Siciid1986 Posted August 21, 2009 DIBADBAXYO KA DHACAY MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE SOMALILAND Badi Magaaloyiinka Waaweyn sida Ceerigaabo Laascanood Burco Gabiley Berbera ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa maanta ka dhacay Dibad baxyo xoog leh kuwas oo ka mid ahaa Dibad baxayda ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE . Dibad baxa Laascanood ayaa la sheegay inu rabshado xoog leh keenay iyada oo la qab qabtay tiro dad ah oo kor u dhaafaysa 40 Ruux,sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay Askari Bilays ah. Dhanka magaalada Ceerigaabo ayaa iyadana ,laga soo sheegaya in Banaanbaxyo xoog leh ka dhaceen kuwaas oo lagu taageerayo Asxaabta Mucaaradka ah ee UCID iyo Kulmiye Beerta Xorriyada ee Ceerigaabo ayaa la sheegay in loo diiday Dibad baxayaasha inay gudaha u galan, in kasta oo u Dibad baxu ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn goobta loo diiday. Burco Caasimada Gobolka Togdheer ayaa iyadana Dibad Bax aad u weyn ka dhacay oo ay ka qayb galeen kumanaan dad ahi kaasi oo isagana looga soo horjeeday Qabka doorashoyiinka Somaliland uu u wado Rayaale laguna taageerayaa Mawqifka XIsbiyada Mucaaridka ah, waxana halkaasi isagu soo baxay Boqolaal qof oo ka mid ah taageerayaasha labada xisbi, in kasta oo Burco-na loo diiday Xarunta Khayriyada ee magaalada hadana wuxuu isku soo baxu ka dhacay xafiisyada Xisbiyada waxana u ku soo dhamaaday Jawi nabad ah. Dhamaan Dibad baxayda ka dhacay Somaliland waxay ku dhamaadeen jawi nabad ah marka laga reebo magaalada Laascanood ee Xurunta gobolka Sool. Hargeysa Burco CEERIGAABO Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted August 21, 2009 Its about the elections, I suppose. I wonder 'if' these elections will ever take place. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garyaqaan2 Posted August 21, 2009 qoftan dhaxda ku jirta oo idha shareerka iska qaaday maxaa ka qaldan. faishon miyaa indha shareerka? Maxaase is dhaxgaliyay dumarka iyo rag meel saan oo kale ah. waa su aalo aan aniga isweeydiiyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites