Sign in to follow this  
Juje

First Act of Emergency Law 'Curtail Press Freedom.

Recommended Posts

Juje   

Dowladda KMG ah ee Somalia oo albaabada u laabtay idaacado ay ka mid tahay Shabelle

 

Mogadishu 15, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Qoraal ka soo baxay Hay'adda nabad sugidda qaranka dowladda Somaliya ayaa lagu amaray in la xiro qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho iyo mid ka mid ah TV yada caalamka xafiiskooda magaalada Muqdisho.

 

Qoraalkaan oo goordhow ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka dowladda KMG ah ayaa waxaa lagu amray in la xiro idaacadaha shabelle, Hornafrik, Idaacadda Qur'aanka kariimka iyo xafiiska TV ka Aljaseera ee ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Qoraalkaan ayaa waxa uu farayaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 ka bisha Janaayo 2007 da in la farayo dhamaan hay'adahaasi aan kor ku soo sheegnay in ay joojiyaan howlaha warbaahineed oo ay wadaan mar allaale iyo markii ay soo gaarto warqaddani.

 

Agaasimayaasha Idaacadaha iyo TV ga Aljazeera waxaa la farayaa in ay yimaadaan xafiiska nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir, kaasoo ku yaala Baar Fiat, taariikhdu marka ay tahay bisha 16 ka bishaan oo ku beegan beri saacadu marka ay tahay 10 ka subaxnimo.

 

Qoraalka ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka Waxaa ku saxiixan Taliyaha nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir G/sare Axmed Xasan Cali.

 

Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa horey u soo xirtey idaacadda Shabelle ee magaalada Baydhabo sanadkii la soo dhaafay.

 

 

wareegto1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Dont worry! it is about registering and taxation. Its just kinda that all parties to be on good terms with each other in the future or face wrath of TFG.... xoggaa hanuunin aa la siinaa kadibna finito... anu wada shaqeyno waaye.

 

It could be different tho, we will just wait & see!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Diinaari “Sababta loo xiray idaacadahan gaarka ah waxay tahay markii muddo loo dulqaadanayey oo aysan waxba iska bedelin qaabka baahinta wararkooda

 

Iyadoo maanta amar ka soo baxay xafiiska nabad sugida qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya albaabada loogu laabay idaacadihii Hornafrik, Shabelle, iyo UQK (Quraanka kariimka) ayaa waxaa arrintaasi faah faahin ka bixiyay afhayeenka dowladda federaalka C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari isagoo tilmaamay in sababta idaacadahan loo xiray ay qeyb ka tahay xaaladda deg deg ah (Martial Low) ee lagu soo rogay dalka Soomaaliya.

 

Diinaari ayaa xusay in sababta sida gaarka ah albaabada loogu laabay saddex-dan idaacadood iyo xafiiska TV-ga Al jazeera ay tahay inay ahaayeen maamuladan kuwo si gaar ah u baahin jiray waxyaabo ka horjeeda xasiloonida isla markaana kala fogeynaya shacabka iyo dowladda federaalka, sida uu hadalka u dhigay.

 

“Magaalada Muqdisho waa la ogyahay waxaa ka howlgala hay'addo warbaahineed oo aad u tiro badan, oo ay ka mid yihiin kuwa Caalami ah, mana jirto wax xorriyadooda loo geysto, balse qof walba wuu ogyahay sababta idaacadahan sida gaarka ah loo damiyay, waqti badan ayaanu u dul qaadanay maamuladan waana loo dul qaadan waayay” ayuu yiri Diinaari oo sidoo kale xusay in loo yeeray madaxda maamulada idaacadahan laguna war gelin doono inay qaataan Leysino ayna ku shaqeyn doonaan sharciga u degsan dowladda iyo xaaladda deg deg ah.

 

“Waxaa la wada ogsoonyahay in dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah, sababtuna tahay in la xasiliyo dalka, idaacadahana waxay baahiyaan warar aan xaqiiqda ku dhisneyn, kicinta dadka iyo abaabulka, dowladuna ma ogolaaneyso inay dhegeysato wax ka hor imaanaya xasiloonida iyo dareenka dadka, waana taas arrinta rasmiga ah ee amarka ku dhacay idaacadahan maanta” ayuu yiri ugu dambeyntii afhayeenka dowladda C/raxmaan Nuur Max'ed Diinaari

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where, when and to who do they go to register. The government who has no functioning offices lool. They should have started where the ICU left, cleaning the streets, giving back houses to their right owners, bring safety, providing for the poor and needy. They attack the media, who is irrelevant to other things that should be addressed.

 

They are getting tried of hearing about their own demise.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If I remember correctly the same ICU crackdown on radio stations included hornafrik and radio jowhar and others.

 

HOW COME THE ICU GET'S THE BENEFIT OF DOUBT?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taako bell

^ as you guys said before the ICU where backwards cave men, the TFG waa reer magaaglki, bringing progress ....

... or are they just taking a leaf out of their chain masters book.

 

so give us a justification with out telling us 'its no worse than before' - in MM's words baliis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CG..Yaasiin Cusmaan...I believe it was across from the Tomb of the unknown soldier, and I remember there was India/Paki school right behind it. The Fiisha daritoorka was woman. I can't remember her name. I was Ciyaal Galabalay..dhar Jaale

But there were other schools closer to Fiat like Sakhawaadin, and Bartamaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caano Stale

 

The gov't is the National and legitimate gov't of somalia. They have every right to register the media with them.

 

hornafrik was shut down for a brief period of time by the clan courts and restarted not too long afterwards. The TFG is only following protocol of a gov't.Register the media with you. In Canada they have the CRTC, in the UK something else etc I don't see whats wrong with this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taako beel

when was the last time a private and popular media station was shutdown in Canada or the UK. And at that, if registration is the case, why only shutdown the stations listed above instead of every station.

 

You cannot claim that is a part of the 'normal' process when it is applied to only 4 stations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this