Sign in to follow this  
Jabhad

Yeey, a loyal servant of Ethiopia in Coma according to Wabishabeele website.

Recommended Posts

Jabhad   

Is this a hoax from a clannish website?

 

Cabdullahi Yusuf Oo Markale Ku Noqday "Coma" Xaaladiisana Ay Aad U Daran Tahay

Baydhabo, 11/26/2006 - War goor dhaweyd inaga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegayo in madaxweynaha dowlada KMG ah, Cabdullahi Yusuf Axmed, uu dib ugu noqday miyir la'aantii (coma) ee uu mar galay doraad.

 

Madaxweynaha ayaa doraad istaaga ka dhacay isagoo coma ama miyir la'aan ahaa mudo 12-saacadood ah xanuun kaas oo ahaa xaga beerka ah.

 

Warkaas markaanu soo galinay doraad ayaa dad inala soo xiriiray oo sheegtay inay ehel dhaw u yihiin Cabdulaahi Yusuf waxey sheegeen inuu xanuunka madaxweynaha ahaa mid qabatin ah oo uu waligii lahaan jiray ee aysan aheyn xaga beerka.

 

Hase yeeshee xanuunka madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo ilaa doraad soo noqnoqonayey ayaa la inoo xaqiijiyey inuu yahay xanuun xaga beerka ah.

 

Waa markii labaad oo uu madaxweynuhu galo coma mudo saddex maalmood gudahood ah, iyadoo inti badneyd isbuuci la soo dhaafay uu gurigiisa ku xanuunsanayey.

 

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa ah nin da' ah isla markaana wato beer laga soo gooyey qof baqtiyey oo ay si artificial ah ugu xireen dhaqaatiir caalami ah.

 

Cabdullahi Yusuf ayey dhowr jeer dhaqaatiirta kula taliyeen inuu nasto isla markaana uunan qaban howlaha u baahan istaaga badan, socodka joogtada ah ama fikirka dheer.

 

Xaalada caafimaad daro ee madaxeynaha ayaa waxey ku soo aaday xili ay dalka Soomaaliya ku soo qulqulayaan ciidan Itoobiyaan ah oo uu sheegan jiray inay dalka u qaban doonaan, isla markaana hubka uga dhigi doonaan beelo uu si gooni ah farta ugu fiiqi jiray.

 

Waanu la sii socon doonaa xaalada caafimaad ee Cabdulaahi Yusuf.

 

Xasan Cali Wehliye

Wabishabeele

Muqdisho

 

Contact: wabishabeele@hotmail.com

source: http://wabishabeele.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this