Sign in to follow this  
Nomadic Activist

US captures a ship with weapons on the coast of Somalia;Yey asks for weapons embargo

Recommended Posts

The "president" asks for the Somali-weapon embargo to be taken away. I wonder why a "president" of a nation who has been in a civil war for 15 years would ask for more weapons to come into the country. Some call Jalle Siyaad a dictator who only knew how to use his fist, but lets look at this imbocile who goes around making speeches about how he was the first person to revolt and the main reason of the governments decade, who idiolizes Jalle Siyaad and wants to be a replica of Jalle Siyaad. He thinks he can become a dictator like he was in Puntland, and kill who ever stands in his way like he did to his brother-in-law,to reer bosaaso, and many more people like Suldaan Hurre.

 

 

President Yuusuf oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in Somalia laga qaado xayiraadda hubka

G/kacayo-14.July.2005

 

War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ee Somalia mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u oglaadaan inay xayiraada hubka ah ka qaadaan ciidamada ammaanka qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee nabad ilaalinta u imanaysa dalka si ay u taageeraan dowladda federaaliga kmg ee Somaliyeed.

 

“iyadoo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u fariisanayo arrinta Somalia 14-ka bishan July, waxaan ugu baaqaynaa inay isbedel ku sameeyaan xayraadda hubka ee saaran dalkeena si ay macquul ugu noqoto ciidamadeena ammaanka qaranka iyo kuwa IGADSOM inay hawlahooda u gutaan si dhammaystiran, maadaama aan dib ugu soo laabanay wadankeena si aan aayihiisa uga talino†sidaasi waxaa laga soo xigtay madaxweynaha Somalia oo haatan ku sugan magaalada Galkacayo.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay lagama maarmaan tahay in Qaramada Midoobay ay noo fududayso danaheena ku aadan Somalia, si aan uga dhigno ayuu yiri dal degan. Ma raadinayno ayuu yiri inaan helno xayiraad qaadis joogta ah balse waxan doonaynaa inaan helno taaagero iyo ilaha lagama maarmaanka u ah ciidamadeena ammaanka qaranka iyo kuwa nabad Ilaalada caalamiga ah.

 

Baaqa madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo baaxay saacado ka dib markii hay’adda xasaradaha caalamiga ICG ay Golaha Ammaanka ka dalbatay inaan la qaadin xayiraada hubka ee saaran Somalia, waxa ay ku sababaysay in deganaansha gobolka uu Khal khal geli doono.

 

Si kastaba ha ahaatee marka dib loo eego dowladihii ka horreeyay tan iminka ee Federaalka ah, sida dowladdii Cali Mahdi Maxamed iyo dowladdii C/qaasim salaad xasan ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti waxaa majaxaabiyay maleeshiyooyin hubaysan waxayna la shaqayn waayeen ciidan la’aan.

 

Iyadoo taa laga sawir qaadanayo ayay lagama maarmaan u tahay dowladdan federaalka ah in laga qaado xayiraadda hubka ah ee saaran dalka Somalia.

 

Baaqa madaxweynaha Somalia waxaa kaabaya codsi uu Qaramada Midoobay u jeediyay wakiilka Kofi Annan ee arrimaha Somalia François Fall oo ku baaqay in si deg deg ah loo soo afjaro cunaqabataynta hubka ee Somalia saaran.

 

Si kastaba ha ahaatee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta u fariisan doona arrinta Somalia ayaa la filayaa inay go’aan kama dambays ah ka qaatan baaqyada kala duwan ee ku saabsan xayriaada hubka ee Somalia.

 

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Monitorig

nuunow16@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdulaahi Yuusuf oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya

 

July 14, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Madaxweynaha dowladda fedraaliga Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya

 

Cabdulaahi Yuusuf waxa uu ka codsaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in si dhaqso ah loo qaado cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaliya si ciidamda Qaranka ee Soomaaliya iyo ciidamo shisheeya oo nabadda ilaaliya dalka Soomaaliya u yimaadaan kuwaas oo taageeraya dowladda FKMG howlaheeda inay dib u sii wado.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo warqad u qoray Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado cuna qabateynta hubka Soomaaliya si ay u yimaadaan Soomaaliya ciidamo ka socda IGADSOM oo ah ciidamada howlgalka gudaha Soomaaliya ka sameeynaya ee xasilinaya.

