Sign in to follow this  
Gabbal

Abaanduulayaasha ciidamada Barre Hiiraale oo ka waramay dagaalkii Bu'aale

Recommended Posts

Gabbal   

Abaanduulayaasha ciidamada Barre Hiiraale oo ka waramay dagaalkii Bu'aale

 

Muqdisho, 22 Oct, 2006 ( WDN) - Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada wasiirka gaashaandhiga Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadleen dagaalkii 22-kii bishan ay kula galeen degmada Bu’aale ciidamada golaha maxaakiimta islaamiga. Abaanduulayaashaasi ayaa qirtay in dagaalkaasi guuldaro ay kala kulmeen.

 

Saraakiishan oo qaarkood haatan dib ugu soo laabtay magaalada Baardheere, ayaa sheegay in ay ku hungoobeen qorshihii markii hore ay ku baxeen, oo ahaa in ay dib usoo ceshadaan deegaanadii maxaakiimta islaamka ay kula wareegeen. Waxa ayna tilmaameen in mar kale ay qorsheynayaan in ay is abaabulaan oo duulaan kale ay qaadaan maxaakiimta.

 

Mukhtaar Aadan oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee dhinaca ciidamada Barre Hiiraale, oo ka mid ah saraakiisha dib ugu soo laabtay Baardheere ayaa sheegay in dagaalkii maxaakiimta ay kula galeen Bu’aale uu khasaare lixaad leh kasoo gaaray. Isla markaana lagu qasbay in dib ay usoo gurtaan, balse waxa uu beeniyey in badan oo ka mid ah sheegashada golaha maxaakiimta islaamiga.

 

Mukhtaar waxa uu beeniyey in aan gacanta lagu dhigin abaanduulihii ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo sarkaal Itoobiyaan ah. Waxa uuna sheegay in Fartaagn haatan uu ku suganyahay degmada Baardheere, cidii doontana ay u tagi karto oo ay wareysan karto. Waa kale oo uu tilmaamay mar uu ka hadlayey sarkaalka Itoobiyanka ah ee maxaakiimtu ay sheegeen in ay qabteen, waxa uu sheegay in aanu jirin Itoobiyaan kala qeyb qaatay weerarkii Bu’aale ay ku qaadeen.

 

Sarkaalkan sidoo kale waxa uu beeniyey in laga qabsaday ilaa 36 gaari sida maxaakiimtu dhawaan ay sheegteen. Waxa uuna carabka ku dhuftay in aysan marnaba ka laaban doonin in ay dib usoo ceshadaan deegaanada maxaakiimta Islaamiga ay xoogga kagala wareegeen.

 

Waa hadalkii ugu horeeyey ee kasoo baxa sarkaal ka mid ah isbahaysiga Barre Hiiraale, tan iyo markii uu dhacay dagaalkii maxaakiimta iyo barre Hiiraale ku dhex maray degmada Bu’aale.

 

Maxamed Cumar Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

At least they admitted the defeat that they could overcome if they had listen the advice from their fellow somali brothers

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

The odds were stacked against them. I wish these brothers were on the side of the courts so this process of warlord exiling could speed up a little and their guns were aimed at where it belongs: To Amxaaro and their stooges in baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Your answers:

 

Waxa ayna tilmaameen in mar kale ay qorsheynayaan in ay is abaabulaan oo duulaan kale ay qaadaan maxaakiimta.

Waxa uuna carabka ku dhuftay in aysan marnaba ka laaban doonin in ay dib usoo ceshadaan deegaanada maxaakiimta Islaamiga ay xoogga kagala wareegeen.

I think they realized that to continue fighting would mean going up against all the forces lying from Dhoobley to Jowhar, in the immediate sense. These aren't the civil war era battles; there is no going it alone. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Inuusan cashar ku qaadanayn dharbaaxadii iyo jabkii ku dhacay Horn baa ka jawaabay.

 

Ilaa xuduudda laga saaro quusan mahayo uu :eek:

 

Mise Kismaayo xitaa Zaire iyo Congo haddii lagu geeyana lagama quusto ;)

 

Ar bahasha wax yaallaayi macaanaa :rolleyes:

 

That's why aan u iri waa inaan mar Kismayo cagta saaraa :cool:

 

U malayn mayo meel saaxiibadiisa hoose uga fiicani inay jirto icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Xertii turubka unbaa dan u ah Odeyga!

Nuune ninyohow caadi ma tihid, Odayga saas ha u fogayn Akhii,

 

at least isagoo shacab ah Kismaayo ha iska yimaado oo dekedda iyo meelahaas shaqo ha looga raadiyo ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this