ka ag dhawaa goobahaasi ayaa ku waramay inuu gubtay gaarigaasi, ilaa hadda lama sheegin khasaare ka soo gaaray Ciidamada AMISOM halkaasina ka dhowaa kaasoo loo waday falkaasi in lagula beegsado, inkastoo intii uusan gaarin uu qarxay gaarigaasi walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Ciidamada AMISOM ayaa oodda ka qaaday rasaas xoogan oo aan loo meel dayin kadib marki qaraxu dhacay waxaana ay taasi keentay in ay dad badan oo rayid ah wax ku noqdaan kuwaasi oo goobtaasi ka ag dhawaa, iyadoo sidoo kale Madaafiic badan ay ku duqeeyeen aaga badan oo ay ka mid yihiin Suuqa Bakaaraha oo la sheegya iney 3 qof oo rayid ah ku geeriyoodeen iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: 20 qof oo ku dhintay Qarax iyo dagaalo

24 Jan 24, 2009 - 7:17:27 AM

 

Ugu yaraan 20-qof oo uu ku jiray ruux ismiidaamiyay ayaa ku dhintay Qarax ismiidaamin ah oo lala damacsanaa in lagu weeraro ciidamada AMISOM iyo dagaalo xigay.

 

Askari ka tirsan booliiska oo joojiyay gaariga walxaha qarxay ay ku rarnaayeen ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay qaraxaas ismiidaaminta ah, kaasoo ku wajahanaa gurigii shaqaalaha oo ay saldhig yar ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

 

"In ka badan 13-qof oo 3-ka mid ah ay yihiin Haween ayaa ku dhintay qaraxa haleelay gaarigii ay la socdeen... kadib markii gaari walxaha qarxay ay ku jireen uu joojiyay askari booliis ah uuna ruuxii waday isqarxiyay... waxaana helay ruuxa ismiidaaamiyay gacantiisa, wuxuuna ahaa ruux shisheeye ah" ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye.

 

Dagaal ay ka qaybqaateen taangiyada AMISOM socdayna 30-daqiiqo ayaa xigay qaraxa, iyadoo kooxaha weerarka ka dambeeyay ay hoobiyeyaal ku garaaceen saldhigyo ku teedsan wadada Maka Al-mukarama oo ay leeyihiin AMISOM.

 

"Rasaasta taaniga oo ku dhacay qaybo ka tirsan gudaha Bakaaraha waxaa ku dhintay 5-qof, dad kalena way ku dhaawacmeen" sidaa waxaa sheegtay haweeney lagu magacaabo Caynabo oo ka mid ah ganacsatada Bakaaraha.

 

Inta la xaqiijiyay 30-qof oo ay ku jiraan 7-caruur ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyada iyo rasaastii ay si dhaafsadeen ciidamada AMISOM iyo kooxaha weerarka ku qaaday.

 

"Ma jirto khasaare naga gaaray qaraxa iyo dagaalkii xigay, balse waxaan aad uga xunnahay khasaaraha gaaray dadka rayidka ah" ayuu yiri Maj. Behuko Berighye oo saxaafada la hadlay.

 

Dagaalkna iyo qaraxan ayaa waxaa cambaareeyay odayaasha dhaqanka iyo culumada Muqdisho, waxayna ku tilmaameen mid aan raad ku lahayn diinta Islaamka, kooxihii ka dambeeyayna ay ahaayeen cadow.

 

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Muqdisho, tan iyo markii ay Ethiopia isaga baxday caasimada, waana qaraxii labaad oo lala beegsado ciidamada AMISOM, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MOGADISHU (AFP) — At least 22 civilians were killed Saturday in Mogadishu by a suicide car bomb targeting African Union peackeepers and the ensuing gunfight, an official and medics said.

Saturday, January 24, 2009

 

 

The explosives-laden car was heading to a control point manned by the AU forces in Mogadishu's southern K4 intersection when a policeman opened fire at the vehicle which then rammed into a passenger bus.

 

Somali police chief Abdi Hassan Qeybdiid said the death toll from the explosion rose to 17 after three more people died of their wounds.

 

"We condemn this barbaric act which is not allowed by the Islam religion," he said.

 

Earlier, Mogadishu's deputy governor Abdifatah Ibrahim Shaweye said 14 civilians died in the blast.

 

Five civilians were also killed and 23 wounded in gunbattles between the peacekeepers and insurgents after the explosion, a doctor said.

 

"We collected five bodies and (admitted) 23 people injured during the fighting," said Ali Muse of the Mogadishu hospital.

 

Shaweye said the suicide bomber was a foreigner after an arm was retrieved from the car wreckage.

 

"We have one of his arms which is clearly showing that the suicide bomber was a foreigner," said Shaweye, referring to the bomber's pale skin.

 

Witness Ali Hasan Molaim said: "I saw the car pass by the bus I was boarding and it was heading towards the Ugandan forces, but some Somali policemen intercepted it and the car exploded destroying another bus."

 

"There was heavy explosion and clouds of smoke," he added.

 

AU Peace and Security Commissioner Ramtane Lamamra condemned the attack, the latest against the AU force known as AMISOM.

 

"We condemn this attack. A cowardly terrorist act that goes against achieving peace and stability in Somalia," Lamamra told AFP.

 

"There was an AMISOM truck in the area during the blast but so far there isn't any casualty on our side."

 

Nine AMISOM troops have been killed in Somalia since the first Ugandan contingent was deployed in March 2007. The Ugandans were reinforced by Burundian contingents in 2008.

 

The AU forces, comprising 3,400 soldiers, have often been targeted by Islamist insurgents since deploying to the war-wracked Somali capital.

 

Ethiopia, which sent troops into Somalia in late 2006 to prop up a weak transitional government against an Islamist movement, pulled out of Mogadishu earlier this month.

 

Their withdrawal had been one of the main demands of the country's Islamist-led opposition, but hardline militias have vowed to continue fighting against government forces and African peacekeepers.

 

The Ethiopian forces' pullout has also created a security vacuum drawing clan-based militias and warlords into a scramble for control over the capital's various districts.

 

Source: AFP, Jan 24, 2009

Share this post


Link to post
Share on other sites

Their story of what happened and the pictures of what happened don't match...they are trying to make a rift between the people and the ones who have been fighting for and protecting the people.

 

Allah has and will Inshallah expose their plots.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

From what I have seen of the pictures, the victims all seemed to have died by shooting then blowing up.

 

Now who is reported to have fired shots? AMISOM or the suicide bomber?

 

Understand this does not excuse the suicide bombers. This is a very alarming phenomenon that is forming and one that needs to be countered swiftly as possible.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this