Sign in to follow this  
Member-sol-

Sheekhii Haybada lahaa

Recommended Posts

Sheekhi Haybada lahaa

 

 

WQ: ummabdallah

 

 

Inta jeer ee qeybtan lasoo booqday: [571]

 

-------------------------------------------------- ------------------------------

 

Currently 0.00/512345

 

 

 

Assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakatu

 

Bal ila akhriya waa qiso aad u macaan waxaadna ka helaysaan cibrooyin badan waxayna khusaysaa qof walba oo inaga mida ,

Qisadani waxay ka dhacday Tareen dhexdiisa.

 

Maalin maalmaha ka mida ayaa tareenku yeedhiyey siidhigii taas oo ahayd calaamad in uu dhaqaaqi doono, dadkii oo dhami waa soo koreen waxaana ugu danbeeyey dadkii soo koray Sheekh Haybad leh, Waxuu la kulmay dadkii oo wada qaatay qolalkii tareenka

 

Waxuu galay qolkii 1 aad mise waxaa ka buuxa ilmo yar yar oo cayaaraya waa salaamay salaantii ayey ka qaadeen iyaga oo ku faraxsan aragtida ay arkeen Sheekhan haybada leh, sababtuna sheekhan haybada lahi quluubtoodii ayuu faraxad galiyey, sheekhu waxuu waydiistay in uu la fadhiisto ? waxay ugu jawaabeen sidaada ayaan ugu sidnaa madaxa lakin anagu waxaanu nahay caruur jecel cayaarta waxaana ka baqaynaa in aad nagu diiqadooto sida anaguba aan uga baqayno in aad cayaartayada naga xayirto oo naga hor joogsatid, intaan iska kaa dhawrayno ee orod oo aad qolka nagu xiga, waxaan hubnaa in dadkadhan jecel yihiin in ay kula kulmaane.

 

Sheekhi haybada lahaa waxuu aaday qoklii 2aad waxuu la kulmay 3 dhalinyaro ah oo ay ka muuqato in ay diyaarinayaan Imtixaankii sanad Iskuuleedka ee ugu danbeeyey , sababtoo ah waxay haysteen qalabka handasada aadna waa u mashquulsanaayeen , sheekhi haybada lahaa waa salaamay wayna ka qaadeen iyaga oo aad u faraxsan oo wajigoodu farxad la nuurayo aragtida ay arkeen sheekha haybada leh , waxuu ku yidhi ma idinla fadhiisan karaa? Waxay ugu jawaabeen taasi sharaf ayey noo tahay lakin , sida aad aragto waxaanu mashquul ku nahay Imtixaanadkii iskuulka oo aanu isu diyaarinaynaa, sidaad aragto markaanu helno jawaabta hal su’aal mararka qaarkood codka ayaanu kor u qaadaynaa farxad darted, marka waxaan ka baqaynaa in qayladayadu ku dhibto, sidoo kale anaguna ma qaadanayno raaxadayada intaan ku dhowrayno ee aad qolka nagu xiga dadka oo dhami way ku farxayaan aragtida wajigaage,

 

Sheekhi haybada lahaa waxuu yidhi Ilaahay baan talo saartay waxuuna u dhaqaaqay dhinacii qolkii 3aad, waxuu kula kulmay Wiil iyo Gabadh ay ka muuqato in ay ku jiraan shahrul casal/ honeymoon kuwaas oo ku hadlaayey hadalo jacayl ku dheehan yahay, qosolo yaryar iyo indho jacayl, wuu salaamay wayna ka qaadeen oo ku farxeen aragtidiisa, waxuu waydiistay in uu la fadhiisto, waxay ugu jawaabeen waanu jecelnahay sidaada oo kale la fadhisashadaada, laakin sidaad aragtidba waxaanu nahay carusaan ku jira shahrulcasalkodi oo jawigayaga oo dhami yahay ka hadalka jacayl iyo dhalinyaranimo waxaana ka baqaynaa in aad raaxadada qaadan waydo sida aaanu anaguba uga baqayno in aad naga hor joogsato sheekhadayadii jacalka ahayd , ee aad qolka kale,

