Sign in to follow this  
General Duke

South Mogadishu: clashes update...TFG takes over..

Recommended Posts

Warbixin dheer oo ka hadlaysa dagaalkii maanta iyo khasaaraha ka dhashay iyo goobaha uu ka dhacay.

 

W/Gashaandhiga: Saaka abaarihii 6:30 ayaa dagaal ka bilowday wasaaradii hore ee gaashaandhiga oo fariisin u ah ciidamada Ethopia iyadoo dagaalka markii uu waxyar socday ay soo galeen ciidamada Dawlada federaalka Somalia halkaasoo uu ka qarxay dagaal xoogan, Dagaalka ayaa laysu adeegsaday hubka culculus iyo kan fudud intaba iyadoo ciidamo xalay fariisin ka samaystay halkaas oo Dawladu leedahay ay ka qayb qaateen.

 

 

W/Gashaandhiga: Saaka abaarihii 6:30 ayaa dagaal ka bilowday wasaaradii hore ee gaashaandhiga oo fariisin u ah ciidamada Ethopia iyadoo dagaalka markii uu waxyar socday ay soo galeen ciidamada Dawlada federaalka Somalia halkaasoo uu ka qarxay dagaal xoogan, Dagaalka ayaa laysu adeegsaday hubka culculus iyo kan fudud intaba iyadoo ciidamo xalay fariisin ka samaystay halkaas oo Dawladu leedahay ay ka qayb qaateen.

 

Dagaalka ayaa aad ukulaaday abaarihii 9:00AM kadib markii ciidan halkaasi horay ugu dhuumaalaysan jiray oo hub iyo tigniko wata kana tirsan kooxaha wax weeraraa ay soo galeen iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal aan waxba laysula reeban kadibna loogu awood sheegtay kooxaha labaxay moqaawamada.

 

Hotel Ramadaan: waxaa sidoo kale dagaal kulul ka qarxay wadada dheer ee gasha Hotel ramadaan iyadoo ciidamada dawlada iyo kooxaha Muqaawamada ay dagaal kafool kafoola isaga horyimaadeen kadib markay halkaasi damceen inay xiraan kooxaha wax rabsha si aysan gurmad u helin ciidamada dawlada dagaalka ayaa mudo kadib waxaa mar labaad ciidamada dawladu ku guulaysteen inay ka saaraan aagaas kooxihi rabshadaha kawaday.

 

Suuqa xoolaha:Dagaal kale ayaa isna ka qarxay deegaanka suuqa xoola ilaa xerada maslax iyo darmoolay iyadoo ciidamada dawlada oo halkaasi heegan uga jiray ay isku dheceen kooxo kamida kuwa kacdoonka wada kadibna sixoogle laysu waydaarsaday madaafiicda culculus ee ka dhacda qoriga BM ka iyadoo wali uu socdo dagaalkaas walow wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in laga itaal roonaaday kooxihii wax soo weeraray.

 

Hawl wadaag:Dagaal kale ayaa isna ka qarxay deegaanka hawl wadaag iyadoo ciidamada Dawlada ay isku dheceen kooxo rabay inay halkaasi weeraro ka fuliyaan iyadoo warar kalana sheegayaan in dagaalkaasi isu rogay mid qabiil una dhexeeya beelaha ****** iyo ********** iyadoo dagaalkaasi waxyar ka dib la soo afjaray lagana soo eryay halkaasi kooxh wax weerara.

 

khasaaraha dagaalka: Dagaalka maanta oo ah kii ugu kululaa ee ka dhaca muqdisho tan iyo markii Dawladu la wareegtay ayay ku nafwaayeen dad kor udhaafaya 35 qof iyadoo 4 kamida ay yihiin ciidamada dawlada halka inta la xaqiijiyay 15 kamida ay yihiin kooxihii rabshadaha waday iyadoo inta kalana ay tahay dad rayid ah oo xabadi haleeshay sidoo kale waxaa dab qabsaday qayb kamida suuqa bakaaraha gaar ahaana qaybta rinjiyada.