 

Cabdulaahi Yuusuf ayaa sheegay in arrintaas haddii ay sameyso Qaramada Midoobay ay tahay mid fududeyneysa hadafka ah in Soomaaliya ay noqota Qaran nabadoon.

 

Cabdulaahi Yuusuf ayaa warqadaas qoraalka ah ku sheegay in dowladiisa aaney dooneyn in cunaqabteynta hubka loo qaado si joogta ah hase ahaatee ay tahay in la qaado si ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya loo geeyo islamarkaana loo ilaaliyo ammaanka dowladda Soomaaliyana ay u noqto wadan xasiloon.

 

Hadalka Cabdulaahi Yuusuf ayaa soo baxaya xilli la filayo in maanta galinka dambe golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodaan arrimaha Soomaaliya oo qeyb ka tahay cuna qabateynta hubka Soomaaliya saaran.

 

Afheeyanad u hadashay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Kofi Anan ayaa shaaca ka qaaday in goloaha cunaqabetynta Soomaaliya hubkeeda qaabilsanaa ama guddigii gaarka ahaa ay warbixintii u gudbiyeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kuwaas oo iyagana maanta ka fariisinaya.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo hore u sheegay inuu ka tanaasulay wadamada safka hore ciidamadiisa ayaa imminka warqadiisa waxaa ka muuqta inay ku jiraan wadamadaas maadaama uu soo hadal qaaday barnaamijka IGADSOM ee Soomaaliya.

 

Guddiga dabagalka la socodka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan beesha caalamka oo lacagta badan ku bixineysay shirkii Soomaalida Kenya uga socday mudada labada sanno ah ee la yiraahdo CMC, islamarkaana uu hogaaminayo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Francios Fall ayaa hore walaac uga muujiyey ama ka digay in la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya taas oo keeni karta dhibaato.

 

Sidoo kale warbxin guddigaas ay soo saareen ayaa lagu sheegay inay walaac ka muujiyeen wararka sheegaya in hubka uu weli ku sii qulqulaya qeyba ka mid ah Soomaaliya isalamarkaana ay jiraan warar muujinaya in wadamada qaarkood ay hore uga xadgudbeen cunaqabteyntii hubka ee Soomaaliya la saaray.

 

Hey’adda International Crisis group ayaa iyadana ka digtay in la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya saaran iyadoo ka digtay inay dhbaato keeni karto arrintaas.

 

Waxaa sii kordhaya walaaca xubnaha beesha caalamka iyo ururada caalamiga ay ka qabaan in la qaado cunuqabateynta hubka ee Soomaaliya saaran xilli madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu ku adkeysanayo in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado si ciidamada nabad ilaalinta ay u yimaadaan Soomaaliya.

 

Kulankii ka dhacay magaalada Sirta ee dalka Liibiya oo ay yeesheen ururka midowga Africa ayaa lagu go’aamiyey in cunaqabteynta hubka Soomaaliya laga qaado iyadoo kulankaas qodobadii ka soo baxay ay imminka miiska u saaran yihiin dowladda Cabdulaahi Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in ciidamada Mareykanka ay qabteen doonyo iyo maraakiib hub sidey.

 

July 14, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay iney jiraan wararka sheegaya ciidamada badda ee Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, iney qabteen doonyo iyo maraakiib hub sidey oo ku soo jeeday Soomaaliya.

 

Wasiirka dekedaha ee dowlada federaalka Cali Ismaaciil Cabdi oo u waramayey Idaacadda HornAfrik isagoo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa ugu horeyn ka hadlay hawlihii ay qabatey wasaaradiisa tan iyo mudadii ay dowladda federaalka dalka dib ugu soo laabatey.

 

Mudane Cali Ismaaciil Cabdi ayaa sheegay iney xoogaa ka qabteen qaab dhismeedka wasaaradiisa dekedaha iyo gaadiidka badda, isla markaana ay diyaariyeen warbixin afar qeybood ka kooban, oo ay ka sameeyeen dekedaha waaweyn iyo sida ay ugu baahan yihiin dayactir balaaran iyo in hawlo kalaba laga qabto marsooyin, kuwaasoo ku kala yaala magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera, warbixntaasoo ay u gudbiyeen hey’addaha wax ka qaban kara ee caalamiga ah.