 

Waxuu aaday qolkii kale waxaana joogay laba qof oo ku jira dhamaadkii 30 meeyadoodi oo gacmaha ku haaya Khariidado dhul iyo Mashaariic oo ka hadlaaya ama isdhaafsanaya arimahooda mustaqbalka iyo siday u balaadhin lahaayeen mashaariicdooda, Sheekhi Haybada lahaa waa salaamay way ka qaadeen iyaga oo faraxsan waxuu waydiistay in uu la fadhiisto , waxay ugu jawaabeen taasi waxay noo tahay Sharaf in aad qolka nala wadaagtid, lakin sida aad aragto waxaan ku jirnaa bilawgii Tijaaradayada si aanu u helno maal badan , Fikradayaduna waxay mashquul ku tahay siday maal badan ku heli lahayd waxaana ku riyoonaynaa sidaan u oofin lahayn Riyadaas, hadalkayaguna kuligiis waa tijaaradaas ee aad qolka nagu xiga dadka tareenka saran oo dhami waxay rabaan la kulankaagee!

 

Sheekhi Haybada lahaa sidaas ayuu ku socday ilaa uu ka soo gaadhay qolkii ugu danbeeyey , waxuu kula kulmay Reer ka kooban Aabe, Hooyo iyo ilmahoodi oo qolka kama banaanayn meel cagta la dhigo Sheekhi Haybada lahaa waa salaamay wayna ka qaadeen oo inta aanu waydiisan ayay yidhaadeen Sheekhii Haybada lahaayow soo dhowow oo nala fadhiiso Ilamahiina dhabta ku qabsadeen , alaabtoodiina iskorsaareen Sheekhi Haybada lahaa waxuu fadhiistay kursi markuu daalay siduu u socday , Tareenkii baa istaagay meel oo waxaa soo koray nin gadaya Cunto Sheekhi ayaa u yeedhay oo yidhi reerka qof walba waxuu rabo sii anigana ii keen sandawiij jubin ah xisaabtana anigaa bixinaya , Rakaabkii tareenka saarnaa ee diiday in Sheekhu la fadhiisto ayaa ka shalaayey diidmadoodii hore

 

Waxaa soo koray hadana Nin Casiir gadaya sheekhii ayaa u yeedhay oo yidhi sii nooc ale noocay rabaan Casiirka anigana I keen casiir burtuqaal , rakaabkii tareenku indhaha ayey la raaceen iyaga oo shalaysan Sheekhi Haybada lahaa ee dhaafay

 

Waxaa soo koray Nin kale oo wada joornaalo iyo majalado Sheekhi ayaa u yeedhay oo u dalbay Hooyadii majalada Umm , Aabihiina al Du’aa Ilmiina Shabil al Caqiidah isaguna dalbaday Jornaalka Umat al Islaam wali waxay ku eegayeen Indho Shalayto iyaga oo leh , way oo way waxuu rabay in uu nala fadhiisto lakin anagaa diidnay, waxaase uga sii darnayd markii Tareenkii magaaladu u socday gaadhay, dadkii waxay la yaabeen sida ay Magaalada Askari u buuxdo oo meelwalba Ubax iyo Calamo loo sudhay.

 

Markiiba waaa soo koray Askari oo yidhi qofna yaanu soo degin, Ilaa uu ka soo dego Dayfkii Boqorku oo Boqorkii ayaaba sugaya in uu soo dhoweeyo Marti sharafkiisa Tolow waa ayo marti sharafkaasi ?

 

Marti sharafka Boqorku sugaayo waxuu noqday Sheekhi Haybada lahaa

Sheekhi Haybada lahaa waxuu yidhi dagimaayo kaligay ee waa in ay ila degaan dadkii i Karaameeyeyna oo waa in Boqorkuna soo dhoweeyaa oo sharfa , Boqorkiina waa ka yeelay oo dejiyey Qasri wayn, waxay rabaana siiyey iyo siyaado hadiyado, markaas ayey ahayd shalaytadii ugu waynayd ee ay shalaayaan dadkii Tareenka saarnaa, lakin waa goorma waa goor aanay shalayto waxba tarayn.

