Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug and Ximan Xeeb Open Up Talks

Recommended Posts

Cowke   

galmudug61-300x261.jpg

 

Waxgaradka G/Mudug oo soo dhaweeyay dadaalka Madaxwaynaha G/Mudug ee ku wajahan midaynta Maamulada Xiim iyo xeeb iyo G/Mudug

 

(Garowe) RBC: Waxgaradka ku dhaqan Magalaada Gaalkacyo gaara ahan dhinaca uu ka arimiyo Mamulka G/Mudug ayaa soo dhaweeyay tilaabada uu qorshaynayo Madaxwayanaha MAamulka G/Mudug Max’ed Axmed Caalin,taa oo ku aadan midaynta Maamulada Ximin iyo xeeb iyo G/Mudug.

 

Waxa ay sheegeen in ay soo dhwayanayaan tilabadaa islamarkaana ay tahay mid loo baahnaa in la qaado iyagoo Mr caalin ku bogoodiyay sida looga baahan yahay in uu ku dadaalo sidii deegankiisa hormarkiisa gacan uga gaysan lahaa.

 

Maalintii shalay ayuu shaciyay Madaxwayanah Mamulka G/Mudug Max’ed Axmed Caalin in uu billowday qorshe ay iskugu biirinayaan 2da Maamul ee Gal-mudug iyo Ximin iyo Xeeb.

 

Waxuuna hadlkana ka danbeeyay kidib markii shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Gaal-kacyo, kaga sheegay in booqasho uu dhawaan ku tagay magaalada Cadaado la isku afgartay dhismaha guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii la iskugu keeni lahaa aragtiyada labada maamul

 

Max’ed Axmed Caalin, ayaa sheegay in maamulka Gal-mudug uu magacaabay xubnaha guddiga Farsamada,halka dhinaca Ximin iyo Xeebna laga sugayo in ay soo magacaabaan xubnahooda, si degdegana loo billaabo howlaha farsamada ee isku keenida labada Maamul.

 

Max’ed Axmed Caalin ayaa xili uu ka hadlayay dhinaca Maamulka Puntland waxa uu sheegay in Punt-land iyo Gal-mudug aysan dooneyn falal horseedi kara in ay dib u soo laabato amni daradii iyo is-aamin la’aantii dhax taalay labada dhinac.

 

Waxa ay noqonaysaa tilabadii ugu horaysay ee Maamulka G/mudug iyo Xiim iyo Xeeb qadaan hadii ay dhacdo in ay ku guulaystaan isku keenida labad Maamul waxaana haatan socda qorsha la doonayo in lugu mideeyo.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this