Sign in to follow this  
Liibaan

Sawirka Todobaadka:Maamulka SNM ee Siilaanyo Iyo Faroole oo Kulan Qarsoodi Ah Yeeshay

Recommended Posts

Liibaan   

Sawirka Todobaadka:Maamulka SNM ee Siilaanyo Iyo Faroole oo Kulan Qarsoodi Ah Yeeshay

 

Source: Qabiilnews .com (Somalidiid website)

 

Wasiiro3.jpg

 

 

Sawirkani waxa ka dhex muuqda Wasiirka Cadaalada Somaliland Ismaciil Muumin Aare iyo Wasiirka Kaluumaysiga ee maamul goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage iyo xubno ay kala wateen labadaasi wasiir oo ku kulmay todobaadkii hore dalka Danmark, kadib markii si isku mid ah loogu marti qaaday dalkaasi iyaga oo isku mansab ah kana kala socda laba gobol oo ka mid ah Somaliya, taasi oo ayna dawlada Denmark wax aqoonsi ah siinin Somaliland.

 

Waa markii u horaysay ee wasiir ka tirsan xukumada Somaliland uu kulan wada shaqayneed la qaato, madaxda dalka Somaliya taasi oo had iyo gooraale ay xukumadihii hore ee Somaliland ay diidi jireen in ay wada jir ula qaataan wasiirada dalkii la odhan jiray Somaliya ee lagala laabtay xornimadii 1960'kii

 

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa soo ifbaxaysa, in xukumada cusubi ay ku milmayso Somaliweyn oo aad iyo aad loogu xaman jiray, ka hor intii ayna ku guulaysan xukunka, sidoo kale xukumada Jabuuti oo ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland ayaa, xukumada cusub ay aad isugu soo dhawaadeen taasi oo muujinaysa in aan Jabuuti ka tanaasulin mawqifkeedii ee ay xukumada cusubi muujinayso dabacsanaan xoogan.

 

Hadaba sawirkani waa kii noociisa ah ee masuul ka tirsan Somaliland uu ku dhex milmo masuuliyiin ka tirsan Puntland Somaliya oo iyagu ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this