Sign in to follow this  
ANWAR

Dowladda Federalka Oo La Wareegtay Goobihii Dagaalada

Recommended Posts

ANWAR   

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu sheegay goor dhaweyd in ciidamada dowladda federalka iyo kuwa Itobia ey la wareegeen dhamaan goobihii ey dagaaladu ku dhexmarayeen iyaga iyo kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

 

Afhayeenka Madaxweynaha isla markaana ah Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ey ka guuleysteen kooxihii kasoo horjeeday dowladda eyna ka saareen dhamaan goobihii ey kasoo tuuri jireen hoobiyeyaasha, waa sida hadalka uu u dhigaye.

 

Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in ey ciidamada dowladda iyo kuwa Itobia ey iminka baacsi ku hayaan kooxahan oo galay xaafado cusub kadib markii ey ka awooda roonaadeen.

 

"Ciidamada dowladdu uma sii gudbi doonaan xaafado kale, mana kula dagaalameyso kooxahan, balse waxey dowladdu ka codsaneysaa shacabka deegaanadan ey iminka galeen kooxahan in ey iska soo saaraan", ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha.

 

Wuxuu intaa raaciyay Xuubsireed in dagaalki socday mudadii 3-cisho lasoo afjaray intiisa badan iminka balse ey hartay wali shaqo badan oo ey ku raadsanayaan kooxahan oo uu ku tilmaamay in ey yihiin argagixisada caalamiga iyo haraadigii maxkamadaha Ialaamka.

 

Dagaaladii ka socdau 3-cisho magaalada muqdisho ayaa waxa uu geystay qasaarooyin badan oo isugu jira naf iyo maalba, iyadoo xaafadahan dagaaladu ka socdeen laga barakiciyay dadkii rayidka ahaa ee daganaa xaafadahan.

 

 

Calanka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this