Sign in to follow this  
Siciid1986

Increasing rate of corruption in Somaliland Army

Recommended Posts

Waxa lay Magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Qaybta Gobolka Badhan, kadib markii Madaxweynuhu bixiyey Gobolnimada Badhan, waxaan xilkii kala wareegay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Sanaag oo ah gobolka uu ka go’ay ciidanka masuulka la iiga dhigay.

 

Waxaa muran badani nagu dhexmaray lacagtii ugu horeysay ee mushaharka Askarta Xabsiga, G/Badhan oo aaan kala wareegayey taliyaha Sanaag, dacwad dabadeed uu ii dhiibay 27 Askari, Halkii tiradoodu ka ahayd 36 Askari, Su’aal dabadeed waxaanka qaaday cadayn uu ku muujinayo in Taliska Guud la hadho Sagaal Askari ee maqan.

 

Haddii aan damcay in aan kala hadlo sidii aan markaa sharciga u haystey, hogaanka Maamulka lacagta ayaan kala hadlay af (Telefoon), haddana qoraal aan ogaysiiyey Masuuliyiinta kale, hadana Taliyaha Ciidanka.

 

Malaha maba ahayn halka aan ka Haneeday ee waxaan galay Beertii LIbaaxa oo xisaabiyaha Ciidanku isagaa meesha ka adama kana aqiima, jawaabta aan sugayey iyo in layga qanciyo meesha xuquuqda Askarta ee dhinaca lacagta ay ku laalan tahay, waxay noqotay, XIlkii waa lagaa qaaday si deg-deg ah, odayaal, maamulkii Gobolka qoraal ay soo qoreen kadib, oo ay ku dalbanayaan in aanan mudnayn Xil ka qaadista madaama aan eed lahayn wuxuu Taliyaha Ciidanku yidhi waan kugu gefey hadana nin ayaan magacaabay muddo yar dabadeed labo digreeto wada qori kari maayee aan kuu duceeye taliye xigeen Shaqeeya oo maamulkii isagu wada hawlaha adigu noqo ( Taliye Kuxigeenka).

 

Mudada yare e Shaqada iyo Dacwada waday waxaan ogaaday in ay jirto shabakad isku xidhan, Taliye degmo badhan qof ahaan muddo dheer iyo taliyaha Qaybta Ciidanku ka baxay (Sanaag) & Xisaabiyaha Guud ee Ciidanka (Waa iskaashato Awood badan meeshana ku raagay oo dhawr iyo toban sano xilka soo hayey Taliyaha Ciidankana Galeebaan yaqaan oo lama dhex fadhiisto.

 

Nadaamkii Ciidanka mid ka awood badan oo lagu caano maalay baa jira anigu wararka waan helayaa, waxaan se kaga meel cadahay in aan ogaado meesha sagaalka askari lacagtoodu marto bal in aan markaliya iftiin u arko dhuunta ay ku shubmaan, isla markii warqadii aan soo qaaday mar labaad ee aan ku idhi Taliye Kama go’odo 36 Askari (Sagaal Kama go’aan) wuxuu soo dadajiyey Warqad Ruqsad ah, tii hore hadday ahayd xilka qaadis tani waa ruqso.

 

Waxaan Markaa Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka iyo Hay’adaha ilaalinta sharcigaba ka codsanayaa in la daba gallo lana baadho arrimahaas aan kor ku soo sheegay, aniguna diyaar ayaan la ahay cadaynta bixinta xogo wixii loo baahdo.

 

Maxamed Xasan Axmed, Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Gobolka Badhan

 

http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=12910&categ=2&expand=2/&file=view_article.tp

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

the vast majority of somaliland budget goes into the different forces mainly the millitary... so somaliland should have checks and balance to make sure the money is spent in the correct way and doesnt end up in peoples pockets.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this