Sign in to follow this  
Gabbal

Col.C/lahi Yusuf Oo Abaabul Dagaal Ka Wada Gaalkacyo Oo Ku Wajahan Gobalka G/Gaduud

Recommended Posts

Gabbal   

Warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maleeshiyo daacad u ah col.C/lahi Yusuf ay abaabulayaan sidii ay wareer ugu qaadi lahaayeen Gobalka G/Gaduud kadib markii xoogagii Isbaheysiga Dooxada Jubba ay cagta mariyeen maleeshiyadii Col.C/lahi Yusuf degaanada Jubbooyinka.

 

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga Dooxada Jubba oo aan la xiriirnay maanta asaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maleeyisho beeleed lagu abaabulayo degaanada Gaalkacyo si ay dagaal ugu qaadaan degaano ka tirsan gobalka G/Gaduud.

 

Afhayeenku waxaa uu intaas ku daray in ay ka hortagi doonaan ciidamadaas laga abaabulayo degaanka Gaalkacyo, waxaana uu ugu baaqay dhamaan dadweynaha ku nool gobalka G/Gaduud inay ka hortagaan wax uu ugu yeeray kuwa colaadaha iyo dhibka ka wada dalka Soomaliya.

 

Afhayeenku waxaa kale oo uu xusay in 80 ka mid ah haraadigii Gen.Morgan oo ku jiray howdka Hoosingow ayaa codsi soo gaarsiiyeen Isabaheysiga Dooxada Jubba ayaga oo ka dalbanaya in la badbaadiyo loona gudbiyo gobalada la magac baxay Puntland oo ay horey ugu soo duuleen.

 

Sidoo kale, qoraal ay soo gaarsiiyeen qaar ka tirsan beelaha ***** Isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa sheegay in lagu dhameeyo wadahadal iyo wanaag colaadaha ka aloosan degaanada Jubooyinka iyo weliba hogaanka sare ee Isbaheysiga Dooxada Jubba oo soo dhaweeyey qoraalkaas.

 

Dhanka kale, hogaamiye kooxeedka Col.C/lahi Yuusuf oo ka mid ah mushariixinta jagada Madaxweynaha dalka Soomaliya ayaa u sheegay qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamanka inuusan "Raali ka aheyn colaadaha iyo dagaalada ka soo socda degaanada jubbooyinka". Mid ka mid ah xildhibaanada kana soo jeeda mid ka mid ah beelaha ******* oo magaciisa codsaday inaan la shaacin ayaa gedonet u xaqiijiyey in hogaamiye Kooxeedku uu yiri " Morgan Waa Soomalidiid iyo Qaran Diid Raali Kama Ahi Colaadaha Uu Ka dhex wado beelaha ******* " waa siduu hadalka u dhigay.

 

Horay ayaa Xildhibaan Col.Barre Adan Shire (Hiiraale) oo ugu eedeyey in hogaamiye kooxeedkaas uu masuul ka yahay colaadaha iyo dagaalada ka dhex wado gobalada jubbooyinka Gen.Morgan.

 

Dhanka kale, Gen.Morgan oo muddo labo casho lagu daaweynayey Isbitaal ku yaala magaalada Gaarisa ayaa la soo sheegaya in laga saaray kadib markii amaanka isbtilaalka lagu aamini waayey kadibna la geeyey Xerada Qaxootiga ee Xagardheer.

 

Gedonet News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this