Sign in to follow this  
Xudeedi

The Garowe Clan Enclave Further Looses Grip on Political Direction

Recommended Posts

Xudeedi   

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyey BBC in gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu ku saxsanaa in aanu soo xaadirin kalfadhigii baarlamaanka ,oo maqnaashihiisu ahaa mid aan sharci ahayn cududaarna lahayn,sidoo kale Wasiirka warfaafinta Puntland wuxuu gurigiisa Muqdisho ugu tegay Wasiirka kaluumaysiga dawlada KMG CabdiRaxmaan Ibbi.

 

 

Bulshada reer Puntland ayaa hada labo u kala qaybsan oo kala ah Punlandta Garoowe oo ah kuwa taageera dagaalka Galgala hor joogana uu ka yahay Cabdiraxman Faroole, iyo Puntlandta kale oo ah bulshada inteeda badan oo aaminsan in dagaalka Galgala uu yahay mid dhaqaale doon ah laguna gor gortamayo kursi siyaasadeed waana kuwa soo jeeda Gobolada Sanaag, Sool,Cayn,Haylaan iyo gobolka Bari intiisa badan.

 

 

Madaxa Puntlandta Garoowe Cabdiraxmaan Faroole ayaa isaga oo ka hadlaya khilaafka u dhaxeeya Madaxweynha Dawlada KMG Sheekh Shariif iyo Raisawasaarihiisa Sharciga bal maray Cumar Cabdirashiid wuxuu eeda dusha ka saray Madaxweyne Shariif isaga oo ku taageeraya RW Cumar qabiil ahaan iyo in ay Beel ka soo wada jeedaan ,isaga oo sheegay in ay Wiilkooda ay la hadli karaan isla mrkaana tusaayey Beelaha kale oo soomaaliyeed oo dega Koonfurta , in uu ugu awood sheeganayo degaano dagaalo ka socdaan oo horay loo oran jiray Puntland bulshadeedunab ay yihiinn kuwo kala qaybsan n ayna ku kala qaybsan yihiin qabiilkan foosha xun oo Raisawasaarihii Soomaaliya oo Soomaali oo dhan u ah Raisa Wasaare lagu leeyahay ama loogu yeerayo waanu ceshanaynaa "Wiilakayaga" halkii ay ka ahayd in loo noqdo baarlamaanka.

 

 

Cabdiraxmaan Faroole ayaa caasimadaha geeska Afrika u kala gooshaya isaga oo Jihaad ugu jira in Kursiga Beesha hada haysato, aan cid kale gacanta u gelin,halka degaanadii uu ka wakiilka ahaa ay ka socdaan dagaalo dadkuna ay ku dhimanayaan maalin walba ,laguna jiro xiligii kala guurka Beelaha Puntland

 

 

Cabdiraxmaan Faroole oo siyaasadiisa Puntlandta Garoowe noqotay jar iska xoornimo ayaa hada waxay u muuqataa in Siyaasadiisa ku aadan federaalkuna ay tahay waxa loogu yeero ka daroo dibi dhal ka dib markii ay siyaasada ku saaxiibeen Ibbi iyo Shariif xasan isaga oo ka bilaabay amaantooda Idaacadaha.

 

 

Horaantii Sanadihii sagaashankii markii ay ugu xumayd dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya oo Bulshada hada ku nool Puntland intooda badan oo ka bad baday dilkii iyo kufsigii ay ahaayeen kuwa qaxaya waxa jiray siyaasi kale oo sida maanta Cabdiraxmaan Faroole saaxiib uga dhigtay Ibbi iyo Shariif Xasan si uu kursi Beel u ilaaliyo, isaguna u tegay Muqdisho si uu kursi ina gumeed u helo isaga oo ka raadsaday Hogaamiyihii hore ee jabhada USC Allah ha u naxaristee Caydiid kaasina wuxuu ahaa Cabdulaahi Yuusuf.

 

 

http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=5960

 

 

Ugu danbayntii Cabdiraxmaan Ibbi iyo Shariif Xasan oo ahaa kuwii mashaariicdii loogu talo galay Bulshada reer Puntland ka hor istaagay una saxiixay dawlado kale sida Jabuuti in maanta laga amaano Idaacadaha looguna tago guryahooda sida Ibbi lagana baryo in Rw Cumar la daayo waa siyaasad ceebays ahna mid fashil ah waxna loogu dhimayo Bulshadii dhowrka boqol Salaadiinta iyo Garadada lahayd waana mida soo fududaynayasa kala taga Puntland

 

 

Allsanaag.com khaalid1970@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this