Sign in to follow this  
Abwaan

ICG oo ka digtay ciidamo keenista Somalia

Recommended Posts

Abwaan   

Thurs, Sep, 28 2006,08:30 am--Mogadishu Somalia

ICG oo ka digtay ciidamo keenista Somalia

 

Mogadishu 28, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Hay’ada xalinta khilaafaadka caalamiga ee ICG ayaa hadal digniin ah ka soo saartay ciidamada la sheegay in loo dirayo Soomaaliya ee garabka siinaya dowlada KMG, iyadoo ICG arrintaasi ku tilmaantay mid dhibaato sii horseedaysa, sida ay qortay wakaalada wararka ee Jarmalka ee DPA.

 

 

Matt Braden iyo Mohamed Amiin

 

Matt Bryden oo ah khabiir qaadaa dhiga arrimaha geeska Afrika oo ka tirsan hay’ada ICG ayaa sheegay in ciidamada loo dirayo Soomaliya ee lagu caawinayo dowlada KMG ee Baydhabo ay tahay arrin xal u keeni Karin dhibaatada Somaaliya.

 

Bryden waxa uu sheegay in beesha caalamka ay tahay inay fahmaan in maxaakimta Islaamiga ay door muhiim ah ku leeyihiin hanaanka nabada ee Soomaliya oo waajib tahay in la heshiisiiyo iyaga iyo dowlada KMG, iyadoo la raacayo hab diblomaasiyadeed.

 

Waxaa aad muhiim u ah buu yiri in beesha caalamka ay cadaadis saaraan labada dhinaca ee isku haya Soomaaliya inaanay cidleyn wadahadalka nabada.

 

Dhinac kale agaasimaha barnaamijka Afrika ee hay’ada ICG, Suliman Baldo ayaa sheegay in maxaakimta ay si cad u diidan yihiin qorshaha ciidamo keenista ee Soomaaliya, iyagoo taa ka xiga inay la dagaalamaan ciidan kasta oo shisheeye oo soo galaya Soomaaliya.

 

Hay’ada ICG ayaa rajo wanaagsan ka muujisay qabsoomida wareega saddexaad ee lagu balansan yahay in maxkamadaha iyo dowlada ay kulmaan dalak Sudan 30-ka bisha October, haddii beesha caalamka ay xoogaan saaraan arintaasi.

 

 

Inkastoo dhaqdhaqaaqda dagaal ee hadda ka jira Soomaaliya ay fashilin karaan kulankaasi.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this