 

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cali Ismaaciil Cabdi mar wax laga weydiiyey waxa uu kala socdo markabka Toddobaadkii Saddexaad lagu heysto xeebaha deegaanka Xaradheere, oo u rarnaa hey’adda cuntada Adduunka ee WFP, ayaa waxa uu sheegay iney arrintaasi si weyn ula socdaan, isla markaana xiligani uu ku guda jiro xal ka gaarida xaaladaasi wasiir ku xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Xirsi Aadan Rooble, hase yeeshee wasiirka ayaa saluug ka muujiyey wasaaradiisa sida aaney xiligani awood ugu laheyn koontoroolka xeebaha Soomaaliya, taasi oo uu sheegay iney ku guda jiraan suurta galinteeda.

 

Mudane Cali Ismaaciil Cabdi wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda dowladda federaalka, oo sidoo kale wax lag weydiiyey inuu la socdo wararka tibaaxaya in doonyo iyo maraakiib hub u soo sido ay gacanta ku dhigeen ciidamada mariiniska Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay inuusan helin warbixin rasmi ah, laakiin warar aanu cadeyn karin ay ku soo gaareen in Markab hub sida ay hayaan ciidamada Mareykanka.

 

Hubkan oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo xaqiijinin cidda uu u socday, hase yeeshee ku soo beegmay xilli uu madaxweynaha ku sugan yahay deegaanka Puntland, ayaa waxa ay sii kordhineysaa shakiga xubnaha labadda gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf hore ugu eedeeyey iney Boosaaso keentay diyaarad military oo laga leeyahay dalka Yaman, taasoo sidoo kalana u sidey hub fara badan.

 

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in shaley dekedaasi ay ka jireen xiisado la xiriira doonyahaasi hubka sida, oo la shaaciyey iney ku soo xirteen dekedda Boosaaso, iyadoo dekedda loo diidey iney isticmaalaan ganascatada iyo dadkii kale ee hawl wadeenada ka ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Quote from the President:

 

"It is imperative that the UN facilitate our goal of making Somalia a stable nation," the statement said. "We are not looking for a permanent removal of the arms embargo, rather seeking support and the resources necessary to deploy our national security force and international peacekeeping mission."

 

 

Washington - Officials from Somalia's transitional government are seeking an exemption from a 13-year-old United Nations (UN) arms embargo so they can get peacekeeping and security forces in place.

 

"This UN security council action is necessary immediately to prevent the spread of terrorism in the Horn of Africa and to create peace and security," Dahir Mirreh Jibreel, chief of staff to Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed, said on Wednesday.

 

The Somali transitional government was formed in neighbouring Kenya last year and moved into Somalia last month. The administration has failed to relocate to the capital, Mogadishu, because the city is considered unsafe.

 

Making his point clear

 

Jibreel met with senator Norm Coleman of Minnesota on Wednesday to press his case. Another participant was Omar Jamal, executive director of the Somali justice advocacy centre in St Paul, Minnesota. Minnesota is believed to have the largest Somali population of any United States (US).

 

"The government is struggling to relocate and develop an infrastructure and deny a haven to terrorists," Jamal said. Analysts say terrorists have taken advantage of the collapsed state in Somalia for bases, recruitment and training.

 

Yusuf issued a statement from his home city Galkayo, Somalia, urging the security council to act quickly to modify the sanctions regime.

 

"It is imperative that the UN facilitate our goal of making Somalia a stable nation," the statement said. "We are not looking for a permanent removal of the arms embargo, rather seeking support and the resources necessary to deploy our national security force and international peacekeeping mission."

 

Somalia, in East Africa on the Indian Ocean, has been without a central government since warlords overthrew dictator Mohamed Siad Barre in 1991. They then turned on each other and plunged the Horn of Africa nation of seven million into anarchy, and the clans still have weapons from the virtually perpetual wars of the last two decades.

 

Somalia asks for support from US

 

Coleman said he is asking other members of Congress "to help bring greater US support for a stable and democratic government in Somalia". He comment on whether an exemption from the embargo should be granted, and his office would not elaborate on the statement.

 

Marie Okabe, deputy spokesperson for UN Secretary-General Kofi Annan, said the security council's Somalia sanctions committee has forwarded the government's request to the full security council, which is scheduled to discuss the country at a meeting on Thursday.

 

Jibreel said it was regrettable that the arms embargo makes no distinction between illegal weapons and legitimate security forces.

 

In addition to the embargo issue, Jibreel said, his government wants the US to help rebuild the country.

 

Source: News 24

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this