 

Allmudug.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada KMG oo ka hadashay dagaalkii dhex maray ciidamada Dowlada iyo kooxo hubeysan.

 

Muqdisho, Arbaco, March 21, 2007 Simba Radio

 

Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa ka hadashay dagaalkii maanta dhex maray ciidamada Dowladda iyo kooxo hubeysan.

 

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Dowladda KMG ee Somalia Col. Saciid Dheere, ayaa Idaacadad Simba u sheegay saaka weerarka lagu soo qaaday oo ay soo weerareen waxa uu ugu yeeray dad ka ganacsada dhiiga dad weynaha.

 

Waxa uu sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday la jebiyay, islamarkaana mar kale ay weerar labaad soo qaadeen haddana la jebiyay, sida uu sheegtay, laakiin dagaalka ayaa weli socda oo u muuqda mid aan lagu kala adkaan.

 

Waxa kale oo uu yiri in khasaaraha soo soo gaaray ciidamada Dowladda uu yahay mid aan badneyn.

 

Inkasta oo Meydadka ciidamada Dowladda lagu gubayb waddooyinka magaalada qaarkood ayaa haddana Col Sacidi Dheere waxa uu ku adkeystay inaysan jirin ciiidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah oo lagu jiidiyay waddooyinka.

 

Saciid Dheere, ayaa ku tilmaamay meydadkii maanta lagu gubay meel ay ka mid ahayd Isgoyska Baar-Ubax kuwa ka dhintay ciidamadii laga dilay kooxihii iyaga soo weeraray oo uu sheegay in loo geliyay dareeska ciidamada Dowladda.

 

Saciid Dheere, ayaa waxa kale oo uu sheegay in iyaga saaka weerarka lagu soo qaaday oo ay soo weerareen waxa uu ugu yeeray dad ka ganacsada dhiiga dad weynaha.

 

Saciid dheere ayaa dhinaca kale qiray in laga yaabo madaafiic ay rideen ciidamada dowladda laga yaabo ay waxyeelo u geysteen dad rayid ah taasina ay ka cudur daaranayaan.

 

Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Dowladda KMG ee Somalia Col. Saciid Dheere, ayaa waxa kale oo uu gaashaanka u daruuray in ay jiraan ciidamo maxaabiis ah oo laga qabsaday.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

LOL@allmudug.org. "Kooxaha rabshada wado" ? Are we talking about 5 year olds doing rabsho ? Also, why no mention of the Tikray soldiers killed, dragged, and burnt ? Or was it Yey, Marine Sgt. Aideed, and Hiraale leading the TFG militia alone ?

 

At least try to pose a semblance of authenticity and post a article from a mainstream site like Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Some sites are taken over by emotions saxib, the truth of the matter is these clashes have occured in the volitile areas of the city [southern parts] and aside from the propoganda, we burned dead soldiers. The TFG has used little force and chased these clowns out..

 

Expect more hype, just like in the minute war and what we will get in the end is the disarmamnet of Mogadishu insha Allah..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Kulul oo waaberigii Saaka ka bilawday koonfurta Magaalada Muqdisho

 

Dagaal culus ayaa waaberigii saaka ka bilawday degaano ka tirsan koonfurta Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dagaalamayan Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay wehelinayaan kuwa dalka Itoobiya iyo Maleeshiyo ka soo jeeda Beesha ceyra .

 

Dagaalkan oo markii hore ka bilawday Isgoyska Shiirkole ama Xaruntii hore ee Saraakiisha Dowladdii Soomaaliyed ayaa waxaa uu noqday mid sii ballaarta oo uu gaaray degaano hor leh, waana dagaalkii ugu weynaa oo muqdisho ka dhaca tan iyo markii talada laga eriyay Maxkamadihii beesh ceyr dhamaadkii bishii Decembar.

 

Sida ay sheegayan dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in ciidammada Dowladda ay ku guulaysteen inay ka gacan-sarreeyaan kooxahaas uu ku bilawday kadib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya baaritaan ka bilaabeen agagaarka Jidka Warshadaha iyo Isgoyska Shiirkole.

 

Labada dhinaca waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaaqa rasaasta kala duwan laga maqlayay qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH : Dagaal Culus Oo Daqiiqado Ka Hor Ka Qarxay Deegaanka Suuqa-Xoolaha ee Muqdisho.

Posted to the Web Mar 21, 05:02

 

MOGADISHU: Iyadoo Dagaalada qaraar ee Muqdisho ka qarxay ay sii laba-lixaadsanayaan daqiiqad kasta ayaa daqiiqado ka hor waxaa dagaal culus uu ka bilowday Deegaanka Suuqa Xoolaha.

 

 

Wararka aanu xilligan ka heleyno Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay kasoo galeen dhanka Deegaanka Dermooley ilaa xerada Maslax oo duleedka ka ah Magaalada.

 

 

Kooxaha dagaalka kula jira Dowladda ayaa iyaguna dagaal xoogan kala hortagay Ciidamadaasi oo doonaya in ay gudaha usoo galaan Magaalada, sida ay dadka deegaanku xaqiijinayaan.

 

 

Dagaalka Suuqa Xoolaha ayaa waxaa la isku adeegsanayaa Hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu danbeeyay dagalada Muqdisho ka socda

21 Mar 21, 2007 - 7:44:43 AM

 

 

 

 

Dagaalkii saakay ka bilowday xaafada Shiirkole ilaa wasaaradii hore ee Gaashaandhiga Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta ku fiday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

 

 

Qeybaha uu dagaalka ku fiday waxaa kamid ah agagaarka Hotel Ramadaan ee Waqoyiga Muqdisho iyo duleedka xaafada Suuqa Xooalaha.

 

 

 

Dagaaladan ayaa waxa ku dagaalamaya ciidamada DFKMG ah iyo ciidanka Ethiopia oo garan ah iyo Malishiyaad loogu magac darey kooxaha wax iska caabinta iyadoo ay jiraan qasaaro lixaad leh oo soo gaaray dadweynaha ku dhaqan goobahaas.

 

 

Duleedka Suuqa Xoolaha

 

 

 

Duleedka xaafada Suuqa Xoolaha oo la sheego inay tahay goobta dagaalka maanta laga soo abaabulay ayaa duhurnimadii maanta dagaalka culus ka bilowday gaar ahaan deegaanka Darmooleey.

 

 

 

 

Maxamed Cabdi oo ah nin waayeel ah isla markaan kamid ah dadka ku dhaqan Darmooleey oo halkaasi ugu soo qaxay ayaa GO u sheegay in duhurnimadii maanta ay ciidamada Dowlada bilaabeen inay usoo dhawaadaan xaafada Suuqa Xoolaha kadibna uu dagaal xoogan halkaasi ka dhashay.

 

 

Maxamad Cabdi ayaa sheegey in dagaalka uu ahaa mid culus isla markaana u muuqdey mid leysu adeegsanyo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

 

Agagaarka Hotel Ramadaan

 

 

 

Dagaalka ayaa sidoo kale ka socda agaarka Hotel Ramadaan ee Waqooyiga Muqdisho halkaaso qasaaro xoogan ay kasoo gaartay dadweynaha ku dhaqan xaafadada u dhow dhow.

 

 

 

Ciidamada Dowlada ayaa xiray waddooyin u dhow Hotelka Ramadaan kuwaaso rasaas xoogan halkaasi ka gamaya.

 

 

 

Ciidamada loogu magacdaray wax iska caabinta ayaa la sheegay inay galabnimadii maanta heleen ciidamo gurmad ah kuwaas oo kor u qaadey xowla dagaalka.

 

 

 

 

Qasaaraha Dadweynaha

 

 

 

Xaafada Laba Dhagax ayaa waxaa kusoo dhacay madfac xoogan kaaso galaaftay nolosha saddex ruux halka 4 kale uu dhaawac culus u geystay, iyadoo madfac kale uu ku dhacay agagarka Isbitaalka Al-xayaad ee Muqdisho kaaso isna galaaftay nolosha afar ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 9 qof sida ay goobaha caafimaadka xaqiijiyeen.

 

 

 

Qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu arkayay qax xoogan oo dadweynaha ay wadaan kuwaaso ka qaxaya dagaalada Muqdisho maanta ka bilowday.

 

 

 

Isku soo duuboo dagaalka ayaa ilaa iminka socda waloow uu yara qaboobay marka loo eego sidii uu saakay u bilowday, waxaana Muqdisho oo dhan laga maqlayaa mararka qaar dhawaca Madaafiic cul culus ee labada dhinac ee dagaalamay adeegsanayaan.

 

 

Cabdi Fatax Axmad,Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

So now, Hiiraan is a 'emotional' site ? Niiiiiiice. What do you make of Allmudug.org with such wonderfully neutral terms like "Kooxaha rabshada wado" and "Kooxaha labaxay muqawamada" ?

 

Forget that. Is the BBC World service & Mohamed Olad Hassan reliable or emotional ? Cuz 2 hours ago, I heard him say government troops were and I quote "overrun". Maybe he caught the emotional bug too ?

 

Sheesh. Some people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

dum as TFG they tried to practice divide in rule tatic , let by former warmongers like dhagaxure and salad jeele .

 

 

its not only south of xamar sxb as you like to paint it , what happend in hotal ramadan and etc .,

 

 

the only solution to this is TFG must evacuate xamar sxb while they still have time . The people are supporting entity of tfg but the policey is all wrong sxb .

 

 

Duke is source based on websides only sxb , why dont call xaamar sxb since you claim you have relatives there .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I have not been able to call Mogadishu yet, I will try to speak to them in a short while insha Allah my aunt lives in Huriwa & I think the clashes has reached there.

 

Bambo the morar attackers have had no room to manuever and hence this stand off.

 

The clashes so far have not caused that much damage.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

IRIN reporting:

 

They [government forces] came less than an hour after morning prayers [5am]. As soon as they tried to move into the area they met stiff resistance [from residents]," he said.
Government forces were pushed back
, towards the former defence ministry headquarters, where Ethiopian troops are based, he said, adding that residents were "quickly joined by courts militias [remnants of the Union of Islamic Courts]".

I have seen up to 30 government soldiers captured," the journalist said

Hordatha ka kac. You insult the intelligence of SOL's readership when you post articles from tabloids as journalism reporting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin ku saabsan qasaarihii ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Ex-wasaaradii gaashaandhiga iyo dagaal kale oo galabta ka qarxay duleedka suuqa xoolaha ee Muqdisho

 

Ilaa 20 ruux dad kor u dhaafaya oo ay ka mid yihiin 10 ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa ku dhintay halka 70-kalena ay dhaawacmeen ka dib markii qeybo badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ay maanta hareeyeen Dagaalo qaraar oo u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo maleeshiyooyin ka soo horjeeda, kaasoo aroornimadii hore ee saakay qarxay.

 

Dagaalkan oo saaka bilowday deegaanada ku xeeran Ex-wasaaradii hore ee Gaashaandhiggga, xeradii Oodweyne ilaa isgoyska Shiirkole ayaa duhurnimadii maanta aagagaasi ka qaboobay, isagoo hase ahaatee u wareegay deegaano kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho sida duleedka suuqa Xoolaha oo imika laga maqlayo Hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta cul culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac, waxaana Dagaalkan uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo lagu arkayay wadooyinka magaalada Muqdisho boqolaal qoys oo gacamaha ku sita caruur iyo allaabo kuwaasi oo isku dayayey iney u baxsadaan deegaanada ku dhow dhow magaalada Muqdisho si ay uga badbaadaan rasaasta habowga ah ee la is dhaafsanayey.

 

Dagaalyahanada dagaalka kula jira ciidamada dowladda federaalka iyoi kuwa Itoobiya ayaa soo bandhigay maxaabiis gaaraya ilaa 7 nin oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo qaarkoodna ay dhaawacyo qabaan, waxaana la arkayey dad careysan oo wadooyinka ku jiidaya meydadka qaar ka mid ah ciidamada dowladda federaalka, waxaana qaarkood meydadkaasi la qabadsiiyey dab, iyadoo dhinaca kale dagaal soconayey muddo saacad ah uu ku dhexmaray duhurnimadii maanta kooxaha kacdoonka wada iyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka iyo madaafiic kala duwan oo qasaare badan uu ka dhashay.

 

Madaafiic waaweyn ayaa waxa ay ku soo dhacayeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho oo dad rayid ah dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen waxaana xaafadaha la xaqiijiyey in madaafiicdaasi ay ku soo dhaceen ka mid ah Baar Ubax, deegaanka labo Dhagax, garoonka kubada cagta ee Istaadiyo Muqdisho, Towfiiq, Black sea, Al-Baraka iyo meelo kale oo aad u fara badan oo ka tirsan magaalada waxaana dhaawacii ka dhashay madaafiicdaasi oo u badan haween iyo caruur la kala dhigay qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho sida Madiina, Keysaney iyo kuwa gaarka loo leeyahaay intaba, iyadoo dad boqolaal gaarayana ay u qaxeen qaar ka tirsan magaalooyinka deriska ah la ah magaalada Muqdisho sida Afgooye, Marka, Wanle weyn iyo kuwa kale, waxaana lagu soo waramayaa in qaar ka mid ah dadka ka barakacay guryahooda ay kooxo burcad ah wadada u galeen, iyagoo ka furtay wixii hanti ah ee ay heysteen.

 

Xaalada goobihii ay saaka oo dhan ka socdeen dagaalada ee Ex-wasaaradii gaashaandhiga ayaa hadda xasiloon inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah oo deegaanadaasi ka soo dhaceysa, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda federaalku intii ay dagaaladu socdeen ay u gurteen gudaha xarunta gaashaandhiga oo sidoo kale ay ku jiraan ciidamada Itoobiya, iyadoo maleeshiyooyinka kacdoonka wadana ay ku sugan yihiin deegaanaada ku xeeran xaruntaasi, waxaana sidoo kale lagu waramayaa in ciidamada dowladda oo xalay galay xerada Oodweyne laga soo saaray saaka iyagoo halkaana uga soo tegay meydka ilaa 3 askari oo iyaga ka tirsan.

 

Dhinaca kale, dagaal qaraar ayaa abaara 2:30 duhurnimo ka qarxay deegaanaada u dhexeeya xerada Maslax iyo suuq-yaraha Dermooley oo ku yaala duleedka Suuqa xoolaha wadada Muqdisho uga baxda dhinaca Balcad, waxaana la sheegayaa in ganacsigii ka socday deegaanadaasi iyo isu socodkii dadka uu joogsaday, waxaana dagaalkaasi uu u dhexeeyaa kooxaha kacdoonka wada ee magaalada Muqdisho iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka oo iyana dhinac ah, waxaana labada dhinac ay haatan isweydaarsanayaan rasaas culus iyo madaafiic.

 

Dagaalka maanta oo ahaa mid aan waxba la isula harin ayaa ahaa kii ugu xumaa ee magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo intii ay caasimada yimaadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya dabayaaqadii bishii Disembar ee sanadkii hore.

 

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this