Sign in to follow this  
Meiji

Gaalkacyo: New Police for the Security of the City

Recommended Posts

Meiji   

Maamulka Gaalmudug oo ciidamo boolis ah u sameeyay magaalada Gaalkacyo

 

Ciidamada oo salan siinaya madaxda dowlada goboleedka Galmudug

 

Ciidamo cusub oo amaanka magaalada Gaalkacyo loogu talagalay oo darees aad u qurxoon loo qeybiyay ayaa goor dhaw waxaa la filaya inay ka howl bilaabaan magaalada, waxana saraakiisha ciidankaasi horkacaysa ay sheegeen inay ku filan yihiin sugida nabadgalaya.

 

Saraakiisha ayaa waxa ay hadalkooda ku dareen in shacabka magaalada Gaalkaco looga baahan yahay inay gacan siiyaan ciidamada booliska, waxayna balan qaadeen in maalmaha soo socda ay wax badan ka badali doonan amaanka magaalada sida uu haaytan yahay.

 

Dibadbax balaaran oo ciidamada booliska cusub lagu soo bandhigayay ayaa waxaa lagu qabtay barxada salaada ciidaha lagu tukado ee loo yaqaano Ilka Dahab, waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha dowlada goboleedka Galmudug State Danjire Max'ed Warsame Kiimiko.

 

Madaxdii kale e ka soo qeybgashay dibadbaxa ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa gudoomiyaha mamulka gobolka Mudug Xasan Faarax Barre, madaxa dhaqalaha maamulka Galmudug Garaad Aadan Cilmi iyo Macali Mursal Cilmi oo ka tirsan gudiga culimada Marjaca ee maamulka la taliya.

 

Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa ciidamada kula dardaarmay inay wax ka qabtaan amaanka deegaanada Galmudug, isagoona amar ku siiyay inay toogtaan ninkii ay ku arkaan isaga oo ku jira falal burcadeed ah ama dadka baad ka qaadanaya.

 

Waxuu madaxweyne Kiimiko intaas ku daray in dadweynaha cadiga ah ee reer Gaalkacayo looga baahan yahay inay garab iyo gacanba siiyaan ciidamada oo uu sheegay in laga soo xulay dadka degaanka, isgoo ku celceliyay in si wada jir ah looga shaqeeyo sugida amaanka.

 

Waxaa isna hadal kooban dibadbax ka soo jeediyay afhayeenka maamulka Galmudug Axmed Max'ed Baasto oo ahaa madixii gudiga qaban qaabada banaanbax, isgoo dadka ka codsaday inay la shaqeeyaan dhalinyarada isku xilqaantay inay u adeegaan bulshadooda, waxuuna amaan u jeediyay gabdhaha jaaliyada UK oo iyaga soo dhiibay dareeska ciidamada wataan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

booliska%20galmudug1.jpg

 

booliska%20galmudug.jpg

 

booliska%20galmudig3.jpg

 

 

Congratulations to the people of Galmudug.

 

peacefull internal regional development, for the benefit of your people and eventually for Somalia, is the way forward.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Tolow yaa lagu xumaynayaa ,,,
:D

Warya fidnada jooji sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jb-Hormurka dadkale kudhibo ilatahey. Intaad dhihileed good for them, arin aan loojoogin toosh ku radisaa. Wish them luck for doing something positive and let it be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Sure you could see beyond the general lines. Your perception is not in question, but your need to look beyond the obvious is what's perplexing as if you are looking for faults or questioning people's intentions. Surely, most of people don't question the stories you bombard us with about the progress in your neck of the woods. Dooradii dhoostaba waa adiga soo qara, not alot look beyond for what it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che -Guevara:

^Sure you could see beyond the general lines. Your perception is not in question, but your need to look beyond the obvious is what's perplexing as if you are looking for faults or questioning people's intentions. Surely, most of people don't question the stories you bombard us with about the progress in your neck of the woods. Dooradii dhoostaba waa adiga soo qara, not alot look beyond for what it is.

You're free to question sxb. Don't lock yourself in a dark room. Questioning has never been a bad idea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Captain Warya:

looooool at the flag.

Wot's wrong with the flag, it is blue, and white star, dat is all matters smile.gif

 

 

Now stop that crap and enjoy this piece

 

dibadbax.JPG

 

 

mudug19.jpg

 

Madaxweynaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this