Sign in to follow this  
Siciid1986

Magaalada Ceerigaabo oo ka Qayb Gashay Tartanka Ciyaaraha ee Puntland

Recommended Posts

Magaalada Ceerigaabo oo ka Qayb Gashay Tartanka Ciyaaraha ee Gobolada Maamul-goboleedka Puntland

 

 

Ceerigaabo(Oodweynenews)-Naadi ka tirsan Naadiyada Kubada Cagta ee Magaalada Ceerigaabo ayaa waxay ka qayb galeen Tartanka kubada Cagta ee sannadkan ka socda Gobolada maamul goboleedka Puntland ee dalka aynu jaarka nahay somaliya, Naadigan oo kaga qayb galay magac G/sanaag , sida uu noo xaqiijiyey Gudoomiyaha Xidhiidhka kubada ee G/sanaaga Mudane: Mustafe Jibriil Jaamac.

 

 

 

Gudoomiyuhu waxa uu noo sheegay arintaas hadii aanu nahay Sports ka iyo bulshadaba waxaanu aaminsanahay in ay Direen Naadigaas wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinta ee Somaliland , waayo waxaa watey nin shaqaalaha Wasaarada ka mid ah oo la yidhaahdo Cumar Case, waxaana magaalada laga guuraysiiyey goor habeen ah, cid ogaydna may jirin gaar ahaan bahdayda xidhiidhka kubada Cagta.

 

 

 

tartankaas Ciyaaraha Puntland oo ka socda Magaalo Madaxda maamul Goboleedkaas ee Garoowe, waxaana maalintii ugu horeysay wadda ciyaaray Naadigii ku ciyaaraayey Magaca G/Sanaag ee ka ambabaxay Magaalada Ceerigaabo iyo Qardho , halkaas oo ay ku badisay kooxdii G/sanaag , Maalintii labaad oo ahayd shalay waxay isku beegmeen Magaalada Garoowe , halkaas oo ay kaga badiyeen kooxdii ku ciyaaraysay magac Garoowe.

 

 

 

Ceerigaabo Maanta-na waxaa la filayaa in ay wada ciyaaraan Gobolka Cayn, sida ay warku nagu soo gaadhayaan ayuu yidhi Gudoomiyuhu ,

 

 

 

haatana waxaa magalada Ceerigaabo ku sugan Agaasimaha Guud ee Wasarada Dhalinta iyo Ciyaaraha ee Somaliland Mudane Cali Axmed Cali (Cali yufle) , oo aanu idiinka soo gudbin doono waraysi hadii wakhtigu noo saamaxo ,

 

 

 

hadaba Somaliland oo aan laga qaban mudo gaadhaysa ilaa afar sanadood , ayaa waxaad arkaysaa dhaliyardii xiisayn jirtey Ciyaaraha oo fadhida Merfishyada qaadka , kadib markii ay waayeen wax dhiiri galin ah , sida tartamaddii Gobolada Somaliland.

 

 

 

dhaliyarada waxaa ka muuqata niyad jab aad u wayn , halka qaar badna ay tahriibeen qaarna ay hada u xidhxidhan yihiin sidii ay u tahriibi lahaayeen , marka aad waydiisana waxa ay kuugu jawaabayaan mahaysano waxbarasho tayo leh , shaqo mahaysano waxyaahihii dhalinyaradu ku mashquuli jirteyna mahaysano ee ahaa ciyaaraha , markaas maxaanu ka fadhinaa, ? !!-!?ma qaad ka uun baanu Cunaa ? !!

 

 

 

Ciyaaraha ayaa ahaa waxyaabaha ugu waa wayn ee keena in ay bulsho is dhex-gasho oo uu ka dhexeeyo cilaaqaad isbarsho , saaxiibtinimo iyo Isfahan , sida ka muuqata bulshada ku nool Gobolada Somaliland oo dhan.

 

 

 

Arintaas-na waxaa dadweynuhu qabaan in ay tahay Maamulka oo waxqadbkii iyo horuumarintii ku bedeley taageero u doon Xisbi xaakimka UDUB.

 

 

 

Guntii iyo gabo gabadii dadka ku nool G/sanaag gaar ahaan Degmada ceerigaabo arintaas waxay u arkaan hadii aan wax laga bedelin in ay mustaqbalka dhow ka qayb gali doonaan tartamda laga qaban doono Gobolada koonfurta Somaliya .

 

 

Cismaan Cumar Faara

 

Oodweyne /Ceerigabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

The Erigavo+Badhan(Sanaag) and Dhahar+Hingalool(Haylaan) regional teams have quite performed poorly this year. Nevertheless, while potential talented players seem to emerge from such regional soccer competition, this is also a good way of promoting peace and communal integration among the youth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this