 

Markaynu kuwada raaxaysanay Qisadan

waxaa hadhay in aan is waydiino hal su’aal!

- waa ayo sheekhaas haybada lehi?

- Maxaanse u nidhi waa qiso qofwalba oo inga mida uu ah khaas? aniga, adiga, iyada iyo isaga kuli waxaan ugu nolayn second second, Waxaan hubaa in kuligiin garateen Sheekha Haybada lahaa aadna garateen sababta aan sheekhan u keenay!

Sheekha haybada lahaa ma ahayn ilaa DIINTA

 

Shaydan nacaladi korkiisa ha ahaate ilaa maalinta qiyaame waxuu ku dhaartay in uu jidka toosan inaga dhumiyo Ilaahayna subxaanu watacaala waa inoo sheegay khidadiisaas Ilaahay s.w waxuu yidhi macnaha aayada ( shaydaan waa cadawgiine idinkuna ka dhigta cadaw)

 

Waxuu hubaa ibliis haduu ku yidhaado Diintu waa xun tahay ama waxba ma idiin tarayso in aanu gaadhay Qaayadiisi ahayd in uu inaga dhumiyo dariiqa xaqa ah marka waxuu inooga yimaada albaabka ah Hadhow.

 

-Caruurta: in aan ilmaha diinta ku isltisaamiyo waa fiican tahay lakin wali waa ilmo oo waxay u baahan yihiin in ay cayaaraan marka Xaraam in aan hada xidh xidho ee HADHOW markay waynadan xooga ayaan barayaa diinta oo ay iltisaamayaan.

 

-Dhalinyaro: maxaa ka wanaagsan in ay diinta ku dhaqmaan oo salaada fajarka u kacaan, laakin wali waa arday oo daraasadi ayey mashquul ku yihiin iyo imtixaanadki ee HADHOW, markay dhameeyaan daraasadooda ayey diinta ku iltisaami doonaan oo diintooda baran doonan kuna dhaqmi doonaan .

 

-Cursaan: wali waxan ku jirnaa shahrulcasal Diinuna aad ayey u fiican tahay ee HADHOW ayaan Iltisaami doonaa

 

-Mustaqbal: wali waxaan ku jiraa sidaan meel isaga soo saari lahaa oo cagaha ugu istaagi lahaa dhinaca Tijaarada ee HADHOW ayaan Ihtimaam saari doonaa Diinta oo Iltisaaman.

 

Goorma ayey imaan Bari, maalinba maalin ayaan ku sii gudbinaa, malaga yaaba in ay timaado maalintaasi inaga oo nool ?

 

Hadhow waa xanuun aan kuligeen ka wada sheeganayno arinmaheena oo dhan waxaynu aaminsanahay maahmaah odhanaysay: shaqada manta bari haw dhigin, maku dabaqnay nolosheena ? taas ayaa keentay in aan ku gulaysan wayno nolosheena aduun iyo tii aakhiroba,

 

-cumrigu waa socdaa inaguna wali waxaan la soo taaganahay Bari ayaan samayn, waan samayn, markaan tan dhameeyo, wali waan yarahay ee markaan waynaado ayaan samayn, markaan guursado ayaan diinta baran kuna dhaqmi, markaan dhameeyo daraasada ayaan iltisaaman, markaan shaqo helo ayaan , markaan , markaan, MANA NAQAAN GOORTA AY IMAAN.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Hamza walla

 

Waa Sheeko cibrad weyn ay ku jirto, Allaha ka abaal mariyo Umm Cabdallah iyo adigaba, runtii sheekooyinku dareenka dadka si yaab leh bey u dhaqaajiyaan, sida ka muuqata Qisaska xikmadda badan ee Allah Quraanka noogu sheegay, sida Suuradda Yusuf. Baaraka Allahu Feek akhi.

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this