Sign in to follow this  
Maaddeey

Indhacadde: Ra'isulwasaaruhu waa Shabaab

Recommended Posts

Maaddeey   

Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo ahaa wasiiru dowlihii Wasaarada gaashaandhiga Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali oo saacado ka hor la shaaciyay in ay dhacday oo maanta saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku eedeeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke in uu dhibaatooyin badan ku hayay wasaaradihii kala duwanaa ee xukuumadii dowladda KMG, waxaana uu sheegay in uu doonayay Ra’iisul wasaarahaasi in uu gacanta u galiyo dalka xoogaga ka soo horjeeda dowladda.

 

Waxaa uu sheegay Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde in dowladda KMG Soomaaliya markii uu ku soo biiray isaga ay ka talinaysay qeybo farabadan oo ka mid ah magaalada Muqdisho haatana uu sheegay inaysan dhaafi Karin wadada makka Al Mukarama waxaana uu sheegay in taasi uu sabab u yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukumadii dowladda KMG oo doonayay in aysan dowladu wax hormar ah gaarin, waxaana uu intaasi raaciyay sidii loogu magacaabay wasiiro dowlaha wasaaradii gaashaandhiga in uusan wali ka talin wasaaradaasi, isagoo intaasi ku daray in uu ka talinayay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo sidii uu rabo ka yeelanayay sida uu hadalka u dhigay.

 

Wasiiro dowlihii Wasaarada gaashaandhiga ee Xukuumadii la riday Sheikh Yuusuf Indhacadde ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladii 4 maalmood ka hor ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodon ciidamada dowladda looga awood roodaaya kadib markii sida uu sheegay ciidamadu ay waayeen saanadii militari ee ay ku dagaalami lahaayeen isagoo tilmaamay in xiligii uu dagaalku uu socday Ra’iisul wasaarihii hore ee Sharma’arke uu ku amray ciidamada AMISOM inaysan wax hub ah siin Karin ciidamada ka dagaalamaya agagaarka Fagaaraha Tarabuunka taasina uu sheegay in Cumar C/rashiid uu uga danlahaa inaysan wax hormar ah gaarin ciidamada dowladda.

 

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde ayaa ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumada Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke ee saacado ka hor dhacday, waxaana markii uu ku dhawaaqayay eedeynta Ra’iisul wasaarihii hore wajiga laga dheehan karay niyad jab ku aadan dagaalada uu kula jiro xoogaga hubaysan.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yaa tuug wax udhiiban kara. Indha Cade cid aamini karta malahan xattaa haddii aay run ka ahayd hadalkaas cid aaminaysa malahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Indhacadde iyo waallidiisii....Omar isagaa dameerkaanoo kale markii uu wasiir ka dhigtay ka mas'uul ah inuu sidaan u hadlo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Indhocade caadi ma aha waa jirjiroole. Waxaa fiican inay Al-shabaab qalaan. Caku Al-shabaab canooleeyda unbay qalaan raga qalitaanka u baahana markay qabtaan way siidaayaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^The funny thing is: Siduu moodaayey (Indhocadde)waa noqon weysay oo Boss-kiisii wuu joogaa!, tolow muxuu sheegi doonaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...I think kan in la ceyriyo ayaa habboon...awalba wixii wasiir ka dhigay way khaldanaayeen. I can't stand this guy. If Maxamed Dheere, Darwiish and Xuubsireed are gone why not him too.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this