Sign in to follow this  
Dhubad.

Ergooyinka Shirka oo Kacabanaya Digir Habeenkasta Lagu Casheeysiiyo...

Recommended Posts

Dhubad.   

Ergooyinkii lagu soo qalday Shir kusheegga Dib u heshiisiinta oo ka cabanaya digir habeenkii casho ahaan loo siiyo iyaga oo Hotel kusugan.

 

waxa ay tiraahdaa Nimaan Dhul marin dhaayo maleh, Ergooyinkii lagu qalday kasoo qeybgalka Shir beenaadka la sheegay in lagu heshiisiinayo Beelaha Soomaaliyeed ee dib loo dhigay illaa Maalinta Khamiista ah sababo dhinaca Ammaanka ayaa waxaa lasoo gudboonaatay dhibaatooyin ku aadan dhinaca maaliyadda.

 

Ergooyinknai ayaa horey loogu wargeliyay in hoteelo la dejinayo Miisaaniyadooduna ay meel saartay Shaqaalaha Tikreega lakin taasi ayaa waxaa kasoo baxeysa cabasho aad u xoogan oo ku aadan in Miisaniyaddii aanay waxba ka heynin.

 

Ergooyinkani qaarkood oo aanu kula kulannay Hoteelada ay Muqdisho ka degan yihiin ayaa waxyaabaha ay nagula kaftameen waxaa kamid ahaa “hoteelada ugu raqiisan Muqdisho ayaa nala dejiyay hadana waxaa naloo maamulaa sida maxaabiis oo kale, waayo xittaa habeenkii Digir bay casho ahaan inoogu keenaan iyadoo la ogsoon yahay in qaarkeen ay digirtu dhibeyso, :D waxaana codsanay in lacagta nala siiyo oo aan inagu ka dalbano qolada Maqaaydaha waxa aan dooneyno lakin ma aanu helin” ayuu nagula kaftamay mid kamid ah ergooyinka lasoo qalday ee Muqdisho lakeenay.

 

Sidoo kale waxa ay si aad u uga cabanayeen in aanay heysannin wax tix gelin ah oo Magaalada Muqdisho aanu jirin meel ay uga gudbi karaan goobaha uu shirka ka dhacayo iyo hoteelada ay degan yihiin mooyaane.

 

Dhibaatadaasi ayaa waxa ay sababtay in ay ka cararaan Magaalada Muqdisho waliba si dhuumaaleysi qaar katirsan ergooyinkii, waxaana soo badali doona ergooyinka cararay qaarkood dad muqayiliin ah oo ka bixi kara barnaamij cayaal suuqeedka Muqdisho lagu dhoodhoobayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

What happened to the conference budget ? If they can't even feed the delegates how do they expect them to reconcile while their stomach is empty?

 

Mise lacagtii sadex geesood (Ali Nafto, Yey & Geedi) ayaa loo qaybsaday ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^Yaab badanaa..Kan waxaas qoray caruur waaba kaliitaa looool..Desperate ******** igadheh..wuxuu qoro muu waayay...Af-miyaa Tigree la iskaga celiyaa...Sxb were is the source? I thought only Yeey supporters hide their news sources???

 

AF WAAKAN MAYLE KA AAME!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warkaan ii dheh, oo dacaayadnimo bilaash loo qoray, oo mid dhab ah uma eko.

 

Let's, however, assume it is war dhab ah.

 

Awalba shirkaan qaaf iska ahaa, oo magaca dib u heshiin ku dheelay, sida dhowr hore loogu tuntay magacaas, laakiin kuwaan ergadda sheeganaayo, oo haddana ka faantamaayo cambuulo -- a native to Soomaaliya and Soomaalis -- ma waxee rabeen sabaayad in lagu casheysiiyo, bariis ama baastana qado loogu kariyo? Hindi, Shiinees iyo Talyaani mee ismoodeen?

 

Ma Nayroobi beentii hoteeladdii luxury wax loogu cuni jiray ayee meesha moodeen, markii shir walba lagu qabanjiray meeshaas?

 

Waaba ku fiicantahay. Cambuulo waa in la siiyaa habeenkii, qadadana soor, hiraabtiina canjeero iyo saliid macsaro haku quraacdaan. At least they will get three free meals a day, much better than malaayiin masaakiin badan oo Soomaaliyeed oo sabool ah oo hal meal ay cunaan xataa meel ay ka keenaan weysan, haddana la dulmiyo, some whom they say they represent for.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by Jabhad:

^Yaab badanaa..Kan waxaas qoray caruur waaba kaliitaa looool..Desperate ******** igadheh..wuxuu qoro muu waayay...Af-miyaa Tigree la iskaga celiyaa...Sxb were is the source? I thought only Yeey supporters hide their news sources???

 

AF WAAKAN MAYLE KA AAME!!

lool. Here is the source www.qaadisiya.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waryaa Dhubad naga kala aayar Qaadisiya & beenteeda. Beenta goortay xalaal noqotay ayaan garan la ahay dad wadaado isku sheegayo waaye haddana waxaan oo kale qoraya. Subxaanallaah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dabshid:

lool, Adeer anagu digirta riyaha baanu siinaa, Haduu warkani Jiro, meesha waa la gu dhintay.

Ninka digirta cunaa wuu seddex qadi karaa, armaa dhaqaale ahaan iyo ayadoo geedani meel kasta laga heli karo loo siiyey odayaasha. Mideeda kale waaba fiber rich dietry. Think economic adeer!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't trust qaadisiya but 32m kii wax aan digir ahayn way u goyn wayday ,,, hadii la rabo in suqaar la siiyo waa in budgetka la kordhiyo lagana dhigo 45m

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this