Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: Fighting amongst clan courts militias results in deaths:

Recommended Posts

Maxkamada oo ku dagaalmey degmada Jowhar

14 Nov 14, 2008 - 12:30:43 AM

 

Ugu yaraan laba qof oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa ku dhintay dagaal duleedka Jowhar ku dhexmaray laba maleeshiyo oo ka wada tirsan Maxkamadaha Islaamka.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya maamulka Gobolkaas; balse madaxda gacanta ku haya gobolka ayaa dagaalka ku tilmaamay mid ku dhacay si lama filaan ah.

 

Macalin Daahir Cadow Calasow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada kooxood ee dagaalamay ay ka wada tirsanaayeen Maxkamadaha, dagaalkooduna uu ahaa mid ku dhacay aqoonisdaro.

 

"Taliye ku xigeenkii saldhiga Jowhar ayaa ka mid ah labada qof ee dhintay, waxaana kooxda weerarka soo qaaday ay ku raad-joogeen burcad dhibaatooyin ka wada wadada isku xigta Hiiraan iyo Sh/dhexe" ayuu yiri Macalin Daahir.

 

Warar kale oo madax banaan ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan ay soo qaadeen kooxo taageersan Sheekh Yuusuf Tuurxume oo sheeganaya inuu yahay gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe.

 

Mas'uul u hadlay Sheekh Yuusuf Tuurxume ayaa sheegay in Maleeshiyada taabacsan Macalin Daahir ay xoog ku haystaan gobolka, ayna diideen inay maamulka wareejiyaan, sidaa daraadeedna ay goosteen inay xoog adeegsadaan.

 

Keliga Shiinaha oo ay howlo dayactir ah ka wadeen Maleeshiyo taabacsan Macalin Daahir ayaa la sheegay in laga eryay oo ay haatan ku sugan yihiin Maleeshiyo taageersan Sheekh Yuusuf Tuurxume.

 

Dhaqdhaqaaqyo xoogan ayaa ka taagan degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe, kuwaasoo ka dhashay weerarkii ka dhacay duleedka Jowhar, iyadoo dadka gobolkaas ay cabsi weyn ka qabaan in korkooda lagu dagaalamo.

 

Garowe Online, Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Taliye ku xigenkii ciidamada Maxkamadaha ee saldhiga Jowhar oo ku dhintay iska horimaad

14. November 2008

 

Jowhar(AllPuntland)-Isku dhac kedis ah ayaa ciidamo ka wada tirsan Maxkamaddaha Islaamiga ku dhex maray Keliga Shiinaha oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe halkaasi waxaana ku geeriyooday sarkaalka la yiraahdo Sheekh C/salaan, waxaana ku dhaawacmay hal ruux.

 

Isku dhacan ayaa yimid kadib markii ciidamo kale oo Maxkamadaha ka tirsan ay gaareen halkaasi, waxayna baadi goob ugu jireen kooxo burcad ah oo dad rayid ah ku dilay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Mahadaay, waxaana si kedis ah dagaal gaaban u dhex maray ciidamadaasi, iyadoo uu ku geeryooday Sarkaalkaasi oo la sheegay in uu ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada ee xabsiga magaalada Jowhar.

 

Sarkaalkan geeriyooday ayaa la sheegay in maalmahan uu ku sugnaa Keliga Shiinaha isaga iyo ciidamo uu watay, waxayna ku maqnaayeen Gadood ahaan, balse isku dhacan ayaan aheyn mid gadoodka ka dhashay.

 

Khilaafka Saraakiisha Maxkamaddaha ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa mudooyinkan soo badanayey iyadoo Guddoomiyaha Isbaheysiga Asmara garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sh. Axmed oo soo gaaray Jowhar uu xaliyay khilaafaadka jira, balse imaanshahiisa ay sii dhalisay khilaaf kale, waxaana jira warar sheegaya in maamul cusub loo sameynayo Gobolka Sh/Dhexe, kaasoo ay u badnaan doonaan xubnaha saraakiisha ah ee taabacsan Shekh Shariif.

 

AllPuntland, Jowhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyo ka wada tirsan maxkamadaha Islaamiga ah oo isku laayey Sh. dhexe

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad culus oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyey uu dhexmarey maleeshiyaad ka wada tirsan maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya gobolka Shabeelaha dhexe.

 

Iska horimaadkan oo geystey khasaare dhimasho ayaa waxaa dadka ku dhintey ka mid ahaa taliye kuxigeenkii ciidamada maxkamadaha Islaamiga ah ee gobolka Shabeelaha dhexe halka laba kale oo ka mid ahaa maleeshiyaadkaasi ay sidoo kale ku geeriyoodeen dagaalkaasi.

 

Tafaasiisha ku saabsan iska horimaadkan ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan waxaa jira warar sheegaya in ciidamadaasi ay ku murmeen jidgooyo ay halkaasi dhigteen koox ka mid ah maleeshiyaadka Islaamiyiinta ee deegaankaasi ka taliya, waxaase jira warar kale oo sheegaya in iska horimaadku uu yimid ka dib markii ay isku dhaceen laba ciidan oo ka wada tirsan maxkamadaha oo isku khadmay.

 

Sheekh Daahir Cadow Culusow oo ka mid ah masuuliyiinta maxkamadaha ayaa sheegay in dhacdadaasi oo ka dhacdey Kanaalka Shiinaha ay ahayd mid kama ah oo aanay jirin wax colaad ah, waxaana uu sheegay in ay isku dhaceen laba ciidan oo ka mid ah maxkamadaha oo iyagu si kala gooni ah ugu raad joogay kooxo isbaaro dhigtey wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

 

Gobolka Shabeelaha dhexe oo ay badi gacanta ku hayaan maxkamadaha Islaamiga ayaa waxaa laga soo sheegayaa falal amaan xumo oo geeray heer aad u sareeya, waxaana soo badanaya dilka dadka rayidka ah iyo waliba falalka kale ee burcadnimada hubaysan, iyadoo dadweynaha deegaankaasi ay amuurtan ku eedeynayaan maamulka deegaankaasi oo ay ku sheegeen in uu gacmaha ka laabtey waxka qabashada falalkan amaan xumo.

 

Axmed Aar

SBC International Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

According to the leader of Jowhar, it was an accident that happened, when a unit set out to capture bandits incidently fired upon their brethren.

 

So his word against yours.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this