Sign in to follow this  
guraad

Adna Aadan oo hungo kula soo laabatay Hargeysa

Recommended Posts

guraad   

Wednesday Nov 13, 03

 

Hargeysa,(Somalicity) Mudo haatan laga joogo bil iyo in ka badan waxaa magaalada Hargaysa ka ambabaxay wafdi ay hor kacaysay wasiirada arimaha dibeda ee maamulka iskii isugu magacaabay somaliland Ms.Adna Aadan Dhakhtar, wefdigu wuxuu booqday wadamo dhawra oo ay ugu muhiimsanayd tii ay ku tageen USA halkaas oo ay ku tala jireen inay la kulmaan madaxwaynihii hore ee marayanka Mr. Jimmy Carter iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan maamulka hada talada haya, taas oo ku dhamaatay in Adna iyo waftigedii si toosa loogu cadeeyey in Somalia tahay dal keliya marnabana aan la aqoonsankarin wax intaa ka soo hadhay, waxaa intaa dheeraa in lagu booriyay in ay ka qayb qaataan shirka nabadaynta ee hada ka socda dalka kenya.

Halka Jimmy Carter uu isagu u sheegay dadka la shaqeeya inaanay u ogolaan in ay waftigaasi soo galaan xaruntiisa oo ku taala magaalada Atlanta, go`aankan uu qaatay Jimmy Carter ayaa lagu macneeyey inuu yahay mid uu ku ilaashanayo sharafkiisa siyaaasadeed iyo ka oday nabad dooneed ee uu maanta huwanyahay oo ay wax u dhimi karto haduu qaabilo qabqable dagaal(dagaal ooge) oo ka socda mid ka mida jabahada ku loolamaya Somalia.

Waxaa intaa dheeraa in shacabka somaliyeed ee ku nool wadanka maraykanku kala hor yimaadeen mawjado cadho ah oo iyagoo ugu baaqay waftiga in ay gacmaha kala baxaan shaqadan foosha xun ee ku dhex jiraan, sida ay noo sheegeen dad waftiga aad ugu dhawi waxaa iyana arintan oo kale ku haleeshay waftiga wadamada Erupoe ka dib markii si is daba jooga weeraro ba`an loogu qaaday dadkii safamalka ka shaqaynayay ee ku sugnaa gobolada Tog-dheer iyo Awdal waxaana si cad u beenowday hadaladii lagu maxaafsan jiray ee ahaa "waxaanu ka nimi dhul nabada", shacabka reer Hargeysana waxay hada waftigan ugu yeedhaan weftigii KADARE.

Dhinaca kale dadka indha indheeya siyaasada Somaliya ayaa waxay leyihiin talaabadani maaha oo keliya dhirbaaxo indhaha kaga dhacday maamulka iskii ula baxay Somaliland ee waa ka xoog badantahay haraati beerka lagaga dhuftay, waxayna si toosa u horgaysay xaqiiqadii ay indhaha ka laabanayeen iyagoo hada soo taabtay gidaarkii u dambeeyey

(dead end).

 

.Somalicity, Hargeysa

 

 

www.somalicity.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this