Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dadka Yaan La Iska Hor Keenin

Recommended Posts

AYOUB   

^^ You do when Afnugaal suits you. Anyways, here's saxiix Garowe Online quoting the late wise man (AUN) when Col. Yey and Cadde Muuse ignited this crisis. There definitely three sides to this story...

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Xiin

Siilaanyo is an old soul indeed and I appreciate the fact that he at least tried to speak out against what transpired in Xamar. But as noble sentiment as his clearly was, still it was a stillborn one adeer, and I blame Ethiopia for it! How else would you explain for Siilanyo to reproach Ethiopia on a one hand, and fly and visit the darn place among Somaliland delegation on the hand meeting of course the same policy makers who devised the atrocities in Xamar! Now that needs a lot of explaining,

Is that really you Xiin? Should Siilanyo stay at home?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Northern my brother if you think Ethiopia controls only the south and Puntland you are a disappointment. Siilaanyo is a politician and in the system. He can’t escape from the reality that’s Ethiopia.

 

Read today’s news below saaxiib!

 

==================================================

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) - Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku siisay 23 suxufiyiin ah oo ka soo qaxay magaalada Muqdisho inay 24 saacadood dalka Somaliland.

 

Suxufiyiintaas oo ka soo firdhaday dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, waxa martigeliyey oo ku qaabiley Hargeysa ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ururrada caalamiga ah ee daneeya saxaafadda iyo xuquuqul Insaanka la socodsiiyey xaaladda suxufiyiintaas.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad oo saaka suxufiyiintaas ugu tegey guri ay deggan yihiin oo magaalada Hargeysa ayaa ku wargeliyey inay muddo 24 saacadood ah kaga baxaan dalka, isaga oo u sheegay in joogitaankoodu uu wax u dhimayo nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland.

 

Taliyaha Booliska oo markii uu suxufiyiinta ugu tegey guriga ay deggan yihiin ay la socdeen masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta ee SOLJA wuu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo dembiyada nabadgelyada wax u dhimaya ee weriyayaashu ku kaceen iyo sida joogitaankoodu u waxyeelaynayo nabadgelyada Somaliland.

 

Hase yeeshee, Taliyaha Booliska, Maxamed Saqadhi, waxa uu BBC-da u sheegay in weriyayaashu ay faafiyeen arrimo ku lid ah Somaliland, isla markaana ay iska horkeenayaan Somaliland iyo waddamada deriska ah, isaga oo si gaar ah u xusay dowladda Itoobiya.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta ururka SOLJA, ciidamada Booliska, laanta Baadhista dembiyada oo maalmihii dabagal ku haysey suxufiyiintaas ayaa la xidhiidhay madaxda ururkaas, waxna ka weydiiyey suxufiyiinta reer Muqdisho ee maganta u ah. Waxayna CID-du u sheegtay madaxda ururka SOLJA inay yimaaddaan xarunta CID-da maanta, si ay uga warbixiyaan arrinta suxufiyiintaas.

 

Hase yeeshee, saaka markii ay tageen xarunta CID-da ayaa taliyaha Booliska, Maxamed Saqadhi Dubbad, waxa uu ka dalbaday inay geeyaan guriga ay deggan yihiin suxufiyiintu, waxana u horkaceen guri suxufiyiintaas la dejiyey, halkaas oo uu suxufiyiinta ku siiyey amarka inay dalka ka baxaan.

 

Amarkan Taliyaha Boolisku waxa uu soo baxay, kadib markii suxufiyiintaas ay maanta ugu tageen guriga ay deggan yihiin saraakiil ka socotey hay’adda Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International, kuwaas oo xogwaraysi la yeeshay.

 

Waxaana la filayaa in xukuumaddu ka baqday in suxufiyiintaasi ay siiyeen Amnesty International xogo ku lid ah dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyo in ciidamadeedu ay geysteen xadgudubyo iyo tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul Insaanka.

 

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska, Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa lagu tilmaamaa inuu si gaar ah ugu xidhan yahay dowladda Itoobiya oo uu kala shaqeeyo dhinaca ammaanka wakhtigan iyo ka hor intii aan xilka loo magacaabinba.

 

Dhinaca kale, Masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaa ka gaabsaday inay wax war ah ka bixiyaan, iyaga oo rajeynaya in waanwaan arrinta lagu dhammeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Booliska, Maxamed Saqadhi, waxa uu BBC-da u sheegay in weriyayaashu ay faafiyeen arrimo ku lid ah Somaliland, isla markaana ay iska horkeenayaan Somaliland iyo waddamada deriska ah,

You can see if you want to see ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this