Sign in to follow this  
Emperor

Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland oo la magacaabay

Recommended Posts

Emperor   

Taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland oo la magacaabay

Monday, February 2nd, 2009 at 9:30 am

 

Horseed Media

 

Garowe

 

 

ciidamada_puntlandMadaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa magacaabay taliyaha ciidamada daraawiishta ee Puntland.

 

 

 

Qoraalkii lagu magacaabay taliyaha oo nuqul ka mid ah Horseed Media loo soo gudbiyay ayaa lagu sheegay in si kmg ah xilkaasi loogu magacaabay G.Sare Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe).

 

Sida ku xusan qoraalka lagu magacaabay taliyaha waxa uu madaxweynuhu eegay habacsanaanta ka jirta ciidamada daraawiishta, markii uu tixgeliyay talo soo jeedin uga timid madaxweyne ku xigeenka iyo waxgarad iyo siyaasiinta.

 

Waxaa horey xilkaasi u hayay G.Sare C/risaaq Shiikh Cismaan Cali Baadiye oo xilka looga qaaday ka dib markii uu gudan waayay xilkiisa, sida ku xusan qoraalka.

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland waxa uu waday habeynta ciidamada iyo dib u dhiskooda.

 

Waxa uu dhowaan la hadlay ciidamadii dowladda federaalka ee Puntland ka soo jeeday kuwaasoo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Garowe kadib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee federaalka C/laahi Yuusuf Axmed.

 

 

FINLAND

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta oo xilka laga qaaday lana magacaabay Taliye ciidan oo cusub.

2. februar 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa xilkii Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ka qaaday G.Sare C/risaaq Shiikh Cismaan (Cali Baadiye), waxaana xilkaasi loo magacaabay Taliye ciidan oo cusub.

 

Madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyey Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta mid gudan waayay Waajibaadkiisii shaqo, isla markaasna wuxuu Madaxweyne Faroole xeeriyey amaanka iyo kala dambeynta dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isagoo sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu si toos ah usheegay in Taliyaha cusub uu Si KMG ah shaqada uwadayo.

 

Xil ka qaadista lugu sameeyey G.Sare C/risaaq Shiikh Cismaan (Cali Baadiye) ayaa lugu sheegay in ay ka qeyb ka tahay dibu habeyn balaaran oo dhawaanahaan lugu sameynayay Ciidamada daraawiishta ee dawlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaana lasheegay in ay socota howl balaaran oo dib loogu soo celinayo deegaanada dawlad gobaleedka Puntland.

 

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Mudada KMG ah ayaa loo magacaabay G/Sare Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe), waxaana looga fadhiyaa Taliyaha cusub in uu bilaabo shaqadiisa, isla markaasna waxaa lugu amray in uu la shaqeeyo gudiga dibu habeynta ciidamada Puntland.

 

Talaabadan uu qaaday Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa lugu sheegay mid horumar keenaysa deegaanada Puntland, waxaana umuuqataa Xukuumada Madaxweyne Faroole in ay xooga saartay arimaha dhanka amaanka ah, maadaama Puntland dhaawanahaan amaan la'aan baahsan ka jirtay.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe, Feb 02 - M/weyne Faroole oo Col. Siciid Axmed Maxamed 'Shoodhe' u magacaabay taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland.

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa Col. Siciid Axmed Maxamed 'Shoodhe' loogu magacaabay taliye ciidanka Daraawiishta Puntland, halka taliyihii hore Col. C/risaaq Sh. Cismaan 'Cali Baadiye' xil ka qaadis lagu sameeyey.

 

Col. Shoodhe ayaa ah sarkaal da' yar, khibrad ciidan iyo mid hogaan u leh hawlaha ciidanka, kana tirsanaa ciidanka Daraawiishta tan iyo aasaaskii ciidanka.

 

Sida wareegtada ku cad is-bedalka lagu sameeyey hoggaanka ciidanka Daraawiishta ayaa qayb ka ah is-badel uu sheegay M/weyne Faroole in uu ku samayn doono hoggaanka, shaqada, tayada iyo hannaaka ciidan ee ciidamada Puntland.

 

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa 2-dii sano ee ugu dabaysay waxaa la soo darsay duruufo isugu dhafan hoggaan xumo iyo daryeel la'aan.

 

Col. Cali Baadiye ayaa ku dhawaad 2 sano hayey xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka hor uu hayey isla xilkaas Col. C/samad Cali Shire, M/weyne ku xigeenka Puntland ee xilligan, ahaan muddo dheer taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta.

 

M/weyne Faroole ayaa tan iyo intii uu la wareegay hoggaanka Puntland qaaday tallaabooyin uu ku saxayo qaladaadkii hoggaankii isaga ka horeeyey.

 

Waxaan shaki ku jirin in isaga naf ahaantiisu uu la imaan doono qaladaad isaga u gaar ah, walow illaa hadda aanay muuqan wax lagu dhaliilo, aan ka ahayn xukuumada faraha badan ee uu dhisay oo dhaliil badan iyo ammaan labadaba la kulantay.

 

M/weyne Faroole ayaa isla maanta u ambabaxay magaalada Bossaso, isaga oo ku sii hakaday Qardho oo uu ku sugan yahay M/weynihii hore ee Puntland Cadde Muuse